Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka qeyb galay Munaasabad lagu soo dhaweynayay isaga iyo wafdigiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ka qaybgalay munaasabad weyn oo lagu soo dhaweynayay isaga iyo wafdigiisa oo ka dhacday xarunta gobolka Hiiraan ee magaalada Beledweyne.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha oo uu soo dhaweeyey Madaxweynaha maamul gobolleedka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Guudlaawe iyo masuuliyiinta kale ee gobolka, ayaa waxa ay qaybaha kala duwan ee shacabka ka dhageysteen warbixinno ku saabsan xaaladda arrimaha bulshada ee magaalada Beledweyne iyo saameynta abaarta.
Horey waxaa magaalada Beledweyne ugu sugnaa Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha xaaladda dagaalka ka dhanka ah kooxda nabad-diidka ee Al-Shabaab.
Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay bulshada reer Beledweyne ayaa uga mahadceliyay soo dhaweynta diirran  isaga oo ammaanay hawlgallada ciidamadu kula dagaallamyeen kooxaha argagixisada kuwaaasi oo lagu xoreeyay deeganno badan oo ka tirsan gobolka.
Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa yiri:-
Waxaan kulammo kala duwan la yeeshay masuuliyiinta kala duwan ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo uu ugu horreeyo Madaxwaynaha, Madaxwayne ku-xigeenka, Maamulka Gobolka Hiiraan, Ciidammada qalabka sida iyo dhammaan bulshada qeybahooda kala duwan, Waxaana dhagaystay baahiyaha ay bulshadu qabto.
Sida aan marar badan ballan qaadnay xukuumadda Danqaran waxaa mudnaanta koowaad u leh xoreynta iyo sugidda amniga, Waxaan dhiirigalin iyo garab istaag ugu tagay dadka deegaanka oo runtii si geesnimo ah ugu istaagay dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee ragaadinaaya dadkeenna.
Waxaan sidoo u kuurgalay xaaladda abaaraha ka jira Gobolka, anigoo booqday qeyb ka mid ah dadkeenii ay abaartu saamaysay si aan u ogaado xaaladda dhabta ah ee ay dadkaasi ku sugan yihiin.
Xukuumadda aan madaxda u ahay waxaan farayaa in dadka abaaburtu halakaysay si mug leh loogu gurmado. Ciidamada geesiyaasha ah ee cadowga hor taaganna wax walba oo ay u baahanyihiin lala garab taagnaado.