Ra’iisul wasaare Xamse oo bogaadiyay wadashaqaynta Wasaaradda Cafimaadka XFS iyo Wasaaradaha caafimaadka dowlad gobolleedyada

Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaloya Mudane Xamse Cabdi Barre , oo warbixin ka dhagaystay Wasiiradda Wasaaradaha Caafimaadka ayaa ayaa boggaadiyay dadaalka iyo wadashaqaynta Wasaaradda Cafimaadka Federaalka iyo Wasaaraddaha kale ee dowlad gobolleedyada kuwaas oo saldhig u ah in si wadar oggol ah looga wadashaqeyo howlaha horumarinta caafimaadka.

Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay waxa uu shir la xiriira qaabkii loo wada shaqayn lahaa u dhaxeeyay Wasaaradda Caafimaadka Federaalka  iyo Wasaaraddaha Dowlad Gobolledyada ee caafimaadka kaas oo ahaa mid diiradda lagu saaray qaabka shaqo wadaag iyo  howlaha shaqo ee hortabinta u leh.