Ra’iisal wasaare Xamsa oo si kulul uga hadlay weerarka bahalnimada ee argagixisadu ay ku laayeen dadka rayidka ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si kulul uga hadlay weerarka bahalnimada ah ee ay kooxda argagixisada Al-shabaab ku laayeen dad rayid ah, kuna gubeen 7 gaari iyo hantidii saarnayd, deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

“In la laayo dad Muslimiin ah, masaakiin ah, shacab xoogsato ah, la gubo gaadiidkoodi, dabna la qabadsiiyo hantidoodi, waa fal aan sal iyo raad ku lahayn diinteena suubban, waa dhaqan xun oo Islaamnimada ka baxsan, waa astaan muujinaysa cadawtinimada iyo nacaybka gaamuray ee ay Shabaab u hayaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in xukuumaddu garab taagan tahay ciidammada halyeeyada deegaanka ee is abaabulay kuwaas oo khasaare badan gaarsiiyay kooxda argagixisada ah ee tabartoodu ku soo aruurtay gumaadka shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga tacsiyeeyay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qoysaskii dadkaasi aan waxba galabsan ee cadawgu sida arxan darrida ah u laayay isagoo Allaah Subxaanahu Wa Tacaalaa, uga baryay inuu Jannadii Fardowso ka waraabiyo.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka tacsiyeeyay dadkii shacabka ahaa ee argagixisada ku dishay gobolka Hiiraan

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo ku hadlaya Afka golayaasha maamulkaiyo Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay falkii bahalnimada ahaa ee kooxda argagixisada alshabab ku xasuuqeen dad shacabka ah kuna gubeen hantidooda oo ka dhacay deegaan hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in argagixisadu ay ku jabeen dagaaladii wadajirka ahaa ee lala galay, waxa uuna inaa raaciyay in xoojin doono howlgalada baahsan ee lagu cirib tirayo arxaan laawayaasha alshabaab.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhamaan qoysaskii iyo eheladii ay ka baxeen Marxuumiintaas sida xaqdarada ah loo xasuuqay waxa uuna Alle uga baryay in Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Ehelada, Asxaabta iyo dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeena uu Samir iyo Iimaan Eebbe ka siiyo.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Bulshada gobolka Banaadir oo agab kala duwan ka guddoontay cutub ka tirsan Ciidanka Talyaaniga

Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyogelinta Ee Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Jaketti ayaa maanta ka guddoontay cutub ka tirsan Ciidanka Talyaaniga ee ku sugan magaalada Muqdisho Agab kala duwan oo gurmadka Deg Dega ah.

Agabkaan ayaa lagu wareejiyay waaxda dabdamiska/Gurmadka deg dega ee Dowladda Hoose Xamar kaa oo muhiim u ah Howsha baaxada leh ay Waaxdu u hayso Bulshada Caasimadda ku dhaqan.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Martin

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Qasriga madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu Hoggaaminayey ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UN-OCHA Martin Griffiths

Kulanka waxaa looga hadlay arrimaha abaaraha iyo sidii wax loogu qaban lahaa Bulshada ku nool guud ahaan deeganada Koonfur Galbeed ee Saamaysay abaarta daran ee ka dhacday guud ahaan dalka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo agaasimaha guud madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Dowladda oo cambaareysay weerarka ay argagixisada ku dileen dadka rayidka ah

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay weerarka wuxuushnimada ah ee kooxaha Argagixisada ah ku dileen dad rayid ah, kuna gubeen hantidooda ee ka dhacay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Weerarkaan waxaa uu muujinayaa cadownimada kooxda nabad-diidka ah ee Al shabaab iyo in aanay dadka Soomaaliyeed u tureen, waxa kale oo uu  hoosta ka xariiqday xanuunka ka gaaray dagaaladii wadajirka ahaa ee ay la galeen bulshada deegaanka oo kaashanaya dowladooda.

Weerarkani wuxuu sidoo kale tilmaamayaa in maleeshiyaadka arxan laawayaasha ah ay sii tabar darnaanayeen oo aanay awooddin in ay wajahaan Ciidanka Qaranka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay garab taagan tahay dadka deegaanka ee is abaabulay una taagan iska kor qaadidda kooxahaan cadowga ku ah jiritaanka dadka Soomaaliyeed, waxaana iyada oo kaashanaysa dadka deegaanka ka bixin doontaa jawaab u dhiginta.

Waxaa naga go’an in kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab in waddanka laga ciribtiro, weerarada bahalnimada ah oo ay shacabka u geesanayaan waxa ay ka marqaati kacayaan fikirka iyo hadafka kooxdaan, waxa ayna xoog iyo iskaashi u noqon doonto dadweynaha iyo dowladooda oo u taagan in maleeshiyadaan dalka laga xoreeyo.

