Guddoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka qayb galay xiritaanka shirweynaha 11-aad ee guddoomiyayaasha Baarlamaannadda Afrika oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.
Shirkan oo socday mudo labo maalmood ah ayaa diirada lagu saaray adkeynta iskaashi buuxa oo dhexmara dowladaha ku bahoobay madashan, iyadoo muhiimad gaar ah la siiyay la socodka isbedelka cimilada iyo qaaradda oo iskugu tashi ka yeelata cunna yarida aduunka soo wajahdey iyo sidoo kale sidii looga dhabeyn lahaa ballan qaadyada ka soo baxay shirkan u dhexeeyey Guddoomiyayaasha Baarlamaannada Afrika.
Ugu dambeyn madaxda ayaa isla gartay in si wadajir ah looga hortago abaaraha soo noq noqday iyo daryeel xumada ay wajahayaan malaayiin ruux oo Afrikaan ah.