WararkaGudaha Shacabka Ku nool deegaanka Caada-kibir oo u istaagay in ay iska dulqaadaan kooxaha argagaxisada ah ee Al shabaab.

-Deegaanka Cadakibir Ee Gobolka Galgaduud Waxaa Ka soconayo Dhaqdhaqaaqyo Xooggan oo ay dadka degaanka iska celinayaa Maleeshiyada Al-Shabaab oo baneeysatay dhiig dadka shacabka ah

Qaar kamid shacabka deegaanka Cadakibir ayaa qaatay hubkooda  kadib markii ay u dulqaadan wayeen dhibaatada isugu jirta dilka,dhaca iyo gubista hantidooda ay ka hayaan kooxda argagixisada Al-Shabaab, waxa ayna dadka degaankasi wacad ku mareey in inta qof ka noolyahy ay la dagaalami doonaan argagixisad u diidan in ay nolaadaan.

Sidoo kale diyaar garoow kaa lamid ah ayaa ka socda Gobolka Hiiraan ,halkaa oo dhawaan argagixisada dad Musaafur ah oo ay ku jiraan Haween iyo Caruur ay ku xasuuqeeyn,waxeyna taa tusaalo u tahay sida an kala sooca lahayn ee cadawgu u laynayo dadka Shacabka kadib markii jab- xooggan ay kala kulmeeyn howlagaladii ugu dambeeyay oo ay ciidamada xooga dalka ay kaga xoreyeen argagixisada degaanno badan.

  

La wadaag cid kale

Shir udhaxeeyo wasaaradda Maaliyda DFS iyo kuwa dowlad gobleedyada oo ka furmay Muqdiaho

-Shirka Wasiirada Maaliyadda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho

Sharkaan ayaa looga hadlayaa nidaamka Maaliyadda dalka iyo tabasho Wasiirada Maaliyadda Dowlad goboledyada ay qabeen taa oo sababtay inay si wadajir ugu dhawaaqaan joojinta wada shaqeyntii kala dhaxeysay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda federaalka Soomaaliya.

Shirka labada dhinaca oo hada socdo ayaa la filaa in laga soo saaro qodobo ay dhinacyadu isku afgartaan

 

  

Ciidamada xoogga howlgal lagu dilay xubna katirsan argagixisada ka sameeyay degaanka Basra iyo deegaano kale

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee dowladda ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Basra iyo deegaano kale oo ku dhow dhow, kuwaasi oo maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab si dhuumaalaysi ah ay ciqaab iyo boob ugu gaysanayeen shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada dowladda ayaa laayay inta badan maleeshiyaadkii Argagixisada ahaa ee halkaasi ku sugnaa iyo horjoogayaashii hoggaaminayay.

Waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay maleeshiyaad Argagixiso ah, sida warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku guulaystay inay sii daayaan dad shacab ah oo ganacsato ay ku jireen kuwaasi oo Argagixisadu si Afduub ah ay u haysteen.

 

 

 

 

 

 

Guddoomiyaha G/Shacabka Oo Hoygiisa Ku Booqday Madaxweynihii Hore

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmed Nuur (Madoobe),ayaa hoyga uu ka degan yahay Muqdisho tacsi ugu tagey Madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda Mudane Shariif Sheekh Axmed oo hooyadii Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq geeriyootay.

Guddoomiye Sheekh Aadan, ayaa murugada xanuunka leh la wadaagay qoyska iyo qaraabada ay ka baxday Marxuumad Xasno Cabdulle Isaaq, isagoo Alle uga baryey inuu Jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo.

“Innaa Lillahi wa inna Illaheyhi Raajicuun Alle ha u naxariistee, hooyo Xasno Cabdulle Isaaq, oo shalay la geeyey gurigeeda dhabta ah waxaan rabi u weeydiineynaa in uu hoygeeda ka dhigo jannadii Firdowsa dhamaan ehelka iyo qaraabada samir iyo iimaanna uu ka siiyo”

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa sheegay in marxuumada loo duceeyo waxaana uu Alle u baryey in uu Jannadiisa ka waraabiyo.

 

La wadaag cid kale

Mohamed El-Amine Souef oo loo magacaabay Ergeyga gaarka ah Midowga Afrika ee Soomaaliya

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika danjire, Mousa Faki Mahamat, ayaa Mohamed El-Amine Souef u magacaabay ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, isagoo bedelay Francisco Madeira oo bishii April ee sanadka dalka ka ceyriyay Ra’isul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble.

Mohamed El-Amine Souef oo dhashay dalka Kamaros ayaa soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, wasiirka arrimaha dibadda, danjiraha Kamaroon ee Masar, Qaramada Midoobay  iyo wakiilka jaamacadda Carabta.

Sidoo kale, wuxuu soo noqday xubin baarlamaan iyo la taliye madaxweyne.

Mohamed El-Amine Souef ayaa hadda ahaa madaxa xafiiska magaalada Gao ee howlgalka Qaramada Midoobay ee MINUSMA  ee dalka Mali.

Wasiirka Caddaalada iyo Dastuurka XFS oo la kulmay wakiilka UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka Mudane, Xasan Macalin Maxamuud oo ay wehliyaan Wasiir ku-xigeenka Mudane, Ahmed Cabdiraxmaan Xasan, Agaasimaha Guud iyo agaasime waaxeedyada Qorshaynta iyo Wacyigalinta  iyo lataliyaasha Wasaaradda ayaa kulan la yeeshay uqaabilsanaha  Hay’adda UNDP Soomaaliya Mr. Jocelyn Mason.

