MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO QAABILAY SAFIIRKA DOWLADDA FINLAND U JOOGA DALKEENA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Finland u fadhiya dalkeenna Mudane Pirkka Tapiola.

Madaxweynaha dalka iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay kor u qaadidda taageerada Midowga Yurub oo ay qeyb ka tahay dowladda Finland, adkeynta cilaqaadka labada dal, horumarinta dhaqaalaha, iskaashiga, qorshaha dowladda Soomaaliya ee xoojinta amniga, xasilloonida dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoreynta deegaannada ay kaga sugan yihiin argagixisada Al-Shabaab oo ay ka soo maleegaan qorsheyaasha gurracan ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Danjiraha dowladda Finland Mudane Pirkka Tapiola ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gacan-siinayaan arrimaha hortebinta u leh, oo ay ugu horreeyaan la wareegidda amniga guud ee dalka,  xoojinta federaaleynta iyo daadejinta hannaanka dowliga ah.

 

    

Ra’iisul wasaare Xamse oo bogaadiyay wadashaqaynta Wasaaradda Cafimaadka XFS iyo Wasaaradaha caafimaadka dowlad gobolleedyada

Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaloya Mudane Xamse Cabdi Barre , oo warbixin ka dhagaystay Wasiiradda Wasaaradaha Caafimaadka ayaa ayaa boggaadiyay dadaalka iyo wadashaqaynta Wasaaradda Cafimaadka Federaalka iyo Wasaaraddaha kale ee dowlad gobolleedyada kuwaas oo saldhig u ah in si wadar oggol ah looga wadashaqeyo howlaha horumarinta caafimaadka.

Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxa uu shir la xiriira qaabkii loo wada shaqayn lahaa u dhaxeeyay Wasaaradda Caafimaadka Federaalka  iyo Wasaaraddaha Dowlad Gobolledyada ee caafimaadka kaas oo ahaa mid diiradda lagu saaray qaabka shaqo wadaag iyo  howlaha shaqo ee hortabinta u leh.

 

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya guddoomiyay kulankii ugu horreeyay guddi hoosaadka Golaha Wasiiradda ee dhaqaalaha

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salax Axmed Jaamac , ayaa shir gudoomiyey kulankii ugu horeeyey guddi hoosaadka Golaha Wasiiradda ee dhaqaalaha kaasi oo lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan dib u habaynta dhaqaalaha iyo dayn cafinta dalka.

Kulanka ayaa waxa lagu soo bandhigay qorshe-hawleedka tiirka dhaqaalaha iyo warbixinno ku saabsan dib-u-habaynta dhaqaalaha, guddi hoosaadkan waxa laga sugayaa inuu keeno istiraatijiyadda guud ee kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo maalgashiga dalka.

         

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA GOBOLKA BANAADIR IYO DUQA MUQDISHO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo tixraacaya soo-Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u Heshiisiinta XFS ayaa u magacaabay Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Caasimadda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku saleeyey magacaabistan aqoonta iyo waayo-aragnimada shaqo ee uu leeyahay Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo horey xilkan u soo qabtay, door wanaagsanna ka soo qaatay dib u dhiska caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan horumarka Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Guddoomiye Yuusuf Jimcaale in uu mudnaan siiyo qorshaha xasilinta iyo amniga caasimadda, dib u heshiisiinta, xoojinta wadashaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada Gobolka Baanaadir, bilicda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga, kuwaas oo dhammaantood hortabin u leh dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u rajeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, in Eebe uu u fududeeyo masuuliyaddan culus, isagoo ku adkeeyey dhammaan hay’adaha dowladda ee ay shaqo wadaagta yihiin in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir.

Xeerkan Madaxweyne ee lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhaqan galay, maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay Arbaco, 7-da Sebteembar, 2022.

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo qaabilay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshisiinta Soomaaliya ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao iyaga oo ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka labada dal, howlaha safaaradda Shiinaha iyo sida ay uga qeybqaataan guud ahaan dowlad dhiska Soomaaliya.

Safiirka Shiinaha Fei ayaa ugu horreyn muujiyay in Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ay muddo dheer saxiib la aheyd Soomaaliya isaga oo intaa ku daray sida ay Beijing uga go’an tahay inay dhisto iskaashi iyo wadashaqeyn xooggan oo ay la yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Safiirka ayaa ballanqaaday inuu ku dadaalayo adkeynta xiriirka labada dal, la shaqeynta wasaaradda arrimaha gudaha iyo xukuumadda, sare u qaadista taageerada la xiriirta abaaraha, la dagaalanka argigixisada iyo inuu ku shaqeeyo howlaha hortabinta leh dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhankiisa, Wasiirka arrimaha Guddaha, Federaalka iyo dib u heshiinta Soomaaliya ayaa ku dheeraaday xiriiirka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Shiinaha iyo sida ay Shiinuhu uga qeyb qaateen dhismaha Soomaaliya burburkii kahor isaga oo safiir Fei Shengchao ku ammaanay shaqada uu ka qabtay in ay Shiinaha ay Soomaaliya ka taageeraan arrimaha abaaraha iyo guud ahaan dowlad dhiska.

