Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay wasiir Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Aljeeriya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa kulan la yeeshay wasiir Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Aljeeriya, Mudane, Kamel Rezig, waxayna kawada hadleen xiriirka labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xams ayaa Dowladda Aljeeriya u gudbiyay fariin uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirka ayaa ballan qaaday in ay Dowladd Soomaaliya ka caawin donaan arrimaha la dagaallanka kooxaha argagixisada ah iyo arrimaha gurmad abaaraha.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Md. Cabdisalaan Shariif Xuseen, Wasiir ku xigeenka Hon Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo) iyo Agaasimaha guud Md. Cabdiaziz Ibraahim Aadan, ayaa kulan ay maanta la qaateen Mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah ganacsatada dalka oo uu hoggaaminaayey guddoomiyaha Rugtaasi Md. Maxamed Cabdi Cali (Gabayre), waxay iska xog-waraysteen xaaladda ganacsi ee dalka, dedaalada socda, caqabadaha jira iyo weli ba xoojinta wada-shaqeynta.

Kulanka oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wax-soo-saarka dalka si Soomaaliya ay dheeli-tir ganacsi u la yeelato dalalka ay wax ka soo dhoofsato, mudnaanta hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, fududeynta ganacsiga iyo sidoo kale xalinta caqabadaha jira ee haysta ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibriil Cabdirashid Haji oo la hadlayey Madaxda Runta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Ganacsatada kalaba, ayaa ugu horreyn Ganacsatada Soomaaliyeed ku amaanay doorka muuqda ay ku lee yihiin horumarka iyo dib-u-dhiska dalka, waxaana uu xusay in Ganacsatadu ay kaalin weyn ka soo qaateen badbaadinta qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirku, wuxu sheegay inay ka go’an tahay horumarinta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo uu tilmaamay inay muhiimad gaar ah siin doonaan dhinacyada shuruucda iyo siyaasadaha bud-dhiga u ah horumarka dhaqaale iyo midka ganacsi ee dalka. Sidoo kale, wuxu xusay inay ganacsatada Soomaaliyeed kala shaqeyn doonaan siddii wax loogga qaban lahaa caqabadaha jira iyo weliba sidii loogu fududeyn lahaa suuqyada ganacsi ee caalamka.

             

Ra’iisul wasaare Xamse oo khudbad ka jeediyay Shirka Caalamiga ah ee TICAD8

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee TICAD8 ee ka socda magaalada Tuunis ee dalka Tunisia, ayaa tilmaamay muhiimadda ay taagerada dowladda Japan u leedahay xasillinta amniga iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in amniga iyo degenaanshaha ay yihiin wax aan gorgortan laga geli karin si horumar bulsho iyo isku filnaansho dhaqaale loo helo, isagoo xusay in isbadelka cilmillada iyo colaadaha dunida ka jira ay saameyn xoog leh ku yeesheen nolosha bulshada, xili dalka ay ka jiraan abaaro saameeyey dadka iyo duunyada.
“Waxaan jeclaan lahaa in aan qiro muhiimadda ay leedahay Kaalmada Japan, gaar ahaan dadaallada kor loogu qaadayo tayada Booliiska iyo hay’adaha amniga, bixinta nidaamyada isgaarsiinta ee Booliiska Soomaaliya iyo taageerada warshadaha gudaha ee muhiimka ah, si kor loogu qaado shaqada loona hagaajiyo hab-nololeedyada”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Mudane Xamse ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay taageerada dowladda Japan ee xiligan, si looga miro dhalayo hadafyada waaweyn ee la higsanayo ee dhinacyada amniga, wax ka qabashada colaadaha, abaaraha iyo isbeddelka cimillada.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa inta uu socday shirka caalamiga ee TICAD8, kulamo doceedyo la yeeshay madaxda ka qeyb galaysa shirka, isagoo kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya.
  

Wasiirka Maaliyadda oo qaabilay Wakiilka Bangiga adduunka ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Bangiga aduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson.

Wasiirka Maaliyadda iyo Wakiilka Bangiga Aduunka ayaa ka wada hadlay hannaanka dib u habeynta maamulka Maaliyadda iyo horumarka Soomaaliya ka sameynayso.

Wasiir Cilmi ayaa yirri ” Waxa aan maanta shir muhiim ah oo miro-dhal ah la qaadanay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson iyo wafdigii ay hogaaminaysay oo nagu soo booqday xarunta Wasaaradda Maaliyadda. Waxa aan ka wadahadalnay qorshaha socda ee dib-u-habeynta Maaliyadda iyo mashaariicda taageerada ah ee Bangiga uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya”.
   

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeeray Cisbitaalka guud ee magaalada Balad weyne

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano iyo Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa maanta soo booqday Cisbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee cusbitaalka guud ee magaalada oo ay ka socotay dayactir kadib burbur kasoo gaaray qaraxyo horaantii bishii maarso ka dhacay Magaalada Beledweyne, Sidoo kale Madaxweynaha ayaa booqday cusbitaal cusub oo dhismihiisa heer gabo gabo ah maraya oo laga hirgalinayo galbeedka Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn socod lug ah kusoo maray qeybo kamid xaafadaha Magaalada isagoo bulshada ugu baaqay inay adkeeyaan nabada iyo xasiloonida ayna la shaqeeyaan laamaha amniga.

