Weerar sababay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Kismaayo

Taliye Maxamed Raamsade oo ka mid ah saraakiisha ammaanka Jubbaland ayaa xalay lagu weeraray Guriga uu Kismaayo ka degan yahay, weerarka oo loo isticmaalay qaraxyo ayaa waxa uu sababay geerida seddax carruur ah oo guriga ku sugnaa, waxaana ku dhaawacmay Taliyaha iyo seddax kale oo carruur ah, sida laga soo xigtay wariye kusugan halkaasi

 

Wasiir Fiqi oo tallaabo geesnimo leh ku tilmaamay howlgalada argagixisada looga xoreynayo gobolka Hiiraan

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siinayay warbaahinta dowladda ayaa bogaadiyay howlgalada ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo is abaabulay ay ku baacsanayaan argagixisada Al-Shabaab, kuwaas ka socda gobolka Hiiraan.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in ay ciidanka iyo shacabka oo iskaashanaya qaadeen tallaabo geesinimo leh oo lagu xoreynayo deegaanada fara ku tiriska ee maleeshiyada ay kaga sugan yihiin deegaanada hoostaga degmooyinka Maxaas, Matabaan iyo Baladweyne.

“ Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo dadka reer Hiiraan, runtii waxay sameeyeen geesinimo waliba shacabka iyo Beelaha dega Maxaas, Matabaan iyo Baladweyne, waxay muujiyeen geesinimo xilligaas adag,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale, wareysiga ku sheegay in si deg deg ah deegaanada laga xoreeyay nabad-diidka loo gaarsiin doono gar-gaar banii-aadnimo, wuxuuna hadalkiisa intaas ku daray in xilligan la wiiqay awoodda Al-shabaab ee gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyntii, Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Amb: Axmed Macalin Fiqi ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay iska difaacan maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab oo Diin, dal iyo dad midna u naxeyn, waxayna ciidanka kordhiyeen bilihii la soo dhaafay howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

 

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Galmudug oo si rasmi ah u daahfuray Dhismaha Golaha Deeganka Dagmada Caabudwaaq

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa si rasmi ah u daahfuray Dhismaha Golaha Deeganka Dagmada Caabudwaaq, kadib munaasabad ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Caabudwaaq, taas oo maanta lagu qabtay degmada Caabudwaaq.

Madaxweynaha ayaa kaga mahadceliyay salaadiinta iyo dhaqanka degmada Caabudwaaq, sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen dhisidda Golaha Deegaanka degmada, islamarkana la soo dhisi doono goor dhow golaha deegaanka degmada Caabudwaaq.
Odayaasha dhaqanka ee degmada Caabudwaaq ayaa xusay inay soo dhaweynayaan dhismaha golaha deegaanka ee degmada Caabudwaaq, iyagoona xusay in guud ahaan shacabka degmada qeybahooda kala duwan ay la shaqeeyaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, si loo dhiso golaha deegaanka.
 
 

Isku-duwaha Xafiiska Ergayga Abaaraha oo deeq ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS

Isku duwaha guud ee Xafiiska Ergeyga gaarka ah Abdusalam Salwe oo uu wehliyo Kaaliyaha gaarka ah ee Ergeyga Dalmar Xasan Yuusuf, ayaa 40 Konteenar oo ay ku jirto deeq gargaar ah (Raashin) ku wareejiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Isku duwaha, ayaa Wasiiru Dowladaha Wasaarada Arrimaha Gudaha Ilyaas Cali Xasan ku waeejiyay deeqdaan oo ah gargaar ay Dowladda Imaaraadka Carabta ugu deeqday dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, taas oo gaareysa 1,070 tan oo Dowladda Soomaaliya guddoontay 13 Agoosto 2022.

Macawinadaan, ayaa ah raashin isku dhaf ah oo ka kooban cunnooyinka aas-aasiga u ah nolosha bani’aadanka, Waxaana loogu tala-galay in wax looga qabto xaaladda nololeed ee dadka abaaruhu saameeyeen sida ay u kala daran yihiin.

Ugu dambayn, Isku duwaha oo Saxaafadda la hadlay, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in diiradda la saaro garab istaagga dadkeenna abaarahu ceyrteeyeen.

     

Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo bogaadiyay howlgalada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray wuxuu ku boggaadiyay howlgalada ciidanka Xoogga Dalka ka fuliyeen gobalka Hiiraan oo ka tirsan Mamulka Hir-Shabelle.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee JFS waxa ay bogaadineysaa howlgallada Ciidanka Xooga Dalka oo kaashanayo ciidamada Dowlad-goboleedka Hirshabeelle , ATMIS iyo saaxiibada kale ee Caalamka ka fulinayaan deegaannada Gobollada Hiiraan”.

Wasiir Cabdiqaadir ayaa sidoo kale ammaanay dowrka wanaagsan oo ay shacabka gobalkaasi ka qaateen sidii cadowga shacabka looga sifeyn lahaa Hiiraan “Waxaan si gaar ah u bogaadineynaa dadka deegaanka oo si mug leh ugu soo baxay in ay ka qeyb qaataan ciribtirka argagixisada si toos ahna uga garab dagaallamayo ciidamada qaranka”.

Sida uu shirkiisa jaraa’id ku sheegay Wasiirka Difaaca argagaxisada ayaa laga xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan gobalka Hiiraan “Waxaa mahad ilIlaahay ah in illaa iyo hadda laga xoreeyay cadawga deegaannada Teedaan, Bacda, Beer Gidiid, Jilacle, Madhoy, Hees iyo Deegaannada ku xeeran”.

Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay u guntadaan sidii aan isaga xoreyn laheyn cadawga argagixisada ah”.

Wasaaradda Gaashaandhiggu waxa ay ku howlan tahay diyaarinta qorshe ballaaran oo guud ahaan dalka oo dhan looga xoreynaayo argagixisada dhiigmiiradka ah ee caqabadda ku noqday horusocodka, horumarka iyo guud ahaan danaha qaranka”.

Dhammaan geesiyaasha ciidamada kala duwan ee sida nafhurnimada leh ula dagaallamayo cadwga waxa ay baal dahab ah ka galayaan taariikhda qaran dhiska Soomaaliyeed”. ayuu yiri wasiirka.

Ra’iisal wasaare Xamsa oo ka tacsiyeeyay weerarka argagixiso ee Hotel Xayaat

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliyeed Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa u tacsiyeeyay ehelka dadka wax ku noqday Weerarka Argagixiso ee Hotel Xayaat.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qeybsanayaa ehelada dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday weerarkii argagixisadu la beegsadeen hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho, waxaan Alle uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhimatay, dhaawacyadana deg deg u bogsiiyo.,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.

Ra’iisal wasaare Xamsa ayaa ugu baaqay  Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed in ay isu kaashadaan sidii la isaga caabbin lahaa loona cirib tiri lahaa cadowgan har iyo habeen laynaya shacabkeenna.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ku baaqay in la iska kaashado ciribtirka argagixisada kana hadlay weerarka Hotel Xayaat

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa murugada iyo xanuunka la qeybsaday ehelada dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday weerarkii argagixisadu la beegsadeen hoteelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

“Waxaan Alle uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo intii dhimatay, dhaawacyadana deg deg u bogsiiyo.,” ayuu yiri Ra’iisal wasaarihii hore.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka ugu baaqay in ay iska kaashadaan sidii la isaga caabbin lahaa loona cirib tiri lahaa cadowgan har iyo habeen laynaya shacabkeenna.

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo la kulmay madaxda waaxda xalka waara ee wasaaradda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib U heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi oo ay wehelinayaan wasiiru dowlaha wasaaradda Mudane Ilyaas Cali Xasan iyo wasiir Ku-xigeenka wasaaradda Amb. Cabdixakiin Xasan Ashakir ayaa kulan la qaatay waaxda xalka waara ee wasaaradda.

Agaasimaha Waaxda Xalka waara Mudane Mukhtaar Jaamac Sugaal iyo qaar ka mid ah Shaqaalaha Waaxda ayaa warbixino ku saabsan waaxda la wadaagay wasiirka .

kulanka intii uu socday ayaa lagu soo bandhigay qorshayaasha iyo Dhamaystirka sharuucda Qabyo qoraalka Siyaasada Qaran ee Wadajir bulsho (National Cohesion policy) ,diyaarinta Siyaasada Qaran ee Muhaajiriinta (National Migration Policy) iyo Sameynta Siyaasadda Qaranka ee Megangalyo doonka ah.

WFP oo markale digniin ka soo saartay Abaaraha ka jira Geeska Afrika

Hay’adda Cunnada Adduunka WFP, ayaa ka digtay Abaaro daran oo ay halis ugu jiraan dad gaaraya 22 milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika, marka la gaaro bisha Sebtembar ee soo socota.

khatarta ka dhalatay cunto yarida sii kordheysa ee ay dhalisay abaarta, ayaa gaartay heerkii ugu sarreeyay sida ay sheegtay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.

Bayaan laga soo saaray Jimcihii, Barnaamijka Cunadda ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay ” in Abaar ka dhalatay Roob yari xilligii afaraad oo xiriir ah tan iyo dhammaadka 2020, ay gobalka geeska Afrika ka dhalisay macaluushii ugu xumeyd muddo 40 sano ah, taasoo keentay dhimashada malaayiin xoolo ah iyo dad farabadan.

Abaarta ayaa aad usameeysay qeybo kamid ah Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya, dad ka badan hal milyan oo qof ayaana ka baxra kacay Guryahooda iyagoo raadsanaya Biyo iyo Cunto.

WFP ayaa bilowgii sanadkan ka digtay in 13 milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika ay soo food saartay cunto yari ba’an oo ay abaaruhu sababtabeen.

Hase ahatee ka dib weerarkii Ruushka uu ku qaaday Ukraine, ayaa tirade dadka macaluusha halista ugu jira kor u qaadday oo gaarsiisay 20 milyan oo qof, sida ay sheegtay Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.

Wasiir Fiqi” Waxaan uga digayaa maleeshiyada Al-shabaab in aysan carqaladeyn arrimaha gargaarka”,

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siinayay warbaahinta Qaranka ayaa maleeshiyada Al-shabaab uga digay in aysan carqaldeyn gargaarka la gaarsiinayo dadka ay abaarta saameysay ee ku dhaqan deegaanada fara ku tiriska ee ay gacanta ku hayaan argagixisada.

“ Waxaana rabbaa inaan uga digo in aysan carqaladeyn deeqaha  ku socda deegaanada gacantooda ku imtixaanan, in ay ka wareegaan deeqdaas oo la gaarsiinayo dadka u baahan”, ayuu yiri wasiir Ahmed Macalin Fiqi.

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa ku tilmaamay in abaaraha iyo barakaca dalka ka jira ay sabab u yihiin nabad-diidka Al-Shabaab, wuxuuna carabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal xooggan ku bixineyso sidii gargaar banii-aadnimo loo gaarsiiyo dadka dhibaateysan ee la daala dhacaya abaaraha iyo colaada ee ay qeyb ka yihiin kooxaha argagixisada.