Ciidamada Xoogga dalka oo la wareegay Saldhigii ugu weynaa argagixisada ee Degaanka Hees

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 27aad oo howlgallo kala duwan wali kawada degaanno hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa howlgal qorsheysan waxa Cagta ku mariye Saldhigii ugu weynaa argagixisada ay ku lahayeen Degaanka Hees ee Gobolka Hiiraan.,iyadoona ciidamada ay la waregeeyn degaanka Hees oo hoostaga demada Matabaan

Saraakiisha ciidamada Guutada 5aad ee qeybta 27ad ayaa sheegay in Cidiaamda ay dagaal kula wareegeen degaanka Hees, isla markaana ay burburiyeen saldhigyadii Maleeshiyada  Al-Shabaab ee deganka Hees

Sidoo kale waxaa ay sarakiishu shegeen in ay sii wadi donaan howlgalada cadwga looga sifeynayo deganada ay kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan iyo ciidamada qalabka sida ayaa degaanno badan hoostaga degmada Maxaas kawada howlgal ka dhan ah argagixisad,iyadoona ciidamada degaana badan ay kala waregeen Maleeshiyada Al-Shabaab

 

   

Wasiirka warfaafinta oo kulan la qaatay Safiirka china u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Mudane Da’ud Aweys Jaamac ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda China Fea Shengchao

Kulanka Wasiirka Warfaafinta iyo Safiirka China oo uu goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Wafaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Shiikh Al Cadaala ayaa looga hadlay xoojinta Xiriirka Wadashqeyn ee u dhexeeya Safaaradda China iyo Wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Da’ud Aweys ayaa Safiirka China uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Safaaradda lagarabtaagantahay Wasaaradda Warfaafinta, isagoo ka codsaday in lasii xoojiyo taageerada iyo wadashaqeynta labada dhinac.

Safiirka China Fea Shengchao ayaa isna ballanqaaday in ay xoojinayaa taageerada Safaaradda ay siiso wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska.

  

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo danjiraha Dowlada UK kala hadlay sugida Amniga degaannada laga saaray Argagixisada

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta XFS Mud. Ahned Moallim Fiqi ayaa maanta la kulmay danjiraha Dowlada UK u fadhiya Soomaaliya Mrs. Kate Foster.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay iskaashiga xasilinta Amniga deegaanada laga xureeya kooxaha Argagixisada iyo wax ka qabashada abaaraha dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay cid kasta kala kaashato sugida Amniga iyo ka xoreynta guud ahaan dalka.

Danjiraha Dowlada UK u fadhiya Soomaaliya Mrs. Kate Foster ayaa dhankeeda sheegtay in ay diyaar u yihiin in dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan sugida iyo xasilinta Amniga dalka, Dowlada UK ay diyaar u tahay in si wanaagsan ula Shaqeyn doonaan dowladda cusub ee Soomaaliya.

 

    

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo danjiraha Dowlada UK kala hadlay sugida Amniga degaannada laga saaray Argagixisada

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-uheshiisiinta XFS Mud. Ahned Moallim Fiqi ayaa maanta la kulmay danjiraha Dowlada UK u fadhiya Soomaaliya Mrs. Kate Foster.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay iskaashiga xasilinta Amniga deegaanada laga xureeya kooxaha Argagixisada iyo wax ka qabashada abaaraha dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay cid kasta kala kaashato sugida Amniga iyo ka xoreynta guud ahaan dalka.

Danjiraha Dowlada UK u fadhiya Soomaaliya Mrs. Kate Foster ayaa dhankeeda sheegtay in ay diyaar u yihiin in dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan sugida iyo xasilinta Amniga dalka, Isla markaana ay si wanaagsan ula Shaqeyn doonaan dowladda cusub ee Soomaaliya.

 

Dowaladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ayaa soo deeyso maxabiis Soomaali ah oo ku xirnaa Xabsiyada dalka Liibiya

Maxabiisataan ayaa si tahriib ah waxa ay ku gareen dalka Liibiya iyagoo doonayay in ay uga sii gudbaan dalalka kale,balsa ay gacanta ku dhigeen ciidmada dalka Liibiya

Xoghayaha kowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya Ayuu Xaanshi Ciise ayaa Wakaaladda Wararka SONNA  u sheegay in maxabiistaan dib loogu soo celin doono dalka

Maxabiistaan ayaa tiradooda gareysaa 14-maxbuus kuwaas oo in muda ah ku xirnaa Xabsiyada dalkaasi,safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalkaasi ayaa xoogga saaratay sidii muwadiniintasi dalka dib loogu soo celin lahaa.

Maxbiistaan ayaa lagu wadaa in maalinta bari ah dalka dib loogu soo celiyo,iyadoo Safaarada Soomaaliya ay dadaal badan ku bixisay sidii muwaadiniitani Soomaaliyeed ee guud ahaan ku jira xabisyada dalkaasi dib loogu soo celin lahaa dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo isbitaallada ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagixisadu ku qaadday hotelka Xayaat

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa booqday isbitaallada lagu daaweynayo dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagixisadu ku qaadday hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa waxa uu warbixinno ku saabsan xaaladda caafimaad ee dadka dhaawacmay ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta isbitaallada Erdogan iyo Medina.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhaawacyada culus ee aan dalka wax looga qaban karin ay dowladdu u qaadi doonto waddanka dibeddiisa – isagoo intaa raaciyay in sidoo kale ay dowladdu qaadeyso bukaanno kale oo istibaallada horey ugu jiray.

Waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay isla xisaabtamayso – isla markaana ay qaadayso masuuliyadda wixii dhacay, oo lala xisaabtami doono cid walba oo hawsheeda gudan weysay.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa u mahadceliyay ciidamada Soomaaliyeed ee naftooda u huray inay soo badbaadiyaan shacabka – oo uu sheegay inay yihiin mujaahidiin dhab ah.

Waxa uu tacsi u diray eheladii iyo qoysaska dadkii ku shahiiday weerarkaasi – isaga oo Alle uga baryay inuu naxariistiisa janno siiyo – kuwa dhaawaca ahna Allaah u booga dhayo.

    

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Qatar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa ku qaabilay maanta oo Axad ahayd Caasimadda Muqdisho, Safiirka Dowladda Qatar ee aan walaalaha nahay u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohammed Hashim, oo booqasho sharafeed ugu yimid, iyadoo intii lagu guda-jiray kulanka lagaga wadahadlay xiriirka laba geesoodka iyo iskaashi wadaagga.

Billowga kulanka, ayaa Safiirka Qatar ugu hambalyeeyay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya xilka cusub ee loo magacaabay, isagoo u rajeeyay guul waarta oo uu ka gaaro howlaha loo igmaday, xusayna kaalinta dalkiisa ee garab istaagga Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay muhiimadda ay leedahay horu u dhaqaajinta geeddi-socodka iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada waddan ee walaalaha ah iyo fursadaha badan ee lagu ballaarin karo heerarka, korna loogu qaadi karo iskaashiga istiraatijiyadeed ee dhinac weliba leh.

 

Wasiirka Caafimaadka XFS oo shaaciyay khasaaraha ka dhashay weerarkii argagixisadu ka fulisay Hotel Xayaat

Wasiirka caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji ayaa shaaciyay tirade dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkii argagixisada ay ka fulisay Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo tagay isbitaalada la geeyay dadka waxyeelada ka soo gaartay weerarkaas ayaa sheegay in inta la xaqiijiyay 21-ruux ay ku geeriyootay weerarka halka 117-kalena ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ayaa sheegay in muddadii uu socday weerarka argagixisada ku qaaday Hotelka hay’adaha amniga ay xoogga saareen badbaadinta iyo badqabka muwaadiniintii goobta ku sugnayd, waxa ayna ku guulaysteen badbaadinta dad ka badan 106 ruux oo ay ka mid yihiin carruur iyo haween.

Howlgalkii Hotel Xayaat oo lasoo afjaray iyo Taliye Xijaar oo ka hadlay

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo goordhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in lasoo afjaray weerarkii ay argagixisadu ku qaaday Hotel Xayaat.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanka oo aad u taxadaraya ay ugu dambeyntii ku guuleysteen inay toogtaan dhagarqabayaashii weeraray Hotelka.

Sidoo kale Taliye Xijaar wuxuu intaas ku sii daray in khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaas ka dhashay ay soo gudbi doonaan hey’adaha caafimaadka oo la tacaalaya dadkii ay waxyeeladu ka soo gaartay weerarka.

“Ciidamada Amniga ayaa soo gaba gabeeyay howlgalkii ka socday hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho. 106 qof ayaa laga soo badbaadiyay hoteelka, hey’adaha caafimaadka ayaa dhawaan shaaci doona khasaaraha ka dhashay weerarkan argagaxiso ee bahalnimada ah,” ayuu yiri Taliye Xijaar.

Ciidamo iyo dad kale oo shacab ah ayaa gudaha Hotelka ka wada howlgal nadiifin ah, si loo soo saaro, meydadka dhagarqabayaasha iyo dadkii ay dileen.

Sidoo kale burburka dhismayaasha hoos tooda ayaa laga baarayaa meydad hor leh.

Farmaajo oo maanta loo dhaariyey xubin ka tirsan golaha shacabka

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadda loo dhaariyey xubinimada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, dhaarinta ayaa wajahday mooshin is hortaag ah oo ay keeneen xildhibaano uu hor kacayey Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
 
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka shir guddoominayey ayaa ogolaaday in cod loo qaado mooshinka ay keeneen xildhibaanadaas, 4 xildhibaan ayaa ka aamustay, 10 xildhibaan ayaa taageertay mooshinka, waxaana ogolaatay in Farmaajo la dhaariyo 146 xildhibaan, sidaas ayaana loogu dhaariyey xubinimada golaha shacabka.
Intaas kadib xildhibaanada ayaa guda galay ajendaha kale ee maanta hor yaalla, kaas oo ah doorashada guddoonka guddiyada golaha shacabka, kuwaas oo gaaraya 14 guddi.