R/Wasaaraha XFS iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo u ambabaxay daka Tuniisiya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku sii jeeda magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tunisia,waxaana uu ka  qaybgali doona shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD).

R/wasasraha ,waxaa garoonka Aadan Cadde ku sii saghootiyay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.