Wasiirka Warfaafinta XFS ” Marxuum Hadraawi Taariikhda ayuu ku Xusnaan Doonaa”

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka & Dalxiiska Xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Da’uud Aweys Jaamac oo u waramayay warbaahinta Qaranka ayaa tacsi u diray, Qoyska, ehelada, qaraabada & guud ahaan ummadda Soomaaliyeed Geerida AUN Abwaan Maxamed I.Warsame “Hadraawi” oo maanta lagu aasay magaaladda Hargeysa, Isagoo u rajeeyay in jannadii firdowso uu alle ka waraabiyo eheladii iyo qoyskii iyo Guud ahaan ummadda soomaaliyeed oo uu ka baxayn marxuumku samir iyo iimaan ka siiyo.

Wasiirka ayaa xusay in Marxuumku uu ka mid ahaa tiirarka hal-abuurka Soomaaliyeed, door weynna ka soo qaatay ilaalinta dhaqanka, horumarinta afka iyo suugaanta, isaggoo ku tilmaamay astaan midnimo iyo nabadeed.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo deeq gargaar ah u qeybiyey Qoysas danyar ah

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta qeybiyay gargaar raashin ah oo ay ugu deeqeen ku dhowaad 500 oo qoys oo danyar ah oo ku nool degmada Maxaas.
Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa maalmahaan u jooga degmada maxaas u kuurgalka xaaladaha nololeed ee ka jira degmada maxaas oo argagixisadu ay ka jareen anteenooyinka shirkadaha isgaarsiinta, sidoo kalana ay kusoo barakaceen qaar kamid ah dadkii deganaa tuulada taadeen oo ay argagixisadu ka burburiyeen guryihii iyo ceelashii ay biyaha ka cabi jireen.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale deeq raashin ugu deeqay tuulooyinka dhowr ah oo hoos yimaada degmada maxaas oo kamid ah deegaanada laga saaray maleeshiyaadka argagixisada ah.

       

AUN Abwaan Hadraawi oo maanta lagu aasay magaaldda Hargeysa

Alle ha unaxariistee Abwaankii weeynaa ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa maanta lagu aasay Xabaalaha Baqiic ee magaalada Hargeysa.

Aaska marxuumka ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Odayaasha Dhaqanka, ehellada marxuumka, Bahda Fanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Danjire Yuusuf Garaad Cumar ayaa kamid ah masuuliyiinta ka qayb-gashay Aaska Marxuum Abwaan Hadraawi.

Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa shalay ku geeriyooday isbitaalka Weyn ee Hargaysa.

   

Ciidanka Galmudug oo gacanta ku dhigay rag lagu tuhmay Al-Shabaab

Wararka laga helayo saraakiisha laamaha amniga gobalka mudug ee Dowlad Goboleedka  Galmudug ayaa sheegaya in la hayo 3  ruux oo lagu tuhmay iney wadeen abaabul la xiriira miinooyin iyo walxaha qarkxa oo la damacsanaa in la soo galiyo magaalada Galkacyo

Ciidamada Nabad sugida iyo booliiska ayaa sheegaya in ragaasi la qabtay maalinimadii shalay,kadib howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen dhulka miyiga ee hoostaga deegaanka dagaari oo 30 km dhanka koofureed ka xiga magaalada Galkacyo

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay ineey jiraan shaqsiyaad la tuhunsan yahay oo aan wali soo galin gacanta laamaha amniga balse ay socdaan baadi goobka ku aadan ragaasi.

XARUNTA QARAN EE GURMADKA DEG DEGA AH OO SOO SAARAY WARBIXINNO KU SAABSAN ABAARAHA

xarunta qaran ee hawlgalada gurmadka degdega ah ee xafiiska r/wasaaraha ayaa soo saartay Warbixinadii ugu dambeeyay ee ka hadleysa Xaaladda Abaaraha ee dalka.

Warbixintu waxa ay u qorneyd sidatan

Waxaa dhacay wadar ahaan 8 Abaarood 50 kii sanno u danbeeyay.

Afarta hore celcelis ahaan 9 sanno ayay kala dandbeeyeen, 10kii sannoba hal mar ayay dhacaysay.

Afarta danbe celcelis ahaan 4.5 sanno kala dandanbeeyaan, 10kii sannoba labo jeer bay dhacdaa.