Wasii Fiqi oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Waxaan u adeegsan doonnaa dib-u-heshiisiin, nabad-dhisidda iyo ka-qaybgalka bulshada si aan uga adkaano argagixisada oo aan si joogto ah u cirib-tirno fikradaha xagjirnimada ah”.

Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee BJFS oo kulan la qaatay La-taliyaha Madaxweynaha JFS dhanka Arrimaha Bulshada

Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS wuxuu kulan kula yeeshay Xarrunta Guddiyada ee Villa Hargeysa La-taliyaha Madaxweynaha JFS dhanka Arrimaha Bulshada Marwo Xaliima Cali Culusow.

Kulanka waxaa Shir-guddoominaayey Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada Xildhibaan Nadra Saleh Abdi, waxaana goob-joog ahaa Xoghayaha Guddiga Xildh. Mukhtaar Saajid iyo Xildhibaan Faaduma Faarax Aadan (Nine), iyada oo Ajendaha kulanka uu ahaa Isbarasho, Isxogwareysi iyo sida loo yeelan lahaa wada-shaqeyn joogto ah si wax looga qabto Baahiyaha Bulshada.

 

  

Kacdoonka shacabku waa Ciribtirka Al-Shabaab

Waxaa gudaha dalka ka Soomaaliya,gar ahaan gobolada dhexe iyo kuwa koonfureed ka socda howlgallo ciidan oo la doonayo in kooxaha nana-diidka ah looga sifeeyo deegaanada fara ku tiriska ah ee kooxdaasi ay ku dhibaaateeyaan dadka shacabka .

Howlgaladaan oo bilowday todobaadyadii la soo dhaafay ayaa daba socda qorsho howleed ka yimid Madaxweyne Xasan Sheekh ,kaas oo la doonayo in guud ahaan dalka looga ciribtiro kooxaha argagixisada ee caadeystay in ay ku naaxaan lacagaha baadda ah ee ay ka qaadaan dadka shacabka ah,gaar ahaan beeraleyda iyo xoolo dhaqatada.

Howlgaladaan oo lagu saleeyay qorshaha dhamaadka Al-Shabaab ayaa xilligaan horseeday in Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay u istaagaan dagaal toos ah oo naf hurnimo ah oo lala galo Xagjirka arxanlaawayaasha ah ee Al-Shabaab.

Sidoo kale,howlgaladaan ayaa haatan u jiheystay Kacdoon shacab oo ka dhan ah kooxaha nabad-diidka, waxayna dhaliyeen in dhul ballaaran laga ceyriyo Alshabaab, isla markaana laga nabad-galo cagajugleyntii iyo lacagihii baadda ahaa ee ay qaadan jireen kooxahaasi.

Inta badan kacdoonada shacabka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa yimid ama daba socda,kadib markii dad aad u fara badan oo dhibaatooyin kala kulmay ficilada xun ee kooxaha argagixisada ay ku biireen howlgalladaan  ciidan ee ka socda Gaalgaduud,Hiiraan iyo iyo deegaanno ka tirsan K/Galbeed.

Saraakiisha ciidamada ee ku sugan Hiiraan iyo Gaalgaduud ayaa sheegay in ay ka g’an yahay sidii deegaanadaasi looga saari lahaa kooxaha Al-Shabaab,isla markaana  loo badbaadin lahaa  dadka shacabka ah .

Maalmihii u dameeyay ,waxaa degmooyin ka mid ah Gaalgaduud iyo Hiiraan lagu gubay dad rayid ah oo socoto ah,gawaari ay saarnaayeen nuucyada raashinka ,ceel biyoodyo ,baraago iyo shirkado isgaarsiineed,kadib kolkii kooxda Al-Shabaab looga adkaaday dagaallo badan oo ay horseed ka ahaayeen dad shacab ah oo diidan lacagaha baadda ah.

Si loo gaaro guulo ku aadan ciribtirka kooxda Al-Shabaab,waxaa lagama maarmaan ah in dowladda Soomaaliya ay gacan ka geysato fududeynta adeegyada aasaasiga ah iyo dhismaha maamulka deegaanada laga xoreeyay aragixisada Al-Shabaab,taasoo haddi aan la helin sababi karta in ay dib isu isu soo abaabulaan kooxahaasi,isla markaana  ay geystaan falal xasuuq ah oo lagula kacayo dadka.

Waxaa hubaal ah in haddii ay sii socdaan kacdoonada shacabka ee looga horjeedo Al-shabaab ay suurtaagala noqon karaan in gabi ahaan la soo afjaro dhaqdhaqaaqyada hubeysan ee maleeshiyaadka nabad diidka ah.

