Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo kulan la qaatay madaxa shaqada ee Hay’adda IOM ee Soomaaliya+Sawirro

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa kulan la qaatay wafdi uu hogaaminayey madaxa Shaqada ee Hay’adda IOM ee Soomaaliya Mr. Frantz Celestin.

Kulanka waxa ka qeybgalay Wasiiru dowlaha wasaaradda Mud. Ilyas Ali Hassan iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay Arrimaha Xasilinta iyo Dib u heshisiinta.

Wasiirka Wasaaradda ayaa sheegay in ay ka go’an tahay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya in ay si dhow ula shaqeyso Hay’adda IOM ee Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Xamsa oo magaalada Tunis kaga qeyb galaya shirka caalamiga ee TICAD

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa xalay si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tuniisiya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxa soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Tuniisiya, Imed Memmich iyo masuuliyiin kale.

Mudane Hamza Abdi Barre ayaa ka qaybgalaya shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa  (TICAD) kaasi oo maanta ka furmaya magaalada Tunis – shirku waxa uu socon doona labada maalmood ee soo socda.

     

Ciidanka Xoogga oo howlagallo amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyey qeybo ka mid ah Hiiraan

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa macweysleyda oo iskaashanaya oo mudooyinkii u dambeeyay howlaglo Ka Dhan Ah Al Shabaab kawaday qaybo kamid Ah Gobolka Hiiraan ayaa maanta howlgal amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay deegaanno badan oo dhawaan laga xureeyay Al Shabaab.

Howlgalkaas Ayaa Waxaa Si Wadajir ah U Hogaminayay Guddoomiye ku Xigeenka Maaliyada iyo Siyaasada Gobolka Hiiraan Abuukar Cabdullaahi Maadey, Gudoomiye Ku xigeenka Arimaha Bulshada Gobolka Hiiraan Cali Cismaan Xuseen iyo Gudoomiyaha Degmada Baledweyne Cismaan Dhicisoow Dhuuboow Sidoo Kale waxaa Qeyb Ka Ahaa Hogaanka ciidanka dib u xorenta deegaanka Gobolka Hiiraan.

Deegaanada Ciidamada howlgalka ka sameeyeen waxaa ka mid ah Tulooyinka Calolacad, Shiilo Gaduud, Hoyan oo dhamaantood hoostaga Degmada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo dhawaan Ciidamadu ay ka xureeyeen argagixisada Al shabaab.

      

Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaaano ka tirsan Jubbada Hoose

Ururka 5aad, Guutada 16 aad ee Kumaandooska Danab XDS iyo Ciidanka Nabadsugida Maamulka Jubbaland ayaa Hawlgalo Lagu baacsanayo Argagixisada ka sameeyey Deeganada Kaanjaroon, Yaaqxaluul, Beerxaani Iyo Mudulow oo ka wada Ka Tirsan Gobalka Jubbada Hoose.

Hawlgaladaan ayaa Intii ay Socdeen waxaa Lagu Khaarajiyay 3 Dhagarqabe ,Waxaana Lagu Dhaawacay 2 Kamid ah Argagixisada, Sidoo kale Ciidanku waxay Gurmad Caafimaad U fidiyeen Dad Shacab ah oo Argagixisada ay Miino ku waxyeeleeyeen, iyadoona Ciidanka Soo bixiyeen Miinooyin ay rabeen Dhagarqabayaashu in ay ku waxyeeleeyaan Dadka Shacabka ah ee ku dhaqan deegaanadan Sida uu noo xaqiijiyey Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad kumaandooska Danab XDS Carab dheeg Axmed.

Dhinaca kale Ciidanka Waxay la kulmeen bulshada Ku Dhaqan deegaanadan, iyagoona kala hadlay sida shacabka uu uga qeyb qaadan karo dagaalka lagula jiro Argagixisada.

