Mareykanka oo dambi ku helay Rag doonayay inay af-duub geystaan

Maxkamad Maraykan ah ayaa dembi ku heshay laba nin oo lagu eedeeyey inay maleegeen qorshe lagu afduubayo Guddoomiyaha Gobolka Michigan, Gretchen Whitmer, sannadkii 2020, kuwaas oo doonayey inay afduubaan Guddoomiyaha, iyagoo sidoo kale qorsheeyey inay qarxiyaan buundooyin isla markaasna ay bartilmaameedsadaan ciidanka boolisku, haddii ay u soo gurmadaan inta uu socdo falka afduubku.

Adam Fox iyo Barry Croft Jr. ayaa sidoo kale lagu helay dembi kale oo ah, inay qorsheeyeen inay helaan hubka wax gumaada, oo ay ku jiraan, bam lagu qarxiyo buundo iyo in la jahawareeriyo ciidanka booliska, xilliga uu socdo qorshaha lagu afduubayo Guddoomiyaha gobolka Michigan.

Barry Croft Jr. oo ah dareewal kaxeeya Gaadiidka waweyn, kana soo jeeda gobolka Delaware ee dalka Maraykanka, ayaa sidoo kale lagu xukumay eedo kale oo la xiriira inay haysteen walxo qarxa.

Kiiskan ayaa baaritaankiisu bilawday, ka dib markii uu Dan Chappel oo hore ugu soo dagaalamay dalka Maraykanka oo ka tirsanaa koox sida ciidanka militariga u tababaran oo ka dhisan gobolka Michigan, uu sheegay inuu maqlay, xubno ka sheekaysanaya inay laayaan ciidanka Booliska. Ninkan ayaa aqblay inuu si hoose ula shaqeeyo laanta dembi baarista Maraykanka ee FBI.

Dan Chappel oo si dhow ula shaqaynayey kooxda qorshaynaysay inay afduubaan barasaabka Michigan, ayaa bilaabay inuu si hoose u duubo sheekooyinkooda, isagoo ka qayb gelayay tababarada loogu diyaargaroobayo afduubka guddoomiyaha gobolka.

Caddaymaha uu soo ururiyey ayaa loo adeegsaday in lagu fashiliyo shirqoolkaas isla markaana la soo xiro.

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha abaaraha oo baaxadda abaaraha ugu warbixiyay xukuumadda

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta warbixin ku saabsan saameynta iyo baaxadda Abaaraha la wadaagay Banbaxa Gollaha Wasiirada JFS.

Ergaygu wuxuu sheegay in abaarta daran ee dalka ka jirta ay ay saameysay ku dhowaad 7.8 milyan oo qof, taasoo u dhiganta ku dhawaad 50% tirada guud ee dadkeenna, sidoo kale wuxuu xusay in hal milyan oo qof ay barakicisay abaartu, halka uu Golaha uga warbixiyay waxyaalaha u qabsoomay muddadii uu magacawnaa.

Wuxuu muujiyay jiritaanka midnimo iyo u heellanaan xooggan oo ka dhex jira hay’adaha dowladda iyo sida ay u fududaatay hawlgelinta miisaaniyad cusub oo Bankga Adduunku uu u qoondeeyay Abaaraha, xilli Kaalmada bani’aadinnmo/Gargaarka ( HRP) ay kor u kacday 18% ilaa 79%, sidoo kale maalgelinta ka hortagga macluusha ayaa la kordhiyey oo la gaarsiiyey 86%.

Ergeyga wuxuu kaloo warbixin ka siiyay caqabadaha hortaagan ka jawaabista aafada abaaraha, isagoo xusay in sababo la xariira la’aanta dowlad mandate leh oo lala macaamilo intii kala guurka lagu jiray, deeqbixiyayaasha oo daalay (Donor Fatigue), dhaqaale xumo ka dhalatay Covid19, dagaalka Ukrain, iyo sicir bararka ay qayb ka yihiin caqabadaha.

Sidoo kale wuxuu sheegay in kala dhantaalnaanta dhicayada ku howllan howlaha abaaraha, gaari-waaga goobaha ay argagixisadu maamulaan, culeyska amni-xumida iyo loollanka ku salaysan waajibaadka iyo arrimaha isku dabaridka dhaqaalaha ee ka dhex jira hey’ahada dawladda iyo saaxiibada caalamiga ah, siyaasadaha, istratijiayaha iyo qaab dhismeedka hey’adaha dowladda ee ka shaqeya abaaraha oo aan tayesneen ay caqabadaha qeyb ka yihiin.

