Wasiirka Difaaaca Soomaaliya oo kulan la qaatay saraakiil ka tirsan midowga yurub iyo Midowga Afrika

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya ayaa kulan la qaatay saraakiil ka tirsan midowga yurub iyo AU, waxaana looga hadlay kulankaasi dar-dargelinta howlaha wasaarada iyo taliska ciidanka xoogga ee dhameystirka barnaamijka ATMIS ee ciidanka XDS ay masuuliyada amniga kula wareegayaan.

Kulankan ayaa waxaa goob-joog ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid, ku simaha midowga Africa Marwo Fion Lortan, Gen. DIOMA NDEGEYA, Madaxa hoggaanka arrimaha dibada gaashaanle dhexe Iiman Elman iyo madaxa hoggaanka qorsheynta dhamme Cabdulaahi Dheere.

                  

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta ee XFS oo kulan la yeeshay Guddiga Garsoorka iyo Awqaafta ee Golaha Shacabka BFS

Wasiirka wasaaradda Awqaafta iyo arrimha diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Sh. Mukhtar Roobow Cali oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Saalax Shariif Sayid Cali iyo Lataliye Sare Maxamed Kheyrow Aadan ayaa Guddiga warbixin ka siiyay howlaha baaxada leh ee Wasaaradda horyaala iyo qorshaha isbedel ee ay qorsheynayaan in ay ku gaaraan howlaha hortabinta u leh Wasaaradda.

Wasiirka ayaa ku dheeraaday ka warbixinta muhiimada ay Wasaaraddan u leedahay Qaranka, isagoo ka codsaday Guddiga inay garab ku siiyaan suurtagelinta howlaha hortabinta u leh Wasaaradda.

Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo arrimha Diinta Golaha Shacabka BFS Mudane Cali Xaji Daahir Saleeban iyo Xubnaha Guddiga ka midka ah ee ku wehliyay Koormeeka ayaa wasiiradda uga mahadceliyay soo dhaweynta ay ugu sameeyeen xarunta Wasaaradda.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa ku amaanay Wasiiradda aragtida hoggaamineed ee ay ku wajaheen howlaha hortabinta u leh Wasaaradda.

       

Ra’iisul Wasaare Hamza oo la kulmay Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Xamse Abdi Barre ayaa maanta qaabilay Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson, oo ay ka wada hadleen wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo hey’adaha dowladda Federaalka.

Kristina waxay xog ka siisay Ra’iisul Wasaaraha, howlaha kala duwan ee dhinaca horumarinta ee Bangiga Adduunku ka wado Soomaaliya – gaar ahaan dadaalka iyo gacanta ay ka geysanayaan gurmad abaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay taageerada Bangiga Adduunku siinayay Soomaaliya, isaga oo ku dhiirigeliyay inay si dhaw ula shaqeeyaan hey’adaha dowladda – iyaga oo howshooda ku saleynaya qorshooyinka ahmiyadda u leh xukuumadda.

 

Dagaal u dhexeeya Ciidamada degaanka iyo maleeshiyaadka Al-shabaab oo ka dhacay Galbeedka Beled weyne

Wararka ka imaanayo degaanka Ceel-Cadde oo qiyaastii 70-Km dhinaca Galbeed kaxiga Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi ay ku dagaalameen Ciidamada Degaanka & maleeshiyaad katirsan argagixisada Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan wararka maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa weerar gaadma ah ku qaaday fariisimo ay degaanka Ceel-Cadde, ku lahayeen Ciidamada Degaanka ee loo yaqaanno Macaawisleeyda, maleeshiyadka Al-shabaab ayaa halkaasi laga wareegay 10-sano ka hor, waxaana halkaas gacanta ku hayaan maleeshiyaad is abaabulay oo in muddo ah la dagaalamay Al-shabaab.

Maleeshiyaadkii Al-shabaab ee soo weeray Degaanka Ceel-Cadde, ayaa la sheegayaa loo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Deryanka hubka cul culus ayaa laga maqlayaa degaanada u dhaw halaka uu dagaalka ka socda.

Isgaarsiinta degaanka ayaa go,an taasi oo adkeyneeysa in warar sax ah laga helo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dalaalka, inkastoo la sheegaya in maleeshiyaadka Al-shabaab ay gubeen dhawr Guri oo degaanka ah.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo daah furay shirka Wadatashiga Wasaaradda iyo Dib-u-heshiisiinta iyo Odayaasha Dhaqanka

Wasaaradda Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta daah furay Shirka Wadatashiga Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib-u-heshiisiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ee ku saabsan kaalinta odayaasha dhaqanka ee ka qaybgalka Dib u xoraynta dalka iyo amniga Caasimadda ayaa ka Furmay Magaalada Muqdisho

Shirka waxaa goobjoog aahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ilyas Cali Xasan iyo Wasiir ku xigeen Wasaaradda Amb Cabdixakin Xasan Ashkir iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mud. Saciid Cabdullahi Calasow.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay la taliyaha Ra’iisul wasaaraha dhinaca Amniga

Wasiirka Difaaca xukuumadda Soomaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan la qaatay La taliyaha Ra’iisul wasaaraha dhinaca Arrimaha Amniga Mudane Kamal Guutaale.