            

Roob mahiigaan oo ka da’ay dalka Bakistan

Roob mahiigaan ah oo ka da’ay dalka Pakistan ayaa sababay daad sababay khasaare xooggan magaalooyin badan oo Pakistan ah, waxaana ku dhintay 34 qof  24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay wariyeen mas’uuliyiinta dowladda iyo warbaahinta maxalliga ah.

Wabiyadda,togaga iyo biyo-xireenno fatahay ayaa sababay khasaare baxaad weyn, waxayna dumiyeen boqollaal guri, dhismayaal, tobannaan buundooyin ah, iyo waddooyin ku yaalla koonfur-galbeed, waqooyi-galbeed iyo koonfurta Pakistan, kuwaasoo kala xiray dhowr magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Dhimashada ugu badan ayaa laga soo sheegay koonfurta Sindh, halkaas oo 16 qof ay ku naf waayeen oo ay ku xigto koonfur-galbeed ee Balochistan, halkaas oo 13 qof oo kale ay ku dhinteen masiibooyinka la xiriira roobka, Maamulka Maareynta Masiibooyinka Qaranka (NDMA), oo ah hay’ad ay dowladdu maamusho oo isku xira. u dhexeeya ururada gargaarka iyo samatabbixinta ee kala duwan.

Daadad ayaa hakiyay isu socodkii tareenka iyo waddooyinka ee u dhaxeeyay tobanaan degmo oo ka tirsan labada gobol, oo ay ku jirto caasimadda Balochistan, Quetta, iyo dalka intiisa kale.

Wasiirka qorsheynta XFS oo la kulmay madaxwayne ku-xigeenka Hay’adda Horumarinta Japan ee (JICA)

Wasiirka Wasaaradda Qorshyenta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane  Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-beena ayaa kulan doceed la qaatay madaxwayne ku-xigeenka Hay’adda Horumarinta Japan ee (JICA) Mudane Nakamura Toshiyuki.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha horumarinta, hannaanka iskaaashiga dhinacyada kala duwan ee labada dal iyo taageerada JICA ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan deeqaha waxbarasho ee dhalinyarada,dhiirigelinta maalgahsiga (FDI) ee labada dhinac iyo awood dhisidda hay’addaha dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa qeyb ka ah wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre ee ka qeyb galaya shirka Japan iyo Afrika TICAD8 oo haatan ka socdo dalka Tunisia.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo kormeeray wasaaradda maaliyadda iyo xarunta maaliyadda Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray xarunta wasaaradda maaliyadda Puntland.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Mudane Xasan Shire Cabdi iyo madaxda kale ee Wasaaradda ayaa madaxweynaha iyo Waftigiisa ku soo dhoweeyay xarunta Wasaradda.

Wasiirka wasaaradda Mudane Xassan Shire Cabdi ayaa uga warbixiyay madaxweynaha qaabka ay u shaqeyso wasaradda iyo shaqada ay bulshada u hayso, iyada oo uu madaxweynuhu kormeeray xafiisyada kala duwan ee Wasaardda

Dhinac kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqaday Xarunta Bankiga maamulka iyo Dhismaha Xarunta Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Nugaal.

Wasiirka warfaafinta XFS oo khadka telefoonka kula hadlay Madaxa Qaranka ee golaha sare ee warfaafinta Jamhuuriyadda Masar

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Daa’uud Aways Jaamac ayaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxa Qaranka ee Golaha Sare ee Warfaafinta Jamhuuriyadda Masar Karam Gabar.

Labada mas’uul ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dhinac ee xagga warbaahinta, wadashaqeynta iyo iskaashiga warbaahinta Carabta.

Madaxa golaha sare ee warfaafinta dalka Masar Karam Gabar ayaa Wasiirka si gaar ah ugala hadley wadashaqeyn iyo iskaashi dhow oo dhex mara warbaahinta labada dal.

Waxaa kale oo labada dhinac isla garteen muhimadda ay leedahay in warbaahinta waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ay door ka qaataan wacyigelinta bulshada ee dhinacyada amniga, horumarka iyo tiknoloojiyadda.

Dowladda Masar ayaa horaantii 80-aadka gacan ka geysatey taageerada dhismaha Telefishankii Qaranka ee Soomaaliya.

Munaasabad lagu maamuusayey Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka dhacday Garowe

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa ka qeyb galay casho sharaf uu ku maamuusay Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, iyadoo ay ka qeyb galeen, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan, Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ahna Guddoomiye Kuxigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Wasiirro iyo Xildhibaanno heer Dowlad-goboleed ah.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa kulammo miro-dhal ah la qaatay Saddaxdii maalmood ee la soo dhaafay, Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Kuxigeenkiisa Mudane Axmed Cilmi Cismaan, waxa ayna lafa gureen duruufaha ku xeeran dalkeenna, xoojinta wada-shaqeynta Hay’adaha Dowladda ee heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed, dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mudnaanta siinaya latashiyada bulshada Puntland, gaar ahaan waxgaradka, isimada, ganacsatada, dhallinyarada, haweenka iyo culimada, si uu u dhageysto talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada.

Kulankan maamuuska ah waxaa Madaxweynaha ku weheliyey, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Lataliyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha, Federaalka Mudane Axmed Cabbaas Axmed, Dastuurka Mudane Cabduraxmaan Cabdullaahi Baadiyow, Lataliyaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee Arrimaha Dib u heshiisiinta Mudane Cali Cabdi Awaare iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.