Wuxuu Ergeyga soo jeediyay sida ugu wanaagsan ee loo dardargelin koro gurmadka abaaraha, isku duwidda gargaarka, isago ku baaqay in coordination ka dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada la xoojiyo iyo in la helo istiraatiijiyad lagu muujinayo baaxadda abaaraha, isla-markaana lagu soo bandhigayo fursadaha dalkeennu haysto, gaar ahaan daboolista amiga cuntada ah (food security) iyo isbedelka cimilada

Maxkamadda gobolka Banaadir oo u fariisatay dhagaysiga dacwad ka dhan Ciyaal weero

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhageysiga Gal-dacwadeed ay eedeysanayaal ka yihiin Ciyaal weero lagu soo qabqabtay howlgalka Samakaab oo ay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ka fuliyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Eedeysanayaashaan oo gaaraya 11 ruux ayaa laga soo qabtay degmada Yaaqshiid, waxanay ka kala tirsanaayeen Saddax kooxood oo ka mid ahaa ciyaal weerarada, waxaana ay kala yihiin, ciyaal buulo, Ciyaal Tusbaxleey iyo Ciyaal Kaaro.

Ciyaal weero ayaa xaalad amni darro ka abuuray qeybo ka mid ah Caasimadda, iyagoo geysta dhac iyo dil aan loom eel dayin, taas oo ay dowladduna kaga fal celisay howlgalka ballaran ee Sama-kaab oo lagula dagaallamayo Kooxaha abaabulan ee la baxay Ciyaal weerada.

Xaliima Yareey oo loo doortay guddoomiyaha golaha guud ee Ururka gudddiyada doorashooyinka Carbeed

Shirweynaha shanaad golaha guud ee guddiyada doorashooyinka Carbeed oo lagu qabtay magaalada Cammaan ee dalka Urdun ayaa waxaa guddoomiyaha Ururka loo doortay Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey), guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka.

Shirkan oo labadii sanaba mar la qabto ayaa waxaa ka soo qayb gala guddoomiyaasha iyo xubnaha guddiyada doorashada ee waddamada Carabta.

Inta uu socday shirkan waxaa dib u eegis lagu sameeyay dedaallada lagu yagleelayo Ururka dhallinyarada Carabta ee doorashooyinka iyo hawlaha hor-tebinta u leh mustaqbalka dhow,iyadoo sidoo kale lagu soo bandhigay waxqabadyadii ugu muhiimsanaa ee Ururka Haweenka Carabta ay ka gaareen doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa shirka lagu ansixiyay warbixin sannadeedka Ururka iyo guddiga qabanqaabada doorashada Ururka dhallinyarada Carabta.

Madaxweyne Laftagareen iyo mas’uuliyiin ka tirsan IOM oo ka wada hadlay arrimaha abaaraha

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane ,Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay wafdi uu hogaaminayey madaxa gurmadka deg-degga ah ee Hay’adda IOM oo Maanta Baydhabo gaaray.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay arrimaha Abaaraha iyo sidii gar gaar loo gaarsiin lahaa dadka danyarta ah ee ku nool guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa  ka qeybgalay Wasiirro, Agaasimaha Madaxtooyada iyo Mas’uuliyiin kale.

Kulan wadareedka golaha Wasiirrada oo maanta ka furmay Muqdisho

Kulan wadareedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo soconaya muddo laba maalin ah ayaa lagu lafa-gurayaa howlaha mudnaanta u leh xukuumadda Dan-Qaran iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Furitaanka kulanka ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Dadka ku dhaqan Tuulooyin katirsan Gobolka Sanaag oo ay abaartu saamaysay

Duruufo aad u qallafsan ayaa lasoo gudboonaaday dadka Soomaaliyeed ee ay noloshoodu ku tiirsanayd xoolaha nool, markii ay dhamaadeen duunyadii ay dhaqanayeen sababo la xiriira abaaraha ka jira dalka.

Qaar ka mid ah dadka ku nool tuulada Balli busle ee gobolka Sanaag ayaa dowladda dhexe, hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo wax u qaban karta ka codsaday inay u qodaan Ceel biyood, ka dib markii uu xumaaday ceelkii uu dadku ka cabbi jiray.

Wax garadka iyo Odayaasha ku dhaqan deegaanka Balli Busle ee Gobolka Sanaag ayaa sheegay inay qaraaraadeen, aadna u yaraadeen biyaha ku jira balligii Tuulada, dadkuna uusan isticmaali karin, waxanay dowladda dhexe iyo hay’adaha samafalku ka codsadeen inay arrintaasi wax ka qabtaan.

Dadka deegaanka ayaa codsaday in loo qodo Ceel biyo macaan, maaddaama ay dad iyo duunyaba la liitaan harraad ba’an, xoolihii kasoo haray abaartuna ay haatan dhammaanayaan biyo la’aan darteed.