      

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐈𝐬𝐭𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐛𝐞𝐝𝐝𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐂𝐢𝐦𝐢𝐥l𝐚𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐔𝐫𝐮𝐫 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐈𝐆𝐀𝐃.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada DFS, ayaa ka qayb galay shirka hadlayo Istiraatajiyadda Isbeddelka Cimilada ee Urur Goboleedka IGAD shirkaas oo lagu soo gunaanaday Magaalada Mombasa-Kenya 26.08.2022.

Shirka oo ay ka qaybgaleen hey’ada kala gadisan oo ka socda Dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu meel mariyay Istiraatiyadda Isbeddelka Cimilada ee Wadamada IGAD.

Agaasimaha Guud oo khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyay ayaa iftiimiyay saamaynta isbeddelka Cimiladu ay ku yeelatay guud ahaan gobolka iyo gaar ahaan Soomaaliya.

Isbeddelka cimiladu waxa ay si ba’an u saamaysay dadka ku nool gobolka IGAD, waxayna khatar ku tahay hab-nololeedyada bulshada gobolka oo dhan.

Sidaas darteed waxaa lagama maarmaan ah in ay wadamada gobolku yeeshaan wadashaqeyn dhow oo wax looga qabanayo caqabadaha baaxadda leh ee ka dhasha cimilada isbadalaysa.

Istaraatiijiyada Isbeddelka Cimilada ee IGAD iyo Qorshe Hawleedka ku lifaaqan waa istaraatijiyad lagama maarmaan ah oo gacan ka gaysan doonta dadaalka ay dalalka gobalku ugu jiraan wax ka qabashada saamaynta isbaddelka cimilada.

Istaraatajiyaddu waxa ay xooga saaraysaa la-qabsiga isbaddelka cimilada iyadoo mudnaan gaar ah siinaysa 11 waaxood oo ay ka mid yihiin Beeraha, Xoolaha, Biyaha, Kheyraadka Badda, Dhirta iyo Noolaha kala duwan iyo Kaabayaasha dhaqaale. Waaxyahaasi waxa ay muhiim u yihiin dhaqaalaha gobolka iyo kan dalkeena Soomaaliya.

Soomaaliya waxa ay qayb firfircoon ka qaadaynaysaa sidii loo dhaqan galin lahaa Istaraatajiyadaas waddamada IGAD ay ansixiyeen. Sidoo kale Soomaaliya waxa ay dejin doontaa Istaraatajiyad gaar u ah dalkeena taas oo ku salaysan Istaraatajiyadda guud ee gobolka.

     

Wakaaladda SONNA oo ka qayb-gashay Shirka Iskaashiga Warbaahinta Afrika iyo Shiinaha

Beijing- Madaxa Qaybta Ingiriiska Wakaaladda SONNA, Maxamed Cisman Cabdi ‘Black’ ayaa ka qayb-galaya shirka Iskaashiga Warbaahinta Shiinaha iyo Africa oo ay ka qayb-galayaan wafood dhan 240, kana socda caasimada dalkaas ee Beijing maalintiisa 2-aad.

Shirka oo furmay 25-ka Bishan oo ah shalay oo Khamiis ah kuna eg manta oo Jimco ah Aug.26,2022, waxaa martigeliyey maamulka Raadiyaha iyo TV-ga Qaranka Shiinaha, waxana ka qayb-galaya 42 dal oo Africa ah, dimplomasiyiin, Mas’uuliyiin sare oo midowga Africa ah, Wasiiro iyo saxafiyiin labada dhinac ah.

Le Yuchen, wasiir ku xigeenka Radiyaha iyo Tv-ga Qaranka Shiinaha ayaa ku nuux-nuuxsaday baahida loo qabo in la xoojiyo Iskaashiga Warbaahinta  Shiinaha iyo Africa, ayna sare u qaadaan in wax laga barto ilbaxnimada labada dhinac.

“Waxa aan ku boorinaya dadka warbaahinta ka shaqeeya in si wadajir ah u soo saaraan una baahiyaan wax soo-saar aad u tayo leh kana tarjumeysa dhaqanka wanaagsan, saaxiibtinimada iyo waxyaabaha ay midka ka yihiin Africa iyo Shiinaha”, ayaa yiri, Le.

