Wasiirka Difaaaca Soomaaliya oo kulan la qaatay saraakiil ka tirsan midowga yurub iyo Midowga Afrika

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaaliya ayaa kulan la qaatay saraakiil ka tirsan midowga yurub iyo AU, waxaana looga hadlay kulankaasi dar-dargelinta howlaha wasaarada iyo taliska ciidanka xoogga ee dhameystirka barnaamijka ATMIS ee ciidanka XDS ay masuuliyada amniga kula wareegayaan.

Kulankan ayaa waxaa goob-joog ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda gaashaandhigga Xasan Maxamed Saciid, ku simaha midowga Africa Marwo Fion Lortan, Gen. DIOMA NDEGEYA, Madaxa hoggaanka arrimaha dibada gaashaanle dhexe Iiman Elman iyo madaxa hoggaanka qorsheynta dhamme Cabdulaahi Dheere.