Abaarta ka jirta geyiga Soomaaliyeed ayaa salfatay duunyo fara badan, waxaana meelo qaar ka jira dad u geeriyooday macaluul, waloow ay ugu liitaan carruurta, haweenka iyo dadka da’da ah, iyadoo Dowladda Soomaaliya iyo hay’ada samafalkuba ay ku baaqeen in gurmad deg-deg ah loo fidiyo deegaannada ay abaartu saamaysay.

Wasiirka Gaashaandhigga oo kormeeray guutooyinka ciidanka xoogga ee agragixisada kula dagaallamaya Hiiraan

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa jiida hore ee gobolka Hiiraan ku komeeray ciidamada qaranka ee baacsanaya argagixisada Al-Shabaab.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo la hadlay qaar ka mid ah guutooyinkii ka qeyb qaatay dagaalka ayaa ugu horreyn ugu mahad celiyay geesiyada qaranka ee casharka lama illaawaanka u dhigay nabad-diidka.

Mudane, Jaamac ayaa Ciidanka ugu baaqay inay dhammaystiraan inta yar ee ka hadhay kooxda naf la caariga ee Al-shabaab, wuxuuna faray in dalkaani uusan kusii jirin duruufaha uu haatan ku jiro cadow dambana uusan u afduubnaan.

“Waxaan rabnaa in dalkaan uusan mar dambe u afduubnaan wiilal yaryar oo maskaxda laga soo qalday, ineysan gabar dambe oo Soomaaliyeed u dhibaatoon, wiilka iyo waayeelka Soomaaliyeedna uusan u dhibtoon”.

Wasiir Jaamac ayaa sidoo kale u mahadceliyay ciidankii ka barbar dagaallamayay kuwa xoogga dalka oo u badan dadka deegaanka, wuxuuna sheegay inay mar walba garab taagan yihiin, loona baahan yahay in layska dulqaado arxanlaawayaasha Al-shabaab.

R/wasaaraha XFS oo la kulmay Culimaa’uddiinka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Hamza Abdi Barre, ayaa Culimada Soomaaliyeed kala hadlay doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin gurmadka abaaraha, amniga iyo dowladda wanaaga.

Ra’iisulwasaaraha ayaa talooyin dhaxal gal ah ka dhagaystay culimaa’udiinka, wuxuuna tilmaamay in kaalinta muhiimka ah ee ay culimadu ku leeyihiin nabadda, wacyigelinta bulshada iyo la dagaallanka argagixisada, isagoo tusaale usoo qaatay howlagalka ay ciidamada iyo shacabka iska kaashanayaan ee ka socda Hiiraan.

“Hiiraan waa lala diriray argagixisada, waa layska dhiciyay, waxayna gubeen ceelashii , taas oo sababtay inay dadkii halkaasi ku dhaqnaa ay qaxaan, isla markaana ay habboon tahay inay booqdaan oo u kuur galaan xaaladda halkaasi ka jirta” ayuu yiri Ra’iisulwasaare Barre.

Mudane. Barre ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ay waxyeellleeyeen argagixisadu, wuxuuna intaa ku daray in culimaa’udiinku ay saldhig u yihiin baraarujinta bulshada si gacan looga helo dadka Soomaaliyeed ee ku nool dal iyo dibedba.

    

Wasiirka Waxbarashada XFS oo Safiirka Safiirka Shiinaha kala hadalay fududeynta waxbarashada ardayda Soomaaliyeed

Wasiirka waxbarashadda,Hiddaaha iyo Tacliinta sare XFS mudane Farah Sheikh Abdulkadir oo la kulmay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane FEISHENGCHAO, ayaa kala Hadlay fududeynta waxbarashada ardayda Soomaaliyeed ee deeqaha waxbarashadda ka hela Jaamacadaha dalka Shiinaha, kuwaasi oo aan fursad Waxbarasho ka helin 3 sano ee u danbeysay sababa la xariira Cudurka Covid-19 ee dunida ka dilaacay sanadii 2019.

Wasiirka waxbarashadda ayaa sidoo kale ka codsaday Safiirka Shiinaha sidii ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabiya Jaamacadaha dalka loogu ogolaan lahaay sidii ay takhasus ugu sameyn lahaayeen Jaamacadaha dalka Shiinaha.

Safiirka Shiinaha ayaa balan qaaday in uu gacan ka gaysan doono fudueynta qodobada ay isla soo qaadeen Wasiirka waxbarashadda uuna la-wadaagi doono dowladiisa sidii loo fudueyn lahaay ka jawaabista codsiga Wasiirka waxbarashadda Soomaaliya