

Ciidamada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa Howlgalo waxaa ay ka sameyeen dhulka Buuraleeyda ah ee dhaca waqooyiga gobolka Hiiraan,halkas oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee ku jabay dagaalada.
Howlgalkaan oo intiisa badan ka dhacay dhulka buuralayda ah ee ku teedsan wadada Laamiga ah ee isku xirta gobolada dhexe,waxaa halkaasi kooxaha nabad diidka looga dilay tiro kamid ah horjoogayasha maleeshiyaadkaasi.
Howlgalkaasi ciidan ayaa lagu qabsaday Saldhigyo gabaad u ahaa Shabaab, waxaana halkaasi lagu soo furtay Xoolo isugu jira Ari Lo’ iyo Geel oo gaaraya Shan Bolol oo Neef ,kuwaas oo si baad ah looga soo uruuriyay dadka reer miyiga ah.
Sarakiisha Ciidamada hogaaminaayo ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalada lagu cirib tiraayo Haraadiga Argagaxisa ay sii wadi doonaan.
Degaano badan oo hoos taga gobolada Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud waxaa ka socda dagaalo ka dhan ah Shabaab kaasi oo suuro-gal ka dhigay in dad badan looga dilo kooxdaasi..
Wasiirka Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Xaaji Aadan ayaa maanta ka warbixiyay qorshaha dowladda ee ku aadan daadajinta iyo bixinta adeegga caafimaadka ee loogu talagalay qeynaha bulshada.
Wasiirka oo ka qeybgalaya Kulanka todobaadka Warbaahinta Qaranka ayaa ka dhawaajiyay in lixda bilood ee soo socota loo howlgali doono qalabeynta cisbitaallo iyo xarumo caafimaad oo ku yaalla caasimadda dalka iyo gobolada kale ee dalka.
Wasiirka Caafimaadka XFS Mudane Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in si xowli ah ay u socdaan dhaqqjita , bixinta iyo fidinta adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin bulshada,isagoo qiray in dhinacoda ay diyaar u yihiin barnaamijka quudinta xagga caafimaadka ee loogu talagalay dadka ku barakacay abaaraha.
Wasiirka ayaa xusay in ay wadaan dadaal ku aadan diiwaangalinta shaqaalaha ku howlan caafimaadka iyo sidii loo heli lahaa tababarro iyo aqoon guud oo ku filan xubnaha caafimaadka .
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyska boqortooyada dalka Ingiriiska,xukuumadda iyo shacab ka dalkaasi oo ay ka geeriyootay Boqorad Queen Elizabeth II.
Madaxweynaha oo ku hadlayaa magaciisa,kan shacabka iyo dowladda Soomaaliya ,ayaa xusay in muragada iyo tiiraanyada uu la qeybsanaayo shacabka Boqortooyada Midowday Ingiriiska, geeridii ku timid Boqorad Queen Elizabeth II.
Boqoradu waxa ay ahayd hoggaamiye soo shaqeeyay muddo todobaatan sano ah ,waxayna ku dhimatay da’da 96-sano jir.
Inta badan dalalka caalamka ayaa diraya dhambaallo tacsi ah oo ku socda shacabka,qoyska boqortooyada iyo xukuumadda dalka Ingiriiska.
Ceelbiyoodkiii deegaanka Cadakibir oo ay dhawaan qarxiyeen kooxda Alshabaab ayaa galabta dib loo hagaajiyey, waxaana lagu guulaystay in laga biya gaaro. Dad iyo duunyo muddo harraadanaa ayaana galabta biya ka cabay.
Guddoomiyaha deegaanka Cadakibir Daahir Daa’uud ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in maalmo ay ku mashquulsanaayeen sidii ceelbiyoodka oo ay ku tiirsaneed Cadakibir iyo deegaano dhawr ah dib loogu hagaajin lahaa.
Waxa uu u mahadceliyey Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo xafiiskiisu kaalin wayn ka qaatay sidii dib loogu hagaajin lahaa ceelbiyoodka.
Daahir Daa’uud ayaa intaa ku daray inay ka shaqaynayaan sidii dib loogu soo celin lahaa bulshadii magaalada uga guurtay biyo la’aanta maadaama hadda ceelbiyoodkii shaqaynayo magaaladana ay joogaan ciidan dawladeed iyo macawislayda deegaanka oo u diyaarsan inay shabaab ku weeraraan meelaha ay joogaan, taas oo Cadakibir ka dhigaysa magaalo ammaan ah.
Dadka Deegaanka ayaa talaabadan ku tilmaamay mid lagu farxo, maadaama lagu guulaystay in dib loo hagaajiyo ceelkii dadka iyo duunyada ay ka biyo cabi jiree.