“TAARIIKH KOOBAN” HAY’ADDA TAYO-DHOWRKA SOOMALIYEED (SOMALIA BERRU OF STANDARD)

Hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed waa Hay’ad utaagan hubinta tayada cuntada, Daawada iyo dhamaan badeecadaha Kala duwan ee dalka soo gala, sidoo kale waxa ay hubisaa tayada badeecadaha Kala duwan ee dalka laga dhoofiyo.
Hay’adda Taya-dhowrka Soomaliyeed waa Hay’ad shaqeyn jirtay xiligii dowladdii dhexe taasi oo bulshada Soomaliyeed u haysay shaqo wax ku’ool ah, balse burburkii dowladdii dhexe kadib Hay’adu waxay ka mid noqotay hay’adihii burburay, mudadii lagu jiray burburka ma jirin cid hubin ku sameyneysay badeedacaha iyo agabyada kale ee soo gala dalka, taasi oo dhibaatooyin badan ay kala kulmi jireen shacabka Soomaaliyeed.

Dib u dhiska Hay’adda Taya-dhowrka soomaaliyeed waxa ay soo bilaabatay 2018dii iyada oo soo martay marxalado Kala duwan sida, Diyaarinta xeerarka Hay’adda Taya-dhowrka ay Ku shaqeyn lahayd oo Golaha wasiirada ay meel mariyeen, sidoo kale waxaa ansixiyey labada Gole ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya, ugu danbeyna Madaxweynaha Jamhuuriyada FS ayaa Xeer madaxweyene ku saxiixay Laguna soo saaray faafinta rasmiga ah ee dowlada.
Bishii August 2020 ayaa si rasmi loo howl galiyey Hay’adda Taya-dhowrka Soomaliyeed “Somalia Berru of Standard” (SOBS) oo ay bilowday shaqadeeda.
Dib u dhisidda hay’adda waxaa mahadeeda iska leh ilaahay ka sokoow mudane: Aadan Hassan Barre oo ah Maareeyaha Guud ee Hay’adda Taya-dhowrka Soomaliyeed oo u istaagay sidii uu dhidibada ugu mudi lahaa marlabaad isaga oo ka soo bilaabay meel maran, kana soo maray caqabado badan ugu danbayna ku guulaystay dib u dhisida hay’adda.
Hay’adda Taya-dhowrka Soomaliyeed hadda waxay si rasmiya u gudataa hawlaheeda shaqo.
Hay’adda Taya-dhowrka Soomaliyeed ama Somalia Berru of Standard (SOBS) waxa ay hoostagtaa Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

WAXTARKA HAY’ADDA TAYA-DHOWRKA SOOMALIYEED AMA SOMALIA BERRU OF STANDARD (SOBS).
Ha’yaddani waxay waxtar weyn u leedahay shacabka Soomaaliyeed, waxayna ka shaqeeysaa:
⦁ Ka hortegida soo dejinta iyo isticmalka badeecadaha dhacay.
⦁ Ka hortegida in dalka la soo gelyo badeecad aan tayada lahayn.
⦁ Hubinta inay is waafaqsan yihiin macluumaadka ku qoran badeecadda dusheeda iyo waxa ay dhab ahaan ka kooban tahay iyada oo la marsiinayo sheybaar.
⦁ Hubinta saxnaanta miisaanada wax lagu cabiro iyo sixida hadii ay wax ka khaldan yihiin.
⦁ Hubinta sax ahaanshaha aaladaha wax lagu cabiro ee dalka lagu isticmlo ama la soo gelinayo.
⦁ Hubinta tayada badeecadaha dalku soo saaro iyada oo la siinayo shahaado rasmi ah oo cadaynaysa tayada dadeecada, shahaadu waxay u suuragelinaysaa ganacsatada soomaaliyeed in ay si sahlan badeecadoo ugu dhoofin karaan suuqyadda caalamka.
Ugu danbeyn Hay’adda Taya-dhowrka Soomaliyeed waa Hay’ad ay bulshada Soomaliyeed baahi weyn ay u qabeen taasi oo bulshada Soomaliyeed Ka caawin karta helitaanka badeeco tayadeedu sarayso, iyo Sahlida in badeecada dalka ay dibada si sahlan loogu dhoofiyo.
WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

Madaxweynaha Turkiga iyo Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska oo khadka Telefone ka kaga wada hadlay Xiriirka labada Dal

Madaxweynaha Turkiga iyo Ra’iisul Wasaaraha UK ee xilka ka degaya Boris Johnson oo khadka telefoonka kaga wada hadlay xiriirka iyo Arrimaha gobolka.

Erdogan waxa uu sheegay in uu “wadahadal dhow” la sameeyay Johnson intii uu xilka hayay, uuna horumariyay xiriirka Ankara iyo London oo ku dhisan ixtiraam iyo isfaham, Agaasinka Isgaarsiinta Turkiga ayaa sidaas ku sheegay bayaan uu soi saaray.

