Taliyaha ciidamad xoogga dalka oo kulan sagootin ah u sameeyay u qeybsanaha arimaha Ciidamadda ee dalka Turkiga

Taliyaha Ciidamad Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kulan sagootin ah u sameeyay u qeybsanaha arimaha Ciidamadda ee dalka Turkiga u fadhiyay Soomaliya Col Sezer Tigli Kaas oo labadii sano ee u dambeeysay ka howlgalayay Dalka

Kulankaasi sagootinta ah waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Cirka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Maxamuud Sheekh Cali iyo qaar kamid ah saraakiisha Hoggaanada Taliska Xds

Ujeedka kulanka ayaa ahaa sagootinta sargaalkan dalka Turkiga dib ugu laabanayo iyadoona kulanka loogu mahadceliyay sida wanaagsan ee uu ula soo shaqeeyay Taliska Ciidanka Xds

Dagaallo khasaare loogu geystay Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Dagaal culus ayaa saacadihii la soo dhaafay ku dhexmaray degaanka Ceeleey oo Hoostaga Degmada Maxaaas ee Gobolka Hiiraan Ciidamada degaanka ee loo yaqaanno macawiisleyda iyo maleeshiyaad ka tisrasan nabad diidka Al-Shabab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar gaadma ah ku qadeen degaanka Ceeleey oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka degaanka, waxaana halkaasi ka dhacay dagaallo saacado badan qaatay oo soo bilaawday shalay Gelinkii dambe, soona gaaray saacadahii danbe ee xalay.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in intii uu socday dagaalka argagixisada Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaaro xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Intii uu dagaalka socday ayaa waxaa halkaasi soo gaaray cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan degmada Maxaas.

RA’IISUL WASAARE XAMSE OO LA KULMAY KU XIGEENKA XOGHAYAHA GUUD EE QM

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini’aadannimada, Martin Griffiths, oo ay ka wada hadleen wada shaqeynta iyo xiriirka hay’adaha Dowladda iyo kuwa Qaramada Midoobay ee la xiriira arrimaha Gurmadka Abaaraha iyo samafalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xukuumaddu ay mudnaan gaar ah siinayso arrimaha gurmadka abaaraha iyo u diyaar garowga sidii xal waara looga gaari lahaa abaarta soo noqnoqtay, iyadoo ay Dowladdu xooga saari doonto, buu yiri sidii loo heli lahaa qorshayaal fog oo looga hortagayo abaaraha.

Dhanka kale Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Arrimaha Bini’aadannimada, ayaa sheegay in farriinta uu u qaadi doono caalamka ay tahay in Dowladda Soomaaliyeed ay tahay mid Dimuqraaddi ah, isla markaana leh siyaasado fadhiya oo ay wax ugu qabaneyso shacabkeeda – caalamkana uu ka codsan doono in gacan la siiyo Soomaaliya xilligan adag ee ay ku jirto.

Wasiirka waxbarashadda ee XFS oo soo xiray shirka wadatashiga Qaran ee sameynta sharciga illaaalinta goobaha Hidda-dhaqanka

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa soo xiray shirka wadatashiga Qaran ee sameynta sharciga Ilaaalinta goobaha Hidda-dhaqanka iyo goobaha Dabiiciga ah, kaasi oo ay kasoo qeyb-galeen mas’uuliyiin kala duwan iyo marti ka kala timid Dowlad Gobaleedyada Dalka.

Wasiirka Waxbarashadda mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo hadal ka jeediyay munaasabda xiritaanka Shirka Wadatashiga Qaran ee Sameynta Sharciga Ilaaalinta goobaha Hidda-dhaqanka, ayaa tilmaamay in wasaaaradda waxbarashadda Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya, ay ka go’an tahay horumarinta iyo ilaalinta Hiddaha iyo dhaqanka Dalkeenna, ayna dadaal badan galin-doonto dhowristiisa si ay u dhaxlaan jiilasha innaga danbeeya ee dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda ee XFS oo kulan la yeeshay wafdi ka socday hay’ada FAO

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iiman Cigge ayaa kulan miro dhal ah Wasaaradda kula qaatay wafdi ka socday hay’ada FAO.

Wasiirka Iyo wafdga ka socday hay’ada FAO ee soo booqday wasaaradda ayaa ka wada hadlay sidii wada shaqeyn dhaw iyo xariir ay u yeelan lahaayeen Wasaaradda Iyo hay’ada FAO si looga dardar galiyo taakuleynta iyo garab istaaga bulshada Soomaaliyeed ee abaarto aafeysay loogana gudbo waqtigaan adag ee dalka Iyo dadku wajahayo.

Kulanka ayaa intii uu socday lagu lafa guray wax ka qabashada arimaha Abaaraha, shaqa abuurka iyo hormarinta arimaha bulshada ayadoo haya’ada FAO ay balan qaaday inay kala shaqeyn doonto wasaaradda shaqa abuurka Iyo hormarinta arimaha shaqada.

Wafdiga FAO ayaa waxaa hogaaminayay madaxa Soomaaliya ee hay’adaas Etienne Peterschmitt, waxaana uu sheegay in taageeeradoodu soo dhaqsaneyso.

