Wasiir Fiqi oo tallaabo geesnimo leh ku tilmaamay howlgalada argagixisada looga xoreynayo gobolka Hiiraan

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siinayay warbaahinta dowladda ayaa bogaadiyay howlgalada ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka oo is abaabulay ay ku baacsanayaan argagixisada Al-Shabaab, kuwaas ka socda gobolka Hiiraan.

Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in ay ciidanka iyo shacabka oo iskaashanaya qaadeen tallaabo geesinimo leh oo lagu xoreynayo deegaanada fara ku tiriska ee maleeshiyada ay kaga sugan yihiin deegaanada hoostaga degmooyinka Maxaas, Matabaan iyo Baladweyne.

“ Waxaan rabaa inaan u hambalyeeyo dadka reer Hiiraan, runtii waxay sameeyeen geesinimo waliba shacabka iyo Beelaha dega Maxaas, Matabaan iyo Baladweyne, waxay muujiyeen geesinimo xilligaas adag,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale, wareysiga ku sheegay in si deg deg ah deegaanada laga xoreeyay nabad-diidka loo gaarsiin doono gar-gaar banii-aadnimo, wuxuuna hadalkiisa intaas ku daray in xilligan la wiiqay awoodda Al-shabaab ee gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyntii, Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Amb: Axmed Macalin Fiqi ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay iska difaacan maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab oo Diin, dal iyo dad midna u naxeyn, waxayna ciidanka kordhiyeen bilihii la soo dhaafay howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.