Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo Shacabka Hiiraan iyo Galgaduud ku ammaanay sida Geesinimada ah ee ay uga hortageen falalka Argagixisada

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa ammaanay sida geesinnimada leh ee bulshada reer Hiiraan iyo Galgaduud ay uga hortageen falalka ka baxsan banii’aadnimada ee Alshabaab iyo Daacish.

Bulshadu in ay ilaashato amnigeeda ayaa fure u noqon kara ladagaalanka argigixisada.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo la kulmay Safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa waxayn ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga, loona dardargelin lahaa fulinta qorshaha kala guurka.

Wasiirka ayaa uga mahad celiyay garab istaaga ay u muujiyeen Midowga Yurub iyo doorkooda ku aadan dib u dhiska dalka.

Liz Truss oo loo doortay ra’iisul wasaaraha xiga ee UK,

Xoghayaha arrimaha dibadda Liz Truss ayaa loo magacaabay hoggaamiyaha xisbiga talada haya ee Conservative Party, iyadoo la wareegtay awoodda ra’iisul wasaaraha Britain , xilli uu waddanku wajahayo qalalaase nololeed iyo hoos u dhaca.

Mr.Johnson ayaa lagu qasbay inuu ku dhawaaqo is casilaadiisa bishii Luulyo ka dib bilo fadeexad ah, wuxuuna Talaadada  u safri doonaa Scotland si uu ula kulmo boqorada Elizabeth oo uu u gudbin doono istiqaaladiisa.

Liz Truss waxay noqtay ra’iisul wasaarihii afaraad ee Konserfatifka tan iyo doorashadii 2015.

 

Maxkamadda Sare ee Kenya oo ku dhawaaqday in Ruto ku guuleystay doorashadii madaxtinimada dalkaas

Maxkamadda sare ee  dalka Kenya ayaa ku dhawaaqday maanta in  William Ruto ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee bishii hore ka dhacday dalkaas.

Maxkamadda ayaa  meesha ka saartay dacwadihii iyo sheegashadii  Raila Odinga ee ahaa in  la sameeyay wax is daba marin xilligii doorashada.

Go’aankaan oo maanta duhurkii kaso baxay maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in la laalay codsigii Raila Odinga, iyada oo ay dhammaan toddobada xubnood ee maxkamaddu isku raaceen.

Natiijada rasmiga ah  ee doorashada ayaa tilmaameysa  in Ruto oo ahaa madaxweyne ku xigeen uu ku guuleystay 50.5% codadkii la dhiibtay 9-kii Agoosto,  halka Odinga oo horay u soo noqday ra’iisul wasaare uu helay 48.8%.

Xukunka maxkamada ayaa ah kama dambays  lagamana qaadan karo racfaan.

William Ruto oo 55 sano jir ah ayaa loo dhaarin doona madaxweynaha dalka Kenya maalmaha soo socda.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo daah-furay qorshaha qaranka ee kaallinta haweenku ku leeyihiin amniga iyo xasiloonida dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa maanta daahfuray qorshaha qaranka ee kaallinta haweenku ku leeyihiin amniga iyo xasiloonida dalka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay munaasabadda ayaa waxa uu si qoto dheer uga hadlay doorka muhiimka ah ee haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabadgelyada iyo amniga iyo gurmadka aabaraha.

       

Taliyaha qeeybta 27-aad ee Ciidamada xoogga dalka oo kormeeray goobihii dhawaan lagala wareegay argagixisada

Taliyaha qeeybta 27 aad ee ciidamada xooga dalka somaliyed  Gen. tawane Amed gureey iyo saraakiil kale oo katirsan ciidanka xooga  ayaa kormeeray goobihii dhawaan ay ciidamada qalabka side ee somaliya kala wareegeen maleeshiyada argagexeada alshabaab

Taliyaha ayaa goob fagaaro ah kula hadlay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee argagixisada ka xoreeyay degaanno katirsan Gobolka Hiiiraan,isagoona ciidamada uga mahadceliyay howsha naf-hurnimada leh ee ku difaacayaan qaranimada ummada Soomaaliyeed iyo argagixisada laga saaro guud ahaan dalka.

Taliyaha waxaa kormeerka ku wehlinayay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte oo uu ku amanayo howlgaladi ka dhacay gobolka ee lagu ciribtirayay Maleeshiyada argagixisada Al-Shabaab

 

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la kulmay saraakiil ka socotay Hawl-galka Tayaynta Midowga Yurub

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta saraakiil ka socotay Hawl-galka Tayaynta Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP Somalia) ku qaabilay Akadeemiyada Ciidanka Booliska ee Janaraal Kaahiye,

Taliyaha iyo saraakiisaha ayaa  ka wada hadlay xoojinta wadashaqayn Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo EUCAP, si gaar ah horumarinta iyo tayaynta Ciidanka Daraawiishta ee Booliska Soomaaliyeed

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la kulmay saraakiil ka socotay Hawl-galka Tayaynta Midowga Yurub

-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta saraakiil ka socotay Hawl-galka Tayaynta Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUCAP Somalia) ku qaabilay Akadeemiyada Ciidanka Booliska ee Janaraal Kaahiye,

Taliyaha iyo saraakiisaha ayaa  ka wada hadlay xoojinta wadashaqayn Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo EUCAP, si gaar ah horumarinta iyo tayaynta Ciidanka Daraawiishta ee Booliska Soomaaliyeed

 

Howlgal ka dhan ah Argagixisada Alshabaab iyo Daacish oo ka socda degaano dhaca Buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari.

Howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah Kooxaha Argagixisada Alshabaab iyo Daacish ayaa ka socda deegaano dhaca Buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari.

Ciidamada kala duwan ee Puntland ayaa wada howlgaladaan waxaana si gaar ah ay uga fuliyeen ilaa shalay deegaan oo kala ah Ceel dibir, Mijiyahan, Ceel kharaar, dhadhaabo iyo macag oo hoostaga Buuraleyda Calmadow.

Intii uu socday hawlgalkaan qorshaysan ayaa Waxaa Lagu soo qabtey Xubno katirsan Kooxda Argagixisada ah ee Al Shabaab kuwaasoo qaabilsanaa fududeynta gudbinta sahayda iyo Saadka.

 

Ciidamada xoogga dalka oo gacanta ku dhigay degaanno hoos taga degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan

-Ciidanka xoogga dalka oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano hoos yimaada magaaladda Buula-burde ee gobolka Hiiraan ayaa gacanta ku dhigay deegaano dhowr ah oo ay ka mid yihiin, Ceemooy. dhagax yaalle, Kilad gubadleey iyo Ceelka-dabyoole 20KM u jira degmada Buulo Burde.

Ciidanka xoogga ayaa sido kale gacanta ku dhigay doomo ay lahaayeen kooxaha argagaxisada ah ee Al shabaab oo ku xernaa wabiga shabeelle, kuwaasi oo argagaxisada ay u isticmaali jireen in ay ku qaataan saanadda, dhaawacyada iyo gurmadka, waxaana ay aheyd bar isku socod oo ay u adeegsadaan gobolada shabeelooyinka iyo gobolada dhaxe.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay howlgalka sii wadayaan tan iyo inta laga xureynayo kooxaha argagaxisada ah deegaanada Hirshabeelle.