Madaxweyne Xasan Sheekh oo si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada Garoowe

Garoowe- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran waxaa ugu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Karaash, Wasiirro iyo Xildhibaanno Heer Dowlad-goboleed ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee Puntland ayaa ku qotoma u kuur-galidda xaaladda abaaraha deegaannada Puntland, dardargelinta dib-u-heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed iyo dhageysiga talooyinka la xiriira dowladnimada ee ay qabaan bulshada Puntland, taas oo aas-aas u ah hiigsiga Madaxweynaha ee Soomaali Heshiis ah.

Madaxweyne Xasan ayaa kulammo la qaadanaya Madaxda Dowlad-goboleedka Puntland, waxgaradka, isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, si uu u dul istaago xaaladda bulshada Puntland, baahiyaha ay qabaan, doorkooda horumarineed ee dalka iyo hirgelinta dowladnimada.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha, Federaalka Mudane Axmed Cabbaas Axmed, Dastuurka Mudane Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

      

Ra’iisal wasaare Xamsa oo gaaray Beled weyne

Beled weyne- Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisulwasaaraha XFS mudane; Xamsa Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ra’iisulwasaare Xamsa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka XDS , Gen; Odawaa Yuusuf Raage,Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ku xigeenkiisa, Yuusuf Axmed Hagar, saraakiil iyo qeybaha kale ee maamulka Gobolka.

Xamse Cabdi Barre, Ra’iisulwasaaraha dalka ayaa inta uu halkaasi joogo waxa uu u kuur geli doonaa , xaaladda dadka ay abaaruhu saameeyeen, howlagallada ka dhanka ah Al-shabaab, dhibaatooyinka ay argagixisadu ka geysteen goobihii laga fara maroojiyay ee ay horay ugu sugnaayeen iyo sidii wax loogu qaban lahaa.

  

Ra’iisal wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta gaarey magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo si weyn loogusoo dhaweeyey.

Safarkaan oo ah kii ugu horeeyay ee Ra’iisal wasaaraha XFS ku baxayo tan iyo markii xilka loo magacaabay ayaa ujeedkiisa waxaa uu yahay, sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah ee al Shabaab oo deeegaano badan oo gobolka Hiiraan laga xureeyay.
Waxaa sido kale Ra’iisal wasaaraha xoojin doona ka warqabka xaalada nololeed ee bulshada ku nool gobolka asi, oo ay aabaarta saameysay, ayada oo Xukuumada Danqaran ay xoogga saareyso sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ay saameeyeen.
Ra’iisal wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Baledweyne ayado Garoonka ay ku sugayeen Madaxda Dowlad goboleedka Hirshabeelle oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen’qeybaha kala duwan ee bulshada masuuliyiin ka tirsan Dowlada federaalka iyo saraakiil ciidan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay gunaanadka kulan wadareedka Golaha Xukuumadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Munaasabadda gunaanadka Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamay shaqooyinka baaxadda leh ee shacabka Soomaaliyeed ay ka sugayaan Xukuumadda iyo rajada ay ka qabaan in ay u horseeddo xasilloni, amni iyo horumar.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey Golaha Wasiirrada in ay si daacadnimo leh ugu adeegaan dalkooda, mudnaanta koowaadna siiyaan xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada caqabadda ku ah dowladnimada Soomaaliyeed.

“Masuuliyadda aad qaaddeen waa mid taariikhi ah oo horseedi karta samata-bixinta shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, taasna waxaan ku gaari karnaa in aan mideyno cududda iyo caqliga, una wada istaagno sidii aan dalka  uga saari lahayn abaaraha, colaadaha iyo amni darrada”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Kuxigeenkiisa Mudane Saalax Axmed Jaamac dadaalka ay ku bixinayaan hirgelinta qorshaha dowladda ee Soomaali heshiis ah, Dunidana heshiis la ah, barnaamijkaas oo fulintiisu ay shacabka Soomaaliyeed u noqonayso naruuro ay ku diirsadaan.

Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu caawa soo xiray Madaxweynaha Jamhuuriyaddu, ayaa Golaha Xukuumaddu waxa ay ku lafa-gureen howllaha hortabinta u leh xukuumadda, hannaanka wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, adkeynta ku dhaqanka xeerarka dalka, dib u eegista Dastuurka, amniga iyo xasillinta dalka, caddaaladda iyo garsoorka, horumarinta Dhaqaalaha iyo bixinta adeegyada  bulshada.

   

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐫𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo soo xiray Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Wasiirrada ku adkeeyey in ay si daacadnimo leh ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed, horseedna u noqdaan isbeddel muuqda oo ka hana-qaada dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xafiiskiisu uu gacan buuxda ku siinayo dhammaan Wasaaradaha Xukuumadda sida ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda qaran, isagoo kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan xoojinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladnimadooda, taas oo ku imaanaysa xaqiijinta amniga, bixinta adeegyada aas-aasiga ah iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay idin ka sugayaan in aad gaarsiisaan himiladooda, xaqiijisaanna kalsoonidooda, taas oo aan rajaynayo in aan ku guuleysanno. Xafiisku Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ka shaqeynayaa xiriirinta, toosinta iyo xoojinta Hay’adaha Dowladda, wixii qabyo ah ka ah hay’adaha dowladda waa inaan qabyo tirnaa, wixii wax u bilaabn yihiin waana inaan dhammeystirnaa oo habeen iyo maalin la shaqeeyaa.”

Maalintii Labaad ee Kulan-Wadareedka Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa furay Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Mudane Saalax Axmed Jamaac, Iyadoo khubaro, aqoonyahanno iyo lataliyeyaal sare ay Golaha u sharaxeen Hannaanka Hab-maamuuska Qaran, dib u eegista Dastuurka, amniga iyo xasillinta dalka, caddaaladda iyo garsoorka, horumarinta Dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale, Labadii maalmood ay Golaha Xukuumaddu ku guda jireen Kulan-Wadareedkan waxa ay falanqeyeeyeen howllaha hortabinta u leh xukuumadda, hannaanka wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, adkeynta ku dhaqanka xeerarka dalka iyo fahamka Xeer hoosaadka Golaha Wasiirrad, ilaalinta iyo ku dhaqanka habraacyada heshiisyada ay hay’adaha dowladdu la galayaan hay’ada kale, hagaajinta habka xog-wadaagidda hay’adaha Dowladda dhexdooda iyo mideynta xogta lala wadaagayo dadweynaha.

                       

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay fulinta mashruuca Biya-Mareenka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay fulinta mashruuca Biya-Mareenka ee isku xiri doona wadada Ceel Qaloow ilaa Bada iyo sidoo kale dib u hagaajinta Warta Ceel Qaloow.

Mashruucan uu maanta dhagax dhigay Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ah mid ay baahi weyn u qabeen bulshada Degmada Wadajir oo horey isticmaalka Waddada Buula Xubeey dhibaato ugu qabay.

Munaasabada Dhagax dhiga ah waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caana-Boore) Bulshada Degaanka iyo maamulka degmada Wadajir

  

 

Ciidamada Xoogga dalka oo degaano dhowr ah kala wareegay Al-shabaab

Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 27-aad oo ay horkacayeen mas’uuliyiin katirsan Maamulka gobalka Hiiraan, ayaa howlgallo ka sameeyay degaano hoostaga Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxa ay kula wareegeen degaannada kala ah Jaaburow, Ceelka baar, Wardhabeel iyo Degaano kale oo kuyaalla Galbeedka Magaalada Beledweyne, halkaas oo mararka qaar lagu arki jiray Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Gudoomiye kuxigeenka Maaliyada iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan Abuukar Maadeey iyo Taliye kuxigeenka Qeybta 27-aad ee Militirga Soomaaliya oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in degaanadaas ay kula wareegeen si nabadgelyo ah, iyada oo aan wax dagaal ah ka dhicin.