Xaaladda abaarta ka jirta Soomaaliya oo1.5 milyan caruur ahi ay la il daran yihiin nafaqo darro ba’an.

WAR SAXAAFADEED:-

Guud ahaan dalka Soomaaliya waxaa ka jirta abaartii ugu darnayd muddo 40 sanno ah, waxayna soo jiitamaysay mudo labo sanno ah oo ay dadka iyo duunyaduba la soo tacaalayeen,6.9 milyan oo qof ayay saamaysay oo udhiganta 42% guud dadka dalka ku dhaqan, waxay ka barakicisay deeganadoodii 894 kun oo qof si ay uhelaan biyo iyo baad, halka 1.5 milyan caruur ahi la ildaran yihiin nafaqo darro ba’an.

In kastoo guud ahaan dalka ay si siman u saamaysay haddana xogta ay Dawladda Federaalka Soomaaliya (DFS) hayso waxaa ka mid ah dhulka ay ku dhaqanyihiin xoolo-dhaqato beeralayda gobolada Bay iyo Bakool, reer miyiga gobolka Gedo, deegaannada

Cadduunka iyo Hawdka ku yaal gobollada Hiiraan, Galguduud, Mudug, Nugaal, Sool iyoTogdheer,tan iyo sannadkii hore, DFS waxay samaysay dadaalo iyo talaabooyin wax lagaga qabanayo xaaladda Abaaraha, waxaana ka mid ahaa:

Nofembar 2021, In Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ku dhawaaqeen in Abaartu tahay xaalad degdegga, waxaan loo diray baaq dhammaan saaxiibada Soomaaliya, beesha caalamka iyo deeqbixiyayaasha.

Disembar 2021, Golaha XFS waxa ay ku yabooheen in bil walba 20% laga jari doono mushaharaadkooda loona isticmaali doono arrimaha gurmadka Abaaraha, hadda oo bisha,Janaayo-Abriil 2022, DFS waxay qabatay shirar lala yeelanayo Deeqbixiyaasha, Ururrada

Bulshada Rayidka, Ganacsatada iyo Culimada Soomaaliyeed si loo dardargelinayo gurmadka Abaaraha inta aysan xaaladdu sii xumaan. Waxaana la bilaabay in raashin loo qaado magaalooyinka qaar.

Maajo-Luulyo 2022 Madaxweynaha DFS waxa uu u magacaabay Ergayga Gaarka ee gurmadka Abaaraha, halka ay DFS ka heshay dawladda UAE $9.6 milyan oo loogu talogalay gurmadka Abaaraha, iyadoo tan iyo bilowgii gurmadka Abaaraha 3,200 tan oo raashin ah la gaarsiiyay dad ku dhow nus malyuun qof.

Agoosto-Sibtember 2022 Waxay ay DFS dib u hawlgelisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka, iyadoo la asaasaasay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha oo ka kooban 16 xubnood oo isugu jiray Wasiiro, Culimo, Ganacsato iyo Bulshada rayidka, xoghayna u tahay Xarunta Qaran ee Hawgallada Gurmadka Degdegga ah (NEOC).

Isbuucan waxay DFS udirtay raashin 50 tan ah oo loogu talo galay 2,100 qoys oo ku sugan goobaha looga baqayo in nafaqo darro ka dilaacdo, iyadoo degmooyinka qaar la siiyay dhaqaale ay dib ugu hagaajistaan ceelasha biyaha ay ka cabi jireen.

DFS waxaa ka go’an hawlaha xoojinta iyo dardargelinta dadaallada gurmadka abaaraha si loo samata bixiyo Bulshada Soomaaliyeed ee la ildaran masiibada abaarta.

DFS waxa ay ugu baaqaysaa dhamaan Bulshada Soomaaliyeed, Saaxiibada Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo Deeqbixiyayaashaba in loo kaco sidii loogu gurman lahaa bulshada utabaalaysan saameynta Abaaraha, loogana hortegi lahaa in ay xaaladda bani’aadanimo kasii darto.

Xukun Maanta lagu riday Askar Shabeellaha Hoose ku dishay Carruur Beeraley ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Saddex Askari oo lagu helay in11-kii Bishii June ee sanadkan deegaanka Bariire ee gobalka Shabellada Hoose kudileen Carruur Beeraleya ah.

Markii dilka uu dhacay ayaa waxaa dhacay Banaan-baxyo ay ku Cabanayaan bulshada deegaanka, waxaana ku baxay Isla xilligaas Saraakiisha ugu sarayso Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyada oo falkaasi loo soo xiray laba Askari oo ka tirsan Gor-gor iyo mid ka tirsanaa Qaybta 60-aad ee Militeriga Soomaaliya..

Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac xersi oo ku hubaysnaa Qoryaha ay walaalaha Turkey siiyeen Ciidamada ayaa si gaar ah loogu Eedeeyay in ay kala dileen Labada Marxuum ee dhalinyarada ahaa oo xilligaasi Farshaxan isaga baranayay School duq ah oo dhinaca Liinta magaalka kaga yaal, waxaana marxuumiinta lagu kala magacaabi jiray Maxamed Cabdiladiif Jiir iyo Cabdi Xasan Macalim Isxaaq.

