Wasiirka Maaliyadda oo qaabilay Wakiilka Bangiga adduunka ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Bangiga aduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson.

Wasiirka Maaliyadda iyo Wakiilka Bangiga Aduunka ayaa ka wada hadlay hannaanka dib u habeynta maamulka Maaliyadda iyo horumarka Soomaaliya ka sameynayso.

Wasiir Cilmi ayaa yirri ” Waxa aan maanta shir muhiim ah oo miro-dhal ah la qaadanay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson iyo wafdigii ay hogaaminaysay oo nagu soo booqday xarunta Wasaaradda Maaliyadda. Waxa aan ka wadahadalnay qorshaha socda ee dib-u-habeynta Maaliyadda iyo mashaariicda taageerada ah ee Bangiga uu ka fuliyo gudaha Soomaaliya”.