Soomaaliya iyo Japan oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay waxa uu kulan doceed kula yeeshay magaalada Tunis ee uu ka socdo shirka caalamiga ee TICAD8, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Japan Yoshimasa Hayashi.

Labada masuul waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Japan.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Japan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya.

Wasiir Hayashi, ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka ganacsi, amni iyo siyaasadeed – isagoo intaa raaciyay in ay gacan ka geysan doonaan barnaamijyada horumarineed ee wax loogu qabanayo shacabka.

Ra’iisul wasaaraha dalka iyo wasiirka arrimaha dibadda Japan oo ka wada hadlay iskaashiga amniga iyo Ganacsiga labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xalay  waxa uu kulan doceed kula yeeshay magaalada Tunis ee uu ka socdo shirka caalamiga ee #TICAD8 – Wasiirka Arrimaha Dibedde ee Japan Yoshimasa Hayashi.

Labada masuul waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Japan.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Japan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya.

Wasiir Hayashi ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka ganacsi, amni iyo siyaasadeed – isagoo intaa raaciyay inay gacan ka geysan doonaan barnaamijyada horumarineed ee wax loogu qabanayo shacabka.

Ciidanka Xoogga Dalka oo deegaano hoostaga Janaale ka xareeyay Argagixisada Alshabaab

Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Ururada 83-aad iyo 84-aad ee guutada 14-October ayaa howlgalo culus Argagixisada Shabaab uga saaray tuulooyinka Cabananey, Beeraha baay, Siigaale, Malable iyo Buulo aruundi oo dhamaantood hoostaga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ciidamada ayaa jab Xooggan gaarsiiyey Maleeshiyaadkii ku dhuumaaleysanayay tuulooyinkaas, sidoo kale waxaa ay gubeen doon ay Argagixisada u adeegsan-jirtay dhibaateynta shacabka labada dhinac ee wabiga kala daggan oo ay uga kala gudbi jireen.
Taliyaha Ururka 84-aad, guutada 14October Laba xidigle Cali Mahdi Beerdiide oo Howlgalka hogaaminayay ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u xaqiijiyay howlgalka intuu socday inay ku guuleysteen soo saarista Miinooyin ay Nabad-diidka ku aaseen waddo isku xirta deegaanada Buufow Bacaad iyo Janaale oo ay doonayeen inay shacabka masaakiinta ah ku gumaadaan.
    

Madaxda Wasaaradda Arrimaha gudaha oo kulan la qaatay Madaxa Qeybta Soomaaliya ee Hay’adda Berghof Foundation

Madaxda Wasaaradda oo uu ugu horeeyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Mud.Ilyaas Cali Xasan iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa waxaa ay maanta kulan la qaatay wafdi ay Hogaamineysay Madaxa qaybta Soomaaliya ee Hay’adda Berghof Foundation Mss.Janel B.Galvanek.

Kulanka waxaa diirada lagu saaray Barnaamijyada ay hay’adda Berghof Foundation ka fuliso Soomaaliya sida Xalinta khilafaadka, Nabad Dhiska iyo Dib-U-Heshisiinta.
Wasiirka Wasaaradda ayaa bogaadiyay Kaalinta ay hay’adda berghof ka qaadatay Arrimaha Xalinta khilaafaadka iyo Dib-u-heshisiinta Balan qaadayna in ay si dhow ula shaqayaan Hay’adda Berghof Foundation ee Soomaaliya.
    

Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada oo guddoomiyay shirka Amniga Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde

Wasiir Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa guddoomisay shirka amniga ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, iyadoo warbixin ka dhageysatay Saraakiisha Amniga Dawladda iyo kuwa Midowga Afrika ee ATMIS.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qayb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maxamed Cali Cumar , Wasiir ku-xigeenka, Sulub Axmed Firin , Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah, Maareeyaha Garoonka Aadan Cadde iyo agaasimaha hay’adda socdaalka iyo jinsiyada.
     

Ra’iisul wasaaraha Dalka oo kulan gaar ah la yeeshay dhiggiisa Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa kulan gaar ah kula yeeshay madasha shirka Tunis Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane, Abdoulkader Kamil Mohamed.

Waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jabuuti taageerada ay la garab taagan yihiin bulshada Soomaaliyeed.
  

Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo labadiisa ku-xigeen ayaa maanta kulankii ugu horeeyey la qaatay Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka, kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Habdhowraha Golaha Shacabka iyo howlwadeennadda Guddiyada iyagoo mid mid u sharaxay shaqada baaxada leh ay u hayaan Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa shaqada Guddiga joogtada ah, Guddiyada Golaha Shacabka iyo diyaarinta shuruucda Golaha ee kalfadhiga labaad.
                  

Wasiirka maaliyadda XFS oo la kulmay madax ka socota Guddiga Maamul-Wanaaga Maaliyadda ee (FGC)

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr Elmi Maxamuud Nuur ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda Guddiga Maamul-Wanaaga Maaliyadda ee (FGC).

Wasiirka iyo madaxda guddiga maamul-wanaaga maaliyadda ee (FGC) ayaa yeeshay wada-hadal mira dhal ah oo ku saabsan dadaalada Dowladda ee dib-u-habeynta iyo isbadalka Maaliyadda.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in wasaaradda Maaliyadda ay ka go’an tahay hagaajinta maamulka wanaagsan, iyada oo loo marayo hannaanka (PFM) maamulka maaliyadda dadweynaha.

  

Shirka caalamiga ah ee TICAD8 oo si rasmi ah uga furmay caasimadda Tunis+Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxa saaka madasha shirka caalamiga ee TICAD8 ku soo dhoweeyay madaxweynaha Tunisia, Mudane Qays Saciid, oo martigelinaya shirka oo si rasmi ah maanta uga furmay caasimadda Tunis.

Shirkan oo muddo labo maalmood socon doona ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudanr Xamsa Cabdi Barre.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha ee ka qaybgalaya shirka waxaa ka mid ah wasiirka wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga & Horumarinta dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar, La Taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Xiriirka Caalamiga, Dr Hodan Osman, Ku Xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Fadumo Cabdi Cali, iyo Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada, Farxaan Jimcaale.

  

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Boqor Salmaan+Sawirro

– Madaxweynaha maamul Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda Boqor Salmaan oo uu hogaaminayey Yuusuf Bakiit Raxma oo ah Madaxa Bariga Africa ee Hay’adda Boqor Salmaan oo Maanta Baydhabo gaaray.

Madaxweyne Laftagareen ayaa wafdiga kala hadlay arrimaha saamaynta abaaraha iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa Bulshada Saamaysay abaaraha ee ku nool guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed.

Kulanka waxaa madaxweynaha Koonfur Galbeed ku wehelinayay wasiiro,agaasimaha madaxtooyada,gudoomiyaha degmada iyo mas’uuliyiin kale.