Hogaamiyihii u dambeeyay midowgii Soofiyeeti oo geeriyooday

Mikhail Gorbachev, oo ahaa hogaamiyihii hore ee Midowga Soofiyeeti ayaa ku dhintay da’da 91 jir, kadib kolkii in muddo ah uu ku jiray cisbitaalka ku yaala magaalada Moscow ee dalka Raashiya, sababo la xiriira xanuun aad u daran oo lasoo gudboonaaday.

Hogaamiyahaasi oo xukunka la wareegay 1985, waxa uu midowgii Soofiyeeti u horseeday ama ku soo bandhigay dib u habeyn iyo siyaasad furfuran oo dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda ah (berestoroyka iyo galasnos.

Mr Gorbachev, waxaa lagu tiriyaa in uu ka dambeeyay siyaasadda dagaalkii qaboobaa ee dunida, kaas oo ku dhamaaday si nabad ah, hase yeeshee, waxa uu awoodi waayay in uu ka hortago burburkii soo gaaray Midowgii Soofiyeeti sanadkii 1990-kii, kaas oo uu ka soo baxay Ruushka casriga ah.

Madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku tilmaamay Gorbachev inuu ahaa hal-door dawladeed oo ay tabi doonto dunida.

Gorbachev waxa uu ahaa nin u ololeeya nabadda, wuxuuna arrimahaasi ku helay abaalmarinno badan oo lagu maamuusay waxqabadkiisa.

Madaxweyne Ramaphosa oo magacaabay koox la dagaalanta musuqmaasuqa

Madaxweynaha dalka koonfur Afrika ayaa  Cyril Ramaphosa ayaa sagaal xubnood u magacaabay inay soo dhisaan gole gacan ka geysta la dagaallanka musuqmaasuqa.

Kooxdu waxay gacan ka geysan doontaa hirgelinta istaraatiijiyadda ka hortagga musuqmaasuqa ee dawladda, bulshada rayidka ah iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Guddiga ayaa sidoo kale ku hagi doona madaxweynaha jawaabta ay dowladdu ka bixineyso fulinta talooyinka warbixinta guddiga Zondo.

Madaxweyne Ramaphosa waxa uu haystaa ilaa 22 ka Oktoobar inuu baarlamaanka uga warbixiyo sida maamulkiisu u fulin doono natiijada warbixinta.

Wasiirka Arrimaha dibedda dalka Turkiga oo sheegay in Tallaabooyinka Kalsooni dhisida ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine ay meel wanaagsan marayso.

Wasiirka Arrimaha dibedda dalka turkiga ayaa sheegay in Tallaabooyinka Kalsooni dhisida ee u dhexeeya Ruushka iyo Ukraine ay meel wanaagsan marayso.

“Tallaabooyinka lagu dhisayo kalsoonida, sida isdhaafsiga maxaabiista dagaalka, ayaa sidoo kale si wanaagsan u socday. Waxaan sidoo kale dhexdhexaadineynay ilaa dhamaadkaas,” ayuu yiri Mevlut Cavusoglu oo ka hadlayay guddi intii lagu guda jiray shirkii 17-aad ee Istaraatiijiyadda Bled ee Slovenia.

Cavusoglu oo soo xiganayay kulamadii ay wafuuda Ukraine iyo Ruushka ku yeesheen magaalooyinka Antalya iyo Istanbul ee dalka Turkiga horaantii sanadkan ayaa sheegay in wax walba ay isbadaleen, isla markaana aysan ahayn wax fudud in xal wada hadal lagu gaaro.

Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsaday in xaqiiqooyinka cusub ee noocaas ah ay “hubaal” ka muuqan doonaan wada xaajoodyo dheeraad ah,” Cavusoglu ayaa sheegay in mawqifyada dhinacyada ee ku aaddan xaaladda Crimea iyo Donbas ay sidoo kale isbeddeleen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo kulan la qaatay wafdi kasocday Hey’adda Caalamiga ee Nabad dhiska

Ciidanka Kumandooska Danab XDS Gaar ahaan Ururka 7aad Guutada 16-aad ayaa Hawlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeeyey Degaanada kala ah Gamboole, jameeco jiliyaale & Ceel cade ee Gobolka Shabeelaha dhexe.

