Dagaal u dhexeeya Ciidamada degaanka iyo maleeshiyaadka Al-shabaab oo ka dhacay Galbeedka Beled weyne

Wararka ka imaanayo degaanka Ceel-Cadde oo qiyaastii 70-Km dhinaca Galbeed kaxiga Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi ay ku dagaalameen Ciidamada Degaanka & maleeshiyaad katirsan argagixisada Al-Shabaab.

Sida ay sheegayaan wararka maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa weerar gaadma ah ku qaaday fariisimo ay degaanka Ceel-Cadde, ku lahayeen Ciidamada Degaanka ee loo yaqaanno Macaawisleeyda, maleeshiyadka Al-shabaab ayaa halkaasi laga wareegay 10-sano ka hor, waxaana halkaas gacanta ku hayaan maleeshiyaad is abaabulay oo in muddo ah la dagaalamay Al-shabaab.

Maleeshiyaadkii Al-shabaab ee soo weeray Degaanka Ceel-Cadde, ayaa la sheegayaa loo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Deryanka hubka cul culus ayaa laga maqlayaa degaanada u dhaw halaka uu dagaalka ka socda.

Isgaarsiinta degaanka ayaa go,an taasi oo adkeyneeysa in warar sax ah laga helo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dalaalka, inkastoo la sheegaya in maleeshiyaadka Al-shabaab ay gubeen dhawr Guri oo degaanka ah.