Ciidamada xoogga howlgal lagu dilay xubna katirsan argagixisada ka sameeyay degaanka Basra iyo deegaano kale

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee dowladda ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Basra iyo deegaano kale oo ku dhow dhow, kuwaasi oo maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab si dhuumaalaysi ah ay ciqaab iyo boob ugu gaysanayeen shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada dowladda ayaa laayay inta badan maleeshiyaadkii Argagixisada ahaa ee halkaasi ku sugnaa iyo horjoogayaashii hoggaaminayay.

Waxaa sidoo kale gacanta lagu dhigay maleeshiyaad Argagixiso ah, sida warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda.

Ciidamada ayaa sidoo kale ku guulaystay inay sii daayaan dad shacab ah oo ganacsato ay ku jireen kuwaasi oo Argagixisadu si Afduub ah ay u haysteen.