Ra’iisul wasaare Johnson, ayaa dhankiisa ugu hambalyeeyay Erdogan “hoggaanka caalamiga ah ee lagama maarmaanka ah” ee Turkiga, oo ugu dambeeyay gacan ka geysashada soo afjarida xayiraadda hadhuudhka ee Ruushka iyo Ukraine, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay Downing Street.

Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la sii wado taageerada Ukraine, oo ay ku jirto in la sii wado cunaqabateynta dhaqaale ee saaran Ruushka.

Johnson iyo Erdogan ayaa midba midka kale u rajeeyay wanaag mustaqbalka, waxayna ku heshiiyeen in xiriirka UK iyo Turkiga uu sii socdo inuu sii xoogeysto.

Shirweynihii 11-aad ee guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Afrika oo lagu soo gaba-gabeeyay dalka Koonfur Afrika

Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qayb galay xiritaanka  shirweynaha 11-aad ee guddoomiyayaasha Baarlamaannadda Afrika oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Shirkan oo socday mudo labo maalmood ah ayaa diirada lagu saaray adkeynta iskaashi  buuxa oo dhexmara dowladaha ku bahoobay madashan, iyadoo muhiimad gaar ah la siiyay  la socodka isbedelka cimilada iyo qaaradda oo iskugu tashi ka yeelata  cunna yarida aduunka soo wajahdey iyo  sidoo kale sidii looga dhabeyn lahaa ballan qaadyada ka soo baxay  shirkan u dhexeeyey Guddoomiyayaasha Baarlamaannada Afrika.

Ugu dambeyn madaxda ayaa isla gartay in si wadajir ah looga hortago  abaaraha soo noq noqday  iyo daryeel xumada ay wajahayaan malaayiin ruux oo Afrikaan ah.

Argagixisada Al-shabaab oo gubay gawaari ay la socdeen dad rayid ah oo ku safrayay gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ku dhow 17-ruux oo musaafur ah oo isugu jiray Haween, Caruur, dhalinyaro iyo dad da’ah oo ay argagixisada Al-shabaab kala degeen gaadiidkii ay saarnaayeen ayaa waxay ku dileen deegaanka Afar Irdood oo qiyaastii 35km jirta magaalada Beledweyn.

Wararka ayaa intaas ku daraya, in argagixisada ay sidoo kale, dab qabad siiyeen waxaa dhammaan gaadiidkii ay dadkaasi kala dageen.

Nabadoon Cilmi Maxamed Barre oo ka tirsan waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa SONNA u sheegay in nabad-diidka Al-Shabaab ay gubeen gaadiid siday shixnado ganacsi, kuwaas oo ku sii socday degmada Maxaas iyo deegaanada ku xeeran kana soo baxay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Weerarada argagixisada Al-shabaab ay u geysanayaan dadka shacabka ee ka soo hayaamay deegaanada abaaruhu saameeyeen ee ka kala tirsan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa muujinaya in looga awood roonaaday howlgalada sida wadajirka ah u fulinayaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanadaas ku sugan.

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka XFS oo Muqdisho kula kulmay xildhibaano iyo dhalinyaro aqoonyahan ah.

Kulankaan oo lagu qabtay magaaladda Muqdisho ayaa isugu jiray boggaadin iyo kala warqaadasho ayaa wasiir kuxigeenka wasaaradda Caafimaadka XFS Hon Dr Mohamed Hassan Mohamed waxa uu la yeeshay qaar kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee wax ku soo baartay jaamacadaha dalka Shiinaha.

Waxaa sidoo kale kulanka goob joog ka ahaa qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo wasiirkana uu kamid ahaa ardaydii horey wax uga soo baratay dalka Shiinaha kana faa’ideystay saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha, maadaama dowladda Shiinaha deeqo waxbarasho ay siiso Soomaaliya sanadkasta.

Muddadii kulanka uu socday ayaa dhalinyaradii soo qaban qaabisay kulankaasi waxaa ay u balanqaadeen wasiir ku-xigeenka caafimaadka Somaaliya Hon Dr Mohamed Hassan Mohamed in ay markasta garabkiisa taagan yihiin.

Dhankiisa ayuu muujiyay wasiirka sida uu ugu faraxsan yahay in uu waqti la qaato qaar kamid ah aqoonyahanka Soomaaliyeed oo ay wax ku soo barteen dalka dibadiisa,islamarkaan uu shacbka Soomaaliyeed uu ugu adeegi doono si hufan cilmigii uu soo bartay iyo mas’uuliyadda ka saaran bulshadiisa, ka wasaarad ahaan.

Boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed ayaa ka faaideysatay deeqaha waxbarasho ee dowladda Shinaha ay siiso Soomaaliya, iyaddoo intabadan aqoonyahanadii wax ku soo bartay dalkaasi ay aqoontooda dalka ay dib ugu soo celiyeen, islamarkaana haatan ay ugu adeegayaan bulshada.