Guddoonka Golaha Shacabka oo kulan la qaatay guddiga Joogtada ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, mudane Sheekh Aadan Madoobe iyo labadiisa ku-xigeen ayaa maanta kulankii ugu horeeyey la qaatay Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka, kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Habdhowraha Golaha Shacabka iyo howlwadeennadda Guddiyada iyagoo mid mid u sharaxay shaqada baaxada leh ay u hayaan Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa shaqada Guddiga joogtada ah, Guddiyada Golaha Shacabka iyo diyaarinta shuruucda Golaha ee kalfadhiga labaad.