Halka Askariga Sedaxaad Maxamed Isxaaq Guuleed uu Eedeysanayaasha markii hore u soo raacay in dadka ay dhacaan laakiin wax walba ay isku badaleen si ka duwan sidii hore ay ugu soo tashadeen, waxa ayna labada kale Ee la eedeysan xitaa isku dayeen in isaga Dilaan si raadka uu u dhumo, sida Maxkamadda laga Cadeeyay.

Xeer Ilaalinta oo ku soo wareegay kiiskan ayaa ugu damayn Codsatay in la Muddeeyo dhegeysiga Dacwadda ka dhanka Sedaxda Eedeysane August Dabayaaqadeedii.

Fadhigii u dambeeyay ee Maxkamadeed ayay Maxkamadda gaba-gabaysay kowdii bishan.

Maanta ayay Maxkamadda Ciidamada ku kala Xukuntay Guuleed Xamse Maxamed iyo Cabdi weli Jaamac xersi Dil toogasha ah oo Qisaasta Marxuumiinta kala ah Maxamed Cabdiladiif Jiir iyo Cabdi Xasan Macalim Isxaaq, halka ay Sedax Sano oo Xabsi Ciidan ah ku xukuntay.

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray deegaanka Cada-Kibir ee gobolka Galgaduud

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray deegaanka Cada Kibir ee gobolka Galgaduud, deegaankaas oo ay kooxda Argagixisada ah ka jareen isgaarsiinta iyo biyaha, kadib markii ay miinooyin ku xereen xarumaha isgaarsiinta iyo ceel biyood ay ka waraabayeen dadka iyo duunyada ku nool deegaanka Cada Kibir.

Madaxweynaha ayaa warbixinno ka dhageestay gudoomiyaha deegaanka iyo odayaasha dhaqanka, waxuuna halkaas kula kulmay dadka deegaanka oo iskood isku hubeeyay si ay iskaga dhiciyaan kooxda Argagixisada oo caadeesatay boobka hantida dadka iyo daadinta dhiiga shacabka, iyadoona iminka ay ku sii dareen in ay ceel biyoodyada miinooyin ku qarxiyaan xilli abaar baahsan ay ka jirto guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweyaha ayaa sidoo kale sheegay in dadka Soomaaliyeed iyo argagixisadu aysan Soomaaliya kuwada noolaan karin, loona diyaar garoobo sidii la isaga kicin lahaa, looguna tagi lahaa deegaanada kooban ee ay ka joogaan Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu danbayn ku ammaanay shacabka iyo culimada deegaanka Cada Kibir sida ay ugu diyaar garoobeen inay argagixisada Al Shabaab iska dulqaaada.

Madaxweynaha Ruushka oo ku baaqay in wax laga qabto isbeddelka cimilada dunida ee sii xumaanaysa.

Madaxweynaha Ruushka oo ku baaqay in wax laga qabto isbeddelka cimilada dunida ee sii xumaanaysa.

madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ka hadlayey Arrimaha deegaanka ayaa yiri”Waxaan marar badan maqalnaa calaamado naxdin leh oo sheegaya in haddii aadanuhu uusan wax ka qaban arrimaha deegaanka nolosha Aadanuhu halis gelayso”

Madaxweynaha ayaa xusay in ay jiraan fikrado kala duwan, haddana way iska caddahay in bini’aadamku ay sababeen dhibaatooyin xagga deegaanka ah, ayuu Putin ka sheegay Madasha Deegaanka Ecological Youth ee Dhammaan-Ruushka: “isagoo carabka ku adkeeyey in Arimaha deegaanka u baahan yihiin fiiro gaar ah.”

Putin waxa uu dhaleeceeyay habka Yurub u wajahdo arrimaha deegaanka ee caalamka.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo furay shirka Wasaaradaha Maaliyadda ee Dowlad goboleedyada iyo Wasaaradda Maaliyadda XFS

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa furay shirka maaliyadda dalka oo ay ku wada hadlayaan wasaaradaha Maaliyadda dowlad goboleedyada iyo wasaaradda Maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa yirri ” Waxaa maanta innoo furmay shirka guud ee Maaliyadda dalka oo u dhexeeya wasiirada maaliyadda dowlad-goboleed yada iyo Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federal ka ah ee Soomaaliya.”

Wasiir Cilmi ayaa sheegay in shirkani ay ugu hadlayaan iskaashiga dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada iyo horumarinta maaliyadda dalka

“Shirkaan ayaan uga wada hadlaynaa dar-dargalinta horumarinta maaliyadda dalka iyo iskaashiga joogtada ah ee Dowladda Federalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah”

Shirkaan oo maalmo soconaya ayaa ujeedkiisu waxaa uu yahay xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga labada heer ee Dowladda si loo joogteeyo guulaha dib u habeynta iyo horumarinta Maaliyadda dalka.