Wasiirada iyo Safiirada Afirca ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay ahmiyada shirkan iyo xiriirka dalalaka Africa iyo Shiinaha, waxa ayna xuseen in aragtida iskaashiga labada dhinac ee 2035-ka ay tahay in labada dhinac wax is-dhaafsigooda uu u horseedo barwaaqo.

Dhanka kale Wariyaha SONNA, Maxamed Cisman ‘Black Cobra’ ayaa isna u hadlay dhamaan wariyeyaasho Africa ee ku dhawaad 40-ka ah ee hadda u jooga dalkaas tababar la xiriira Warbaahinta, wuxuna uga mahad-celiyey dawladda iyo Shacabka waddankaasi sida wanaagsan. ee ay u soo dhoweeyeyeen, waxa uu uuna si gaar ah uga sheekeeyey waayo aragnimadiisa tababar kan ka horeeyey oo uga qayb-galay halkaasi sanadkii 2019-ka.

“Waxa aan kamid ahaa 34 wariye oo Africa ka socday, kuna qaatay 10 bilood Shiinaha, waxaa na cajab geliyey dhismaha kaabayasha dhaqaalaha, Tareeno dheereeya, Technology-ad sare iyo iyado oo uu Shiinaha lahaa 800 milyan baan ka saarnay saboolnimada, inta harsan waxa aan ka saaray sannadka 2020. Waxan safar ku kala tagnay 10 gobal oo Shiinaha wakhtigaaa 2019”, ayuu yiri, Maxamed Cisman Cabdi ‘Black’.

Waxa uu sheegay in wariyeyaasho Africa ay hayaan hawl-bogaadin mudan oo ah si iskaashiga Wrabaahinta Shiinaha iyo Africa u bulaalo, wuxuna hoosta ka xariiqay in ay qabtaan arrimaha hor-tabin leh sida in dawladahooda taageerida ay muujiyeen siyaasada Shiinaha ee midka ah iyo is-garab istaagii markii uu dilaacay Covid-19 waxa ayna taasi sare u qaadeysa xiriirka labada dhinac oo xoogeysta.

Maxamed waxa uu si gaara uga sheekeeyey ganacsato iyo arday Soomaliyeed oo qaarkood baranayey kuliyadaha uga wanaagsan waxbarashada sida Medicine iyo Engineering, wuxuuna sheegay in dadka uu soo arkay ee uu la sheekaystay ay ka mid ahaayeen Soomaali waxbarasho uga timid dalal kuwa hormaray ah.

“Ka hor intii aanan tagin Shiinaha, wel-welka aan qabo waxa uu ahaa sida aan ku noolaanayo oo aan u helayo cuno ‘Xalaal’ ah, iyo gudashada cibaadadayda, balse Beijing ayaa waxa oo dhan ii sahashay, cunto xalaal ah kaliya ma helin ee waxa aan helay misaajid ii dhaw. Ciddini ma cabiri Karin sida aan u farxay in aan baahidaas la iga daboolay maadaaba aan ka socday dal leh dad 100% Muslim ah”, Maxamed ayaa ayaa ka yiri Madasha.

Uga dambeyn Maxamed Cismaan Cabdi ‘Black’ waxa uu u rajeeyey madashan in ay labada dhinac ka wada faa’idaan, dhiishan gunta isaga dhigaan.

R/Wasaaraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo u ambabaxay daka Tuniisiya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku sii jeeda magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tunisia,waxaana uu ka  qaybgali doona shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD).

R/wasasraha ,waxaa garoonka Aadan Cadde ku sii saghootiyay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.

R/Wasaare Xamsa oo la kulmay ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa saaka kulan la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho.

Kulankaasi ,waxaa labada dhinac ay uga  wada hadleen xoojinta xiriirka wadashaqeyneed ee  xukuumadda iyo xafiisyada Qaramada Midoobay.

