Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee BJFS oo kulan la qaatay La-taliyaha Madaxweynaha JFS dhanka Arrimaha Bulshada

Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS wuxuu kulan kula yeeshay Xarrunta Guddiyada ee Villa Hargeysa La-taliyaha Madaxweynaha JFS dhanka Arrimaha Bulshada Marwo Xaliima Cali Culusow.

Kulanka waxaa Shir-guddoominaayey Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada Xildhibaan Nadra Saleh Abdi, waxaana goob-joog ahaa Xoghayaha Guddiga Xildh. Mukhtaar Saajid iyo Xildhibaan Faaduma Faarax Aadan (Nine), iyada oo Ajendaha kulanka uu ahaa Isbarasho, Isxogwareysi iyo sida loo yeelan lahaa wada-shaqeyn joogto ah si wax looga qabto Baahiyaha Bulshada.