Kulanka ayaa looga hadlay sida Hay’adda UNDP u taageeri lahayd howlaha hor-tabinta u leh wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka oo ay ugu horreeyan dhammaystirka Dastuurka iyo Sarraynta sharciga.

Wasiir Xasan Macalin ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii loo dardargelin lahaa howlaha muhiimka ee horyaalla Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka.

Dhanka kale, u qaabilsanaha Hay’adda UNDP Soomaliya Joceleyn Mason ayaa ballanqaaday in ay ka taageri doonaan Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka arrimaha mudnaanta u leh.

Cabdikarim Xaaji Buux oo loo doortay xubin ka tirsan guddiga fulinta ee ururka xoghayeyaasha Afrika

Shirkii xoghayeyaasha guud ee Baarlamaannadda Afrika oo ka dhacay intii u dhexeysay 29-31 Ogoosto ee xarunta Baarlamaanka Afrika ee magalada Johannesburg ayaa waxaa xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux, loogu doortey xubin ka tirsan guddiga fulinta ee ururka Xoghayeyaasha Afrika.

Xubin ka mid noqoshada golaha fulinta ee Baarlamaanka Afrika ayaa noqoneeysa markii ugu horeysey ee Soomaaliya Xilkaas loo doorto.

Wasiir Fiqi oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka+Sawirro

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka (GMXF).

Guddiga uu hoggaaminayay guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Federaalka (GMXF) Mudane Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim ayey isaga iyo xubnihiisu la wadaageen wasiirka warbixin la xiriirta howlaha shaqo ee guddiga ay ka qabteen hirgelinta iyo horumarinta federaaleyna, soohdimeynta maamul goboleedyada iyo degmooyinka iyo maareynta xog-dhuleedka dalka, iyada oo sidoo kale wasiirka hordhigay waxyaabaha iminka hortabinta u leh iyo sida ay doonayaan in ay u caawiso wasaaradda sidii ay u gudan lahaayeen hawlaha dastuuriga ah.

Wasiirka ayaa soo dhoweeyay Guddoomiyaha cusub ee guddiga oo dhawaan la doortay iyo xubanaha kale ee guddiga, waxaa uuna su’aalo ka weydiiyay arrimo badan oo hawlahooda ah isaga oo sheegay in sida wasaaraddiisa ay ahmiyad u siineyso arrimaha xuduudaha ee khuseeya gudaha dalka iyo dalalka dariska ah, waxaa uuna dhiirigeliyey in la dedejiyo dhameystirka siyaasadaha la xiriirka xuduudaha.

Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka ayaa ah guddi Madax Bannaan oo hoos taga Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, waxa ayna shaqadiisu tahay inuu dowlada Federaalka ka caawiyo calaamadaynta Soohdimaha maamul goboleedyada iyo degmooyinka, Xalinta khilaafaadyada la xiriira arimaha soohdimaha iyo Qaangaarsiinta maamul goboleedyada dalka.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo la kulmay guddoonka Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika+Sawirro

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay guddi iskugu jira ganacsatada iyo guddoonka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika.

Guddoomiyaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed iyo Jaaliyadda ku nool dalkaasi uga mahadceliyey kulankaan islamarkaana kula dardaarmay in isku xirnaan iyo midnimo muujiyaan.

“Runtii farxad ayey ii tahay aniga iyo wafdigeyga in aan idinla kulano ganacsatada ku nool magaladan Johannesburg ee Koofur Afrika, waxaan idinkula dardaarmayaa in aad muujisaan midnimo iyo wadajir iskuna gacan qabataan caawinta kiina dhibaataysan” ayuu yiri guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa ganacsatada iyo guud ahaanba Soomaalida ku nool Dalka koonfur Africa kula dardaarmay in ay qayb ka noqdaan caawinta dadka ay saameeyeen abaaraha baahsan ee ka jira gobolada dalka.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Saraakiisha ciidamada faray in la xoreeyo deegaanada fara ku tiriska ee gacanta cadowga ku jira+Sawirro

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo guddoomiyey shirka amniga maamulka Hirshabeelle ayaa Saraakiisha Amniga ku amray in si degdeg ah uga hawl-galaan sidii loo xoreyn lahaa deegaanada ku haray gacanta kooxaha argagixisada.

Shirka u dhexeeyay Madaxweyne Guudlaawe iyo Saraakiisha Ciidamada Amniga ayaa waxaa si weyn loogu gorfeeyay amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle, xogaha dhaqdhaqaaqyada argagixsada iyo howlgalada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha ciidamada ku adkeeyay in si degdeg ah looga loo bilaabo xoreynta deegaanada gacanta cadowga ku jira oo dadkeedu ay la daalaa dhacayaan dhibaatooyin kala duwan, isagoo saraakiisha amniga u jeediyay inay ka jawaabaan xasuuqa argagixisadu ka geysteen deegaanka afar irdoodka ee Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay falkii foosha xumaa ee argagixisadu ku laayeen dad shacab ah kuna gubeen hantidoodii, waxaana uu ku baaqay in si wadajir ah looga qeybgalo howgallada lagu ciribtirayo argagixisada Al-shabaab.