Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay fulinta mashruuca Biya-Mareenka

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay fulinta mashruuca Biya-Mareenka ee isku xiri doona wadada Ceel Qaloow ilaa Bada iyo sidoo kale dib u hagaajinta Warta Ceel Qaloow.

Mashruucan uu maanta dhagax dhigay Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ah mid ay baahi weyn u qabeen bulshada Degmada Wadajir oo horey isticmaalka Waddada Buula Xubeey dhibaato ugu qabay.

Munaasabada Dhagax dhiga ah waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee maamulka gobolka Banaadir ahna ku-xigeenka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir mudane Cabdiqaadir Maxamed Maxamud (Caana-Boore) Bulshada Degaanka iyo maamulka degmada Wadajir