Sooyaalka Abaarihii dhacay 50 kii sanno u danbeeyay maxaynu ka baran karnaa?

Soomaaliya waxay maraysaa abaartii 3 aad mudo 10 sanno gudahood,waxayna darajo ahaan ku dhawdahay heerka qiyaasta MACALUUL.

Tan iyo 1981 waa abaartii ugu cuslayd dhanka dadka saamaysay.

Bishii Maay Abaartu waxay ka jirtay 89%  66 degmo oo dalka ah, halka bisha Luulyo ay marayso 90% 74 degmo.

Tirada Caruurta nafaqo daradu hayso waxay ku dhawyihiin 1.5 milyan, oo udhiganta 28% tirada guud ee caruurta.

Dadka u dhintay macluul ama xanuuno ka dilaacay abaarta waxay marayaan 466 (428 caruur iyo 38 qaangaadh ah.

Kororka tirada dadka ku barakacay Abaarta waxay ku dhawyihiin 1 milyan.

Tirada Barakacayaasha ayaa maraysay 208,664 bishii Nofember 2021, Waxii bishii Disember ka danbeeyay ku biiray 823,766 barakacayaal ah una dhigta koror ah 400% (afar jibaar).

Waxaa yaraaday amase laga waayay deegaanada qaar biyihii iyo baadkii, halka ay qiimaha maciishaduna ay sare u kacday 75% ilaa 200% tan iyo markay Abaartu bilaabmatay.

2.4M caruurta da’da iskuulka gaartay ayay Abaartu saamaysay. 1.7M oo ka mid ah caruurtan ayay Abaartu ka reebtay waxbarashadii. 720,000 (47% hablo yihiin) caruur ah ayaa khatar ugu jira inay iyana ka haraan waxbarashada saamaynta Abaarta daraadeed.

5% tirada guud ee xoolaha ayay abaartu dishay, halka ay saameysay ku dhowaad 30%, Kana dhigan in sadex meelood meel qoysaska xoolo dhaqatada ahi waayi doonaan qaabnololeedkoodii.

Halbeega nafaqo darida xoolaha ayaa inta badan dalku waxay marayaan 1-2, iyadoo meelo koobana ka hooseeyaan 1 (aad u liita).

Guud ahaan waxay sheegayaan xogaha iyo qiimeynta uu XRW wado in dalku geli karo bisha 9 aad ilaa 10 aad xaalad MACALUUL!

Bishan Luulyo Hay’adaha ka hawlgala guud ahaan Dalka waxay ku dhawaaqeen haddii dhaqaalihii hore loogu yaboohay si degdeg ah loo helin inay gebi ahaan istaagi doonaan waxii gargaar joogto ah ee ay samayn jireen.

Waxaa sare kacay tiradad xaaladaha cudurka jadeecada ah, waxa uuna xanuunkani dili karaa dadka nafaqo daradu hayso siiba caruurta. Waana halis kale oo kordhin doonta tirada geerida dadka abaartu saamaysay.

Degmooyinka ku sugan halista ugu badan ee saamaynta abaarta (darajada 5aad-macluul) waxaa kamid ah Ceelberde iyo Rabdhure Udhaw Macluul Galkacyo (IDPs), Baydhabo (IDPs), Goldogob, Beledweyn, Buuloburde, Jalalaqsi, Buurhakaba iyo Xudur

Sida UN-ka uu sheegay si loo dhaqaajiyo Gargaraarka Soomaaliya sanadkan 2022 waxaa loo baahanyahay $1.5 bilyan.

In Xafiiska RW oo ah hay’adda ugu sareysa fulinta uu qaato kaalinta isku xirka guud ee dhamaan hawlaha Gurmadka Abaaraha si loo xaqiijiyo kaalinta hay’adkastaa leedahay loona xoojiyo iskudabaridka dhamaan hawlaha Gurmadka.

In sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaarsiiyo dadka u baahan dhaqaalaha gacanta Dawladda ku Jira ee Abaaraha u qoondeysan.

XIGASHO: Wakaaladda Wararka ee SONNA

Wasiir Fiqi oo sheegay in la dardargaliyay howlaha ku aadan gurmadka abaaraha

Wasiirka  Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS  Axmed Macalin Fiqi  ayaa sheegey iney ka shaqeyn doonaan sidii loo laba jibaari lahaa howaha kala duwan ee la xiriirta gurmadka abaaraha ee dalka .

