Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Md. Cabdisalaan Shariif Xuseen, Wasiir ku xigeenka Hon Cismaan Maxamed Cabdi (Daalo) iyo Agaasimaha guud Md. Cabdiaziz Ibraahim Aadan, ayaa kulan ay maanta la qaateen Mas’uuliyiinta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah ganacsatada dalka oo uu hoggaaminaayey guddoomiyaha Rugtaasi Md. Maxamed Cabdi Cali (Gabayre), waxay iska xog-waraysteen xaaladda ganacsi ee dalka, dedaalada socda, caqabadaha jira iyo weli ba xoojinta wada-shaqeynta.

Kulanka oo ka qabsoomay Xafiiska Wasiirka, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wax-soo-saarka dalka si Soomaaliya ay dheeli-tir ganacsi u la yeelato dalalka ay wax ka soo dhoofsato, mudnaanta hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, fududeynta ganacsiga iyo sidoo kale xalinta caqabadaha jira ee haysta ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibriil Cabdirashid Haji oo la hadlayey Madaxda Runta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Ganacsatada kalaba, ayaa ugu horreyn Ganacsatada Soomaaliyeed ku amaanay doorka muuqda ay ku lee yihiin horumarka iyo dib-u-dhiska dalka, waxaana uu xusay in Ganacsatadu ay kaalin weyn ka soo qaateen badbaadinta qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirku, wuxu sheegay inay ka go’an tahay horumarinta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo uu tilmaamay inay muhiimad gaar ah siin doonaan dhinacyada shuruucda iyo siyaasadaha bud-dhiga u ah horumarka dhaqaale iyo midka ganacsi ee dalka. Sidoo kale, wuxu xusay inay ganacsatada Soomaaliyeed kala shaqeyn doonaan siddii wax loogga qaban lahaa caqabadaha jira iyo weliba sidii loogu fududeyn lahaa suuqyada ganacsi ee caalamka.