Kigali- Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Axmed Madoobe Nuunow iyo wafdi uu hoggaaminaaye ayaa kaga qeyb-galay caasimadda dalka Rwanda ee Kigali shir weynaha AGRF-Summit (Africa Green Revolution Forum- Summit) oo ah madal sanadla ah oo ay Qaaradda Africa kaga arrinsato horumarinta wax soo saarka beeraha iyo sugnaanta cunnada.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb-galay xubno ka badan 3500 oo isugu jiro madaxweynayaal iyo wasiirro, maalgashato, deeq bixiyaal (WB, AfDB, IFAD) hay’adaha kashaqeeyo beeraha, aqoonyahanno, cilmi baarayaal iwm.
Kulanka ayaa lagu lafa gurayaa waxyaabaha hortabinta u leh waddan walba, caqabadaha ku gedaaman wax soo saarka beeraha iyo sidii la-isaga kaashan lahaa ka qaarad ahaan iyo mowduucyo kale.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa fursad u helay inay shir doceedyo la yeeshaan mas’uuliyiin iyo wakiillada deeq bixiyeyaasha iyo hay’adaha muhiimka ah ee kala shaqeyn kara wax ka qabashada beeraha.


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda oo looga hadlay xoojinta qorshayaasha sugidda amniga, dar-dar galinta Gurmadka Abaaraha iyo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya.
Shirka oo warbixinno looga dhagaystay wasiiradda Amniga, Arrimaha gudaha iyo Maaliyadda ayaa ugu horayn Wasiirka Arrimaha gudaha looga dhageystay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howlaha gurmadka lagu samata bixinayo shacabka Soomaaliyeed, iyo sida ay laga maarmaan u tahay in la sii xoojiyo gurmadka si loo badbaadiyo malaayiin ka mid bulshadeenna oo ay saameysay abaartu.
Wasiirka Amniga gudaha ayaa shirka ku soo bandhigay warbixin la xiriirta howl-galladii ugu danbeyay ee ciidamada qalabka sida ee ka sameyeen dhinacyada sugidda amniga ,iyo xasillinta deegaanada laga xorreeyo nabad-diidka.
Wasiirka Maaliyadda ayaa warbixin muhiim ah ka siiyay halka uu marayo barnaamijka geedi socodka deyn cafinta Soomaaliya iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si looga mira dhaliyo hadafka weyn oo suurta galinaya isku filnaansho dhaqaale , sare u qaadista shaqo abuurka, soo jiidashada maalgashi caalami ah iyo dhiirri-gelinta wax soo saarka Dalka iyo horumarka bulshada.

Qaahira- Wasiirka arimaha dibedda Soomaaliya mudane , Abshir Cumar Huruuse ayaa booqasho ku tagey xarunta safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Qahira ee caasimadda dalka Masar.
Wasiirka ayaa waxaa halkaasi kusoo dhoweeyay Safiirka, Qunsulka, la taliyeyaasha, xoghayeyaasha iyo hawl wadeenada kale ee safaaradda, iyagoo warbixin ka siiyey hawlaha ay safaaraddu u hayso muwaadiniinta soomaaliyeed.
Intii uu Wasiirku ku guda jiray booqashada waxa uu la kulmay qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee halkaasi wax ka barata oo safaaradda loogu adeegayey xilligaa iyo kuwo si ku meel gaar ah uga shaqaynayey.
Abshir Cumar, Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa madaxda iyo shaqaalaha safaaradda ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay dalka iyo dadka soomaaliyeed u hayaan.
Booqashada uu Wasiirku ku tagay safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa ku wehlinayey xoghayaha joogtada ah iyo agaasimaha waaxda carabta iyo hawl wadeenno kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliyeed.