Wasiirka ayaa xusay  in la buddhigay heyaddi qaban laheyd howlaha samofalka iyo gurmadka ee lagu badbaadinaayo dadka barakacayaasha ah ee la ildaran waxyeelada abaaraha.

Wasiirka  Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS  Axmed Macalin Fiqi   ayaa sheegay in la diyaariyay xarumihii iyo goobihii kale ee loo qorsheeyay keydadka raashinka ee ku socda dadla liita.

Wasiirku waxa uu ka dhawaajiyay in ay horyaalaan shaqo culus iyo waajibaad qaran,sidaa daraadeed,waxaa lagama maarmaan ah ayuu yiri in aan ku howlgalno wadajir iyo midnimo laga dheehan karo  daacadnimo.

MADXAFKII MIYAA DUMAY?!

Labeenta iyo miidda hadalku waa: Godlashada hal-abuurka iyo burqashada suugaanruugga mudhbaxay, fahanka, dhuuxidda, falanqaynta iyo faaqidaadda gunta gabayga, seeska masafada, xuddunta geeraarka, madiixa giishka, dananka heesaha iyo jaadadka kale ee tixda oo laga helo kobcin aqooneed iyo itaal garasho.

Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi) maanta ayuu ku go’ay magaalada Hargaysa August 02, 2022

Waxa uu ahaa dugsi laga barto nolosha iyo seeskeeda. Waxa uu ahaa durdur burqanaya oo lagu oonbaxo. Waxa uu ahaa webi deeqsi ah. Waxa uu ahaa badweyn hodan ah iyo miid, magas iyo mullaax leh.

Mar kale, waxa uu ahaa abwaan gaasabaxay, cabqari anuug ah, suugaandhaadhi hela duxda hadalka iyo giraanta baanaha. Waxa uu ahaa buuni baxdow ah, oo aan looga maarmin golaha iyo geedka lagu gorfeeyo ama la isku dhaafsado dhaxdooyinka ka la duwan.

Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) waxa uu astaan u ahaa caddaaladda, sinnaanta, garsoorka cuddoon, xorriyadda, is-ahaanshaha, nabadda iyo nolosha middeeda wanaagsan. Waxa uu ka guban jiray dulmiga, eexda, gaboodfalka, kelitaliska iyo aabiga lagu la kaco aadanaha karaamaysan.

Ilaahay waxa aan uga tuugayaa inuu ka waraabiyo durdurkii iyo ishii jannadii Fardowsa. Denbidhaaf iyo naxiis mug leh ayaan Eebbe-Weyne u weydiinayaa in uu ku galllado. Eebbow adaa awood  leh, oo Qaadir ah; eebbow adaa bixiya naxariis guud iyo mid gaar ah, ee huwi addoonkaagan martida kuu ah. Eebbow adaan kaa tuugayaa in aad galiso jannadda ilwaadka iyo ugbaadka leh, farxadda iyo nolosha wanaagsan leh.

Suugaan duxdeediyo

Damalkii harka lahaa

Dadweynuhu ku hiran jirey

Madxafkii miyaa dumay?!

Garashada dirkeediyo

Durdurkii macaanaa

Dadweynuhu ku hiran jiray

Madxafkii miyaa dumay?!

Dalmarkii adduunkiyo

Daawadii cuddoonayd

Dadweynuhu ku hiran jiray

Matxafkii miyaa dumay?!

Diricii astaantiyo

Dacwadii sinnaantiyo

Dayrkii dugsoonaa

Dadweynuhu ku hiran jiray

Madxafkii miyaa dumay?!

Hadduu maanta iga dumay

Yaa dirirta hadalkiyo

Duurxulkeeda wadi kara?!

Dabarrada isdhaafiyo

Dildilaha isgarabyaal

Dacal yaa ka garan kara?

Yaa darmaanta shaaximan

Iyo duubcad waranlaha

Dusha sare ka hubin kara?

Yaa diinta hodonka ah

Hadba dacal ka eegoo

Sirta daahan helayoo

Diiwaanka nuurka leh

Dusha sare ka hubin kara?