Waxaa kaloo kulankaasi looga hadlay dardargalinta howlaha samofal ee ay u baahan yihiin dadka ky barakacay abaaraha ka jira dalka Soomaaliya.

Danjire Maxamed Maxamuud Tifoow oo ka hadlay xaaladda dadka Soomaalida ee Jarmalka

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Jarmalka Maxamed Maxamuud Tifoow ayaa sheegay in aysan jirin muwaadiniin Soomaali ah oo si sharci darro ah ama si qasab ah looga masaafuriyay dalkaasi.

Safiirka oo u waramayey Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay la mid yihiin dadka ajaaniibta ah ee ku dhaqan dalka Jarmalka,isla markaana ay leyihiin xuquuq la siman muwaadiniinta dalkaasi.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Jarmalka Maxamed Maxamuud Tifoow ,waxa uu xaqiijiyay in ay ka warhayaan dil todobaadkii hore ciidanka boliiska ay u geysteen nin soomaali ah,isagoo intaa raaciyay in ay jiraan qoysas laga qaatay caruurtooda ,kadib markii lagu eedeeyayIn ay dayac ku sameeyeen la socodka iyo ka warqabka nolosha caruurtaasi..

Safiirka,waxa uu soo jeediyay in dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Jarmalka ay wax u qabsadaan sida dadyowga kale.

Dalka Jarmalka waxaa ku nool 72 kun oo soomaali ah,kuwaas oo 20 kii sano ee u dambeeyay galay ama u tallaabay dalkaasi ,waxayna isugu jiraan qaar sharci leh iyo kuwo aan sharci heysan.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka qeyb galay Munaasabad lagu soo dhaweynayay isaga iyo wafdigiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay munaasabad weyn oo lagu soo dhaweynayay isaga iyo wafdigiisa oo ka dhacday xarunta gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyne.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo uu soo dhaweeyey Madaxweynaha maamul gobolleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Guudlaawe iyo masuuliyiinta kale ee gobolka, ayaa waxa ay qaybaha kala duwan ee shacabka ka dhageysteen warbixinno ku saabsan xaaladda arrimaha bulshada ee magaalada Beledweyne iyo saameynta abaarta.
Horey waxaa magaalada Beledweyne ugu sugnaa Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha xaaladda dagaalka ka dhanka ah kooxda nabad-diidka ee Al-Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay bulshada reer Beledweyne ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran  isaga oo ammaanay hawlgallada ciidamadu kula dagaallamyeen kooxaha argagixisada kuwaaasi oo lagu xoreeyay deeganno badan oo ka tirsan gobolka.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa yiri:-
Waxaan kulammo kala duwan la yeeshay masuuliyiinta kala duwan ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo uu ugu horreeyo Madaxwaynaha, Madaxwayne ku-xigeenka, Maamulka Gobolka Hiiraan, Ciidammada qalabka sida iyo dhammaan bulshada qeybahooda kala duwan, Waxaana dhagaystay baahiyaha ay bulshadu qabto.
Sida aan marar badan ballan qaadnay xukuumadda Danqaran waxaa mudnaanta koowaad u leh xoreynta iyo sugidda amniga, Waxaan dhiirigalin iyo garab istaag ugu tagay dadka deegaanka oo runtii si geesnimo ah ugu istaagay dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee ragaadinaaya dadkeenna.
Waxaan sidoo u kuurgalay xaaladda abaaraha ka jira Gobolka, anigoo booqday qeyb ka mid ah dadkeenii ay abaartu saamaysay si aan u ogaado xaaladda dhabta ah ee ay dadkaasi ku sugan yihiin.
Xukuumadda aan madaxda u ahay waxaan farayaa in dadka abaaburtu halakaysay si mug leh loogu gurmado. Ciidamada geesiyaasha ah ee cadowga hor taaganna wax walba oo ay u baahanyihiin lala garab taagnaado.