Ciidamada Xoogga oo howlgallo ay ka sameyeen Shabeelaha hoose ku dilay Xubno katirsan Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheeysan oo ay fuliyeen Gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan Tuulada Kili-Jiido oo hoostagta degaanka Jannaale, ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Nabad diidka Al-shabaab.

Muddu kooban oo uu halkaasi dagaal ka socday ayay Ciidamada ku dileen ku dhawaad 10 ka mid ah maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab, sidoo kalena waxaa la xaqiijiyay in laga dhaawacay ku dhawaad 15 kale.

Ciidanka xoogga ayaa sidookale Gacanta ku soo dhigay Saanad Ciidan, iyaga oo burrburiyay dhamaanba goobihii ay ku dhibaateyn jireen Shacabka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, ayaa xusay in guud ahaan dalka oo dhan uu ka socdo howlgalo lagula dagaalamayo maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab, Isla marlaana ay sii socon doonaan ilaa iyo inta laga saarayo meelaha ay kaga suganyahiin dalka.