Wasiirka Caafimaadka XFS oo kulan la qaatay Maamulka Isbitaalka guud ee Demartino

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa maanta booqasho ku tagay Isbitaalka guud ee Demartino

Wasiirka ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Isbitaalka iyo xubno ka tirsan maamulka isaga oo ka wareystay xaaladaha bukaanada Isbitaalka ku jira kana dhagaystay warbixinada adeegyada isbitaalka uu bixiyo iyo daryeelka bukaanada loogu fidiyo.

Wasiirka ayaa intaa kadib booqday qeybaha bukaan jiifka si uu ugu kuurgalo xaaladahooda Caafimaad, Wasiirka ayaa ku booriyay dhaqaatiirta iyo howlwadeenada isbitaalka sii wadidda iyo joogtaynta daryeelka dadka nugul ee u soo adeeg doonta isbitaalka Demartino.