kulankan ayaa loogu wada hadlay qorshaha XFS  ee Dan qaran ee dhinaca amniga gaar ahaan dib u habeeynta ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya ,qorsho hawleeedka tiirka dib u xureeynta iyo Amniga iyo Dardargelinta fulinta qorshaha Xukuumadda Soomaaliya

  

Maxkamadda Sare ee Kenya oo amartay in dib loo tiriyo qaar ka mid ah sanaadiiqdii codbixinta

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa amartay in lagu laabto tirinta codadkii laga dhiibtay 15 goobood doorashadii dhacay 9-kii bishan Ogosto, iyadoo maxkamaddu ay bilowday dhageysiga dacwad ka dhan ah guusha madaxweynaha la doortay ee William Ruto.

Codsiga dib-u-tirinta ee Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa, Matha Karua, ayaa ahaa 15 goobood oo codbixineed oo ku kala yaalla afar gobol oo kala ah Kericho, Nandi, Nyandarua iyo Mombasa.

Saddexda goobood ee Kericho, Nandi, Nyandaruagobol ayaa si weyn ugu codeeyay Ruto, halka dadka deggan Mombasa ay u codeeyeen Odinga.

Garsoorayaasha ayaa sheegay in dib-u-tirinta lagu sameeyo 48 saacadood gudahood.

Maxkamadda sare ayaa sidoo kale eegi doonta haddii ay jirto kala duwanaan codadka guud ee la dhiibtay ee musharixiinta madaxweynaha iyo jagooyinka kale ee doorashada, sida guddoomiyeyaasha iyo senetarada.

Sidaas oo kale, garsoorayaasha ayaa eegi doona in Ruto uu helay in ka badan 50% codadka – oo ah shuruudaha looga baahan yahay in looga fogaado doorasho kucelis ah – iyo haddii ay jiraan wax isdabamarin iyo khaladaad ku yimid habka tirinta oo saameyn ku yeelan kara natiijada.

Odinga ayaa ku loolamaya natiijada rasmiga ah ee doorashada ee looga adkaaday cod yar. Ruto ayaa helay 7.1 milyan oo cod, halka Odinga uu helay 6.9 milyan.

Odinga iyo kooxdiisa ayaa aaminsan in doorashada loogu shubay Ruto, iyadoo lagu eedeeyay in ay gacan ka heleen qaar ka mid ah saraakiisha doorashada iyo guddoomiyaha guddiga doorashada ee IEBC Wafula Chebukati, arrintaas oo guddoomiyuhu uu beeniyay.

 

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo wafdigiisa oo maanta dalka dib ugu soo laabtay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay ka soo qaybgaleen shirkii Caalamiga ahaa ee TICAD8 ee lagu qabtay magaalada Tunis.

Ra’iisul Wasaaraha oo xubnaha wafdigiisa ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Beene Beene, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Mudane Cali Maxamed Cumar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa garoonka ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa intii uu socday shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Afrika — waxa uu la kulmay madax kala duwan oo ka qaybgalaysay shir madaxeedka, isagoo ka jeediyay shirka khudbad taabanaysay dhinacyo kala duwan sida amniga, abaarta, cunto yarida, isbeddelka cimillada iyo saameynta ay keentay.

Biden oo dhaleeceeyay hanjabaado loo jeediyay FBI-da ka dib baaritaankii Guriga Trump

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa dhaleeceeyay hanjabaado loo jeediyay saraakiisha FBI-da Mareykanka, ka dib markii ay baaritaanno ku sameeyeen Guriga madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump oo ku yaalla Florida, 8-dii bishan Augusto.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa carabka ku adkeeyay in aan la aqbali Karin in loo hanjabo muwaaddin kasta oo shaqadiisa u gudanayo si wanaagsan, waxaase ka sii daran in dhaqaalaha laga joojiyo xubno ka tirsan Booliiska iyo FBI-da, iyadoo lala xariirinaayo baaritaankii ay sameeyeen horraantii bishan.

Hadalka Biden, ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan waaxda amniga gudaha ee Mareykanka ay shegeen in ay khatar ka dhalan karto baaritaankii lagu sameeyay Guriga Trump.

Sarakiishii baaritaanka sameeyay ayaa la sheegay inay Guriga ka qateen 11 dukumenti oo muhiim u ahaa Trump.

 

Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Maamulka Isbitaalka guud ee Demartino

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa maanta booqasho ku tagay Isbitaalka guud ee Demartino

Wasiirka ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Isbitaalka iyo xubno ka tirsan maamulka isaga oo ka wareystay xaaladaha bukaanada Isbitaalka ku jira kana dhagaystay warbixinada adeegyada isbitaalka uu bixiyo iyo daryeelka bukaanada loogu fidiyo.

Wasiirka ayaa intaa kadib booqday qeybaha bukaan jiifka si uu ugu kuurgalo xaaladahooda Caafimaad, Wasiirka ayaa ku booriyay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada isbitaalka sii wadidda iyo joogtaynta daryeelka dadka nugul ee u soo adeeg doonta isbitaalka Demartino.