Sidoo kale mas’uuliyiinta ayaa sheegay in howlgalkan uu qeyb ka yahay howlgallada kale ee Ciidamada Xoogga dalka ay ka wadaan degaano iyo degmooyin ka mid ah Gobolka Hiiraan, Isla markaana howlgalka ay sii wadi doonaan.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS oo furay Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada oo galay Maalintii labaad

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Salah Axmed Jamac ayaa furay Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo galay maalintii labaad, laguna gorfeynayo howlaha mudnaanta u leh xukuumadda Dan Qaran iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Kualnaka oo shalay furmay ayaa lagu wadaa in maanta la soo geba gabeeyo,iyadoo hadalo ay ka jeedin doonaan Masuuliyin katirsan dowladda.

Shir wadareedkii Golaha Wasiirada oo Maanta lagu wado in la soo geba-gabeeyo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa manta lagu wadaa in uu soo xiro shirka loo dhanyahay ee Golaha Wasiirada, kaas oo shalay uga furmay Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo shalay furmay ayaa lagu lafa-gurayaa howlaha mudnaanta u leh xukuumadda Dan-Qaran iyo habka loo xoojin karo wadashaqeynta wasaaradaha iyo hay’addaha kala duwan ee dowladda.

Mas’uuliyiinta shirka ka qeyb galeysa qaarkood ayaa Maanta hadal ka jeedin doona shirka, iyaga oo soo bandhigi doona qorshahooda Shaqo ee sanadaha soo socda iyo wax ka qabashada Arrimaha Abaaraha iyo Amniga.

 

QM oo sheegtay inay sii xoogeysatay Abaarta kajirta geeska Afrika

Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digay macaluul daran oo ka jirta gobolka Geeska Afrika, taasi oo ay sababeen Abaaraha daba dheeray ee gobalka ka jira.
Qaramada Midoobay ayaa sheegeysa in Gaajada ay sii kordhayso marba marka ka dambaysa, waxaana meelaha ugu daran ka mida qeybo ka mid ah Soomaaliya oo aan muddo afar sano ah oo xiriir ah aan helin roobabkii la filayey.
Hay’adda cuntada adduunka ee WFP ayaa horay u sheegtay in illaa 22 milion oo qof oo ku kala nool dalalka Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya inay soo foodsaartay abaaro iyo gaajo darani, sidokale waxay sheegeen in abaarahaasi ay sababeen in malaayin xoolo ah ay dhinteen, halka illaa Todoba million oo qofna ay guryahooda ka barakaceen si ay u raadsadaan cunto ay ku noolaadaan iyo inay xoolahooda ay u helaan meel ay ugu helaan baad iyo biyo.
Hay’adda WFP ayaa ka digtay korarka ku yimaado tirada dadka abaaruhu ay saameeyeen ee ay hayso gaajada, maadaama la saadaalinayo inay jirto roob yaraan, taasoo noqonaysa sannadkii shanaad ee aan la helin roobabkii la filayey.
WFP ayaa sheegtay in si degdega loogu baahan yahay illaa $416 milyan si gargaar degdeg ah loogu fidiyo dadka abaaruhu saameeyeen, illaa dhammaadka sannadkan.
Madaxa WFP ee Bariga Afrika, Michael Dunford, oo dhawaan ka soo laabtay booqasho uu ku tagay Soomaaliya iyo Waqooyiga Kenya, ayaa sheegay inuu si gaar ah uga walaacsan yahay xaaladda abaareed ee ka jirta Soomaaliya oo saamaysay in ka badan 7 million oo qof, taasoo noqonaysa xaaladdii bini’aadanimo ee ugu darnayd ee uu arko muddo 21 sano ah oo uu ka shaqaynayey hay’adda WFP.