SONNA

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo daah furay Kulan wadatshi ah oo la xiriira xeerka Machadka Qaran Ee Dowladaha Hoose.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshisiinta Mudane Ilyaas Ali Hassan ayaa Maanta daah furay Kulan wadatshi ah oo la xiriira xeerka Machadka Qaran Ee Dowladaha Hoose.

kulanka waxaa goob joog ahaa Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir Wasaaradaha Heer Federaal oo ay shaqadeedu la xiriirto machadka dowladaha Hoose iyo Hay’addaha Qaramada Midoobay ee taageera Mashruuca ( JPLG)

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Mud. Saciid Abdullahi Calasow oo ka hadlay kulanka wadatashiga ah ayaa sheegay in xeerkan lagu dhaqayo machadka u baahanyahay in laga galo wadatashi iyo in wax badan lagu biiriyo isaga oo intaa raaciyey in wadatshiyada ay sii socon doonaan.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshisiinta Ilyaas Ali Hassan ayaa sheegay sida ay muhiim u tahay in si dadka la maamulaya ay u gaaraan adeegyo kala duwan, loona hanto kalsoonidooda ay lagama maarmaan u tahay in la helo dad leh tayada iyo aqoonta ay ku fulin lahayeeen howlaha loo igmaday iyo in sidoo kale la helo meel lagu diyaariyo dadkaas oo ah machadka dowladaha hoose ee wasaaradda Arrimaha gudaha oo ah machad waxtar u leh dowlad dhiska, awoodsiinta dadka iyo baahinta maamulka.

“Waxaana naga go’an in la dardar galiyo sidii lagu dhamaystir lahaa machadka dowladaha hoose iyo aqoonta dadka uu kuso kordhinaya” ayuu intaas ku daray wasiir Ilyaas.

Dhankiisa, Agaasimaha Wasaaradda arrimaha gudaha ee Galmudug Cumar Guure oo goobta ka hadlay ayaa xusay in xeerkii lagu maamuli lahaa machadka qaranka uu muhiim u yahay dhammaan dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Qaramada Midoobay oo Maanta ka shiraya xaaladda Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan ka yeeshaan xaaladaha ka jira Soomaaliya, gaar ahaan Amniga iyo Abaaraha oo ah labada shay ee maanta uu dalka Soomaaliya la daala dhacayo.

Kulan ayaa la filayaa in warbixin la xariirta xaalada Soomaaliya looga dhageeysan doonaa Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya, kuwaas oo sanad walba shirarka looga hadlo arrimaha Soomaaliya ka qeyb gala.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa Arrimaha la xiriira Ammaanka, Abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee xilligaan kajira dalka Soomaaliya, iyada oo madaxda ay siweyn uga doodi doonaan xaaladaha kajira Soomaaliya iyo sida looga gudbi karo.

Kulanka oo la filayo in uu qabsoomo Gelinka dambe ee maanta ayaa la rajeynayaa in ay kasoo baxaan go’aano wax ku ool ah, kuwaasoo waxtar u leh Dowladda iyo Shacabka soomaaliyeed ee ay ku habsadeen Abaaraha iyo Amni darrada saameeyey inta badan gobolada dalka.

 

Mareykanka oo walaac ka muujiyay Abaaraha ka jira Soomaaliya

khabiir dhanka arrimaha bini’aadanimada ee guddiga dib u eegista macluusha ayaa Toddobaadkan saadaaliyay in qaybo ka mid ah Soomaaliya ay u badantahay inay ka dhacdo macaluul, inta u dhaxaysa bilaha Oktoobar iyo Disembar, haddii aanan la gaarsiinin gargaar la taaban karo.

“Maraykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay saadaashan aan wanaagsaneyn iyo baaxadda baahida guud ee ka jirto Soomaaliya, Macluusha imaan karta waa natiijada ka dhalaneysa arrimo isbiirsaday, isbeddelka cimilada ayaa weli kasii socda Geeska Afrika, dhacdooyinka la saadaalinaayo waa ku u eg kuwii ka dhacay gobalka 70 sano ka hor ” ayuu yiri la taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan.

La taliyaha ayaa sidokale sheegay in Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah aysan weli kasoo kabsan saameyntii uu reebay COVID-19.

“Waxaa intaa dheer, duullaankii Ruushka ee Ukraine wuxuu kordhiyey qiimaha cuntada iyo shidaalka, taas oo uga sii dartay baahida bini’aadanimo, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurmad gaarsiinta dadka ay sameyeen abaaraha” ayuu markale yiri Jake Sullivan.

Mareykanka ayaa sheegay in uu horay ugu deeqay si wax looga qabto abaaraha ka jira Soomaaliya lacago gaaraya $706 milyan oo dollar.