Yaa gaboodfal daahiray

Iyo aabhi damac dhalay

Iyo eex dad lagu gubay

Iyo dawlad guriso ah

Duhurkii ushaw luli

“Dib u joogso” oran kara?

Dadweynaha saboolka ah

Danyartiyo agoomaha

Diirkooda dhalanrogan

Dakharradu ka muuqdaan

Dusha sare ka hubin kara?

Ku maa awrka dabi karaa?

Duddo yaa wax siin kara?

Yaa dayaxa  sare iyo

Najmi dumay wax fari kara?

Yaa qardhaasta daabacan

Danta guud ka hubin kara?

—–

MAXAMUUD CALI AADAN HOORRI

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kormeeray xarumaha ay ka howlgalaan Hay’adda Socdaalka

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo madax kale ayaa kormeer ku tagay xarumaha ay ka howlgalaan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Magaalada Muqdisho.

Wasiirka iyo madaxdii kale e la socotay waxa ay booqdeen goobaha laga soo dago iyo kuwa laga baxo ee Garoonka Aadan Cadde, Waaxda Ajaanibta iyo fiisooyinka , Waaxda Jinsiyadda iyo Xarunta ugu weyn ee laga bixiyo adeegga baasaboorka Soomaaliya ee Degmada Hodan.

Kormeerkaasi oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Wasiiru Dowlaha Amniga gudaha Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Isaaq Maxamed Maxamuud ,waxaa xarumahaasi ku soo dhoweeyay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali ayaa bogaadiyay shaqada baaxadda leh ee Hay’addu ka heyso gudaha dalka iyo dibedba ,wuxuuna caddeeyay in si wadajir ah looga shaqeyn doono xallinta caqabadaha jira,isagoo dhinaca kale kula dardaarmay in lala yimaado qorshayaal istaraatiiji ah oo ka qeybqaadan kara horumarka dalka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kala hadlay Ku-xigeenka Ergayga Qaramada Midoobey dadaallada bani’aadannimada

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay maanta oo Khamiis ahayd Caasimadda Muqdisho Kuxigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ahna Sarkaalka mas’uulka ka ah Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM), Marwo Anita Kiki Gbeho, waxa uu kala hadlay barnaamijyada Qaramada Midoobey ee horumarinta , dowlad dhiska iyo dadaallada bani’aadannimada.

Intii kulanka lagu guda-jiray ayaa waxaa la isku dhaafsaday aragtiyo dhowr ah oo ay ka mid yihiin fududeynta gurmadka aadannimo ee la gaarsiinayo dadka tabaalaysan, sidoo kale waxaa la isla fallanqeeyay horumarka xaaladaha siyaasadeed iyo kuwa amni.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay aad ugu dadaalayso sidii gargaarka ay u gaarsiin lahayd dadka u baahan ee ku nool deegaannada ay abaaruhu saameeyeen, isagoo ku baaqay in la dardargeliyo kaalmooyinka bani’aadannimo ee caalamiga ah iyo barnaamijyada horumarinta ee lagu taageerayo ujeeddooyinka mudnaanta koowaad u leh dowladda.

 

     

Ra’iisul Wasaare Xamza oo xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Cuntada Adduunka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Cuntada Adduunka, David Beasley iyo xubno ka tirsan hey’addiisa.

David Beasley, oo ah sarkaalkii ugu sarreeyay ee hey’adda ka socda oo soo booqda Soomaaliya – tan iyo markii abaartu billaabatay, ayaa ujeedada socdaalkiisa tahay sidii uu u xoojin lahaa hawlaha ay hey’adda WFP ka wadday dalka iyo sidii looga jawaabi lahaa cuno-yarida iyo abaaraha saameeyay shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi oo soo dhaweeyay wafdiga ayaa sheegay in booqashadooda ay ku soo beegantay xilli muhiim ah oo Xukuumadda Dan-Qaran ay u jiheysay xooggeeda gurmad degdeg ah oo loo sameeyo dadka Soomaaliyeed ee dhibaateeysan.

David Beasley ayaa kulanka ka sheegay in hey’addiisu ay diyaar u tahay la shaqeynta xukuumadda cusub iyo sidii loo dardargelin lahaa hawsha samafalka ee wax loogu qabanayo dadka dhibaateysan ee abaaruhu ay barakiciyeen.