Degaanad Markii ay Soo Gadheen Ciidanku waxa ay sameeyeen hawlgalo lagu xaqiijinayo Amaanka madama Shacabka ku dhaqan degaanad ayaa dhib ku qabeen Kooxda tabarta daran ee argagixisada oo si dhumalaysiya ku yimada deganadan.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah Hawlgalada Guud ee lagu baacsanayo kooxda Aragagixisada ah ee Al-shabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo kulan la qaatay wafdi kasocday Hey’adda Caalamiga ee Nabad dhiska

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mud. Ahmed Moallim Fiqi ayaa kulan la qaatay wafdi kasocday Hey’adda Caalamiga ee Nabad dhiska (International Organization for Peace Building).

Wafdigaan uu hogaaminayey Mudane Axmed A. Cabdullaahi ayaa Wasiirka lawadaagay shaqooyinka ay soo qabteen, guulihii ay ka gaareen iyo shaqooyinka hortabinta u leh oo ay doonayaan in Wasaaradda ay kala shaqeeyaan.

Wasiirka ayaa ugu mahadceliyay Hey’adda Caalamiga ee Nabad dhiska (International Organization for Peace Building) shaqooyinka ay kasoo qabteen Gobalada Dalka, isagoona carabka ku adkeeyay in ay Wasaaradda si dhaw ula shaqeyn doonta, iyadoona xooga lasaaraayo hal kudhiga Dowladda ee ah (Soomaali heshiis ah, Dunidana Heshiis la ah).

Ugu dambeyn Wasiirka iyo Wafdiga ayaa isla gartay in lasii xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda iyo Hey’adda si horumar lataaban karo loogu gaaro qorshayaasha hortabinta u leh Wasaaradda oo ay ugu horeeyaan Xasilinta Deegaanada laga xureeya kooxaha Argagixisada iyo dhismayaasha Dowladaha hoose.

Wasiirka gaashandhigga Soomaaliya oo la kulmay taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka Africom ee Soomaaliya

Wasiirka gaashandhigga Soomaaliya,mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa manta la kulmay taliyaha cusub ee ciidamada Maraykanka ee Africom ee Soomaaliya iyo saraakiil kale.

Wasiirka ayaa soo dhaweeyay taliyaha cusub ee Africom Gen. Michael Langley, wuxuuna bogaadiyay doorka AFRICOM ee ku aadan horumarinta nabadda iyo amniga gobolka.

Labada dhinac ayaa is dhaafsaday sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo awoodda ciidamada xoogga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Kulanka waxaa ka qeybgalay danjiraha Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, taliyaha ciidamada lugta, agaasimaha guud ee wasaaradda gaashandhigga iyo la taliyayaal ka socda xafiisyada Madaxweynaha & ra’iisal wasaaraha XFS.

Wasaaradda gaashandhigga ayaa mudooyinkii dambe xoojineysay dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada Al-Shabaab iyadoo kooxda hadda laga xorreeyay deeganno badan oo ku yaalla dalka, sidoo kale waxa ay xoojisay tayeenta iyo kor u qaadidka awoodda ciidamada xoogga dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo la kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Danjire K.Foster

Kulanka oo ka dhacay xarunta Safaaradda UK waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Mudane Saleemaan Sheekh Cumar

Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka dhaqaalaha labada dal iyo taageerada dedaalada dib u habeynta maaliyadda ee ay wado dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda ayaa “Saaka waxa aan shir muhiim ah la yeeshay Safiirka UK ee Soomaaliya K. Foster iyo madaxda kale ee Safaaradda, waxa aan ka wada hadalnay dadaalada Wasaaradda Maaliyadda ee dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta ku shaqeynta hannaanka dowlad-wanaaga iyo mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.”

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Dowladda UK ay door muuqda oo muhiim ah ku leedahay barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Hamza oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Mudane Hamza Abdi Barre ayaa kula kulmay magaalada Tunis, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Moussa Faki Mahamat.

Ra’iisula wasaaraha iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika yaa ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika – iyo qaabkii loo xoojin lahaa gaar ahaan dhinacyada amniga iyo siyaasadda.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Maxamed Axmed Doodishe ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho.

Wasiirka iyo Ergeyga ayaa ka wada hadleen xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay,tayeynta adeegyada ciidamada booliska,in la xoojiyo wada shaqeynta bulshada iyo hagaajinta isku xirka Wasaaradaha Amniga ee Dawlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada Federaalka ah iyo taageerada Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Puntland ee magaalada Garoowe waxa uu kulan latashi kula qaatay qaar ka mid ah Isimada iyo hoggaanka dhaqanka Puntland.

Madaxweynaha oo kulanka uu ku wehelinayey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Huruuse ayaa Isimada iyo waxgaradka Puntland waxa uu ka dhageystay talada iyo doorkooda horumarineed ee ku aaddan adkaynta dowladnimada iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.