Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee BFS oo u hambalyeysay dhigeedka Baarlamaanka Kenya

Waxaan Hambalyo u dirayaa dhigayga guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Kenya, Marwo Gladys Boss Shollei oo ku guulaysatay Xilkaasi Maalintii shalay ahayd.

Ms Gladys Boss Shollei waxaa urajaynayaa guul Madaama ay noqotay guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka dalka Aan dariska nahay ee Kenya.

Madaxweynaha Galmudug oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Madaxweynaha maamulka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo ay wehlinayaan madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiika Arrimaha Gudaha dowladda Galmudug, ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Galmudug iyo Wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin mashaariicda hormarineed, aminiga iyo abaaraha.

Golaha deegaanka degmada Xudur oo doortay guddoon cusub

Golaha deegaanka cusub ee magaalada Xudur ayaa maanta doortay guddoon cusub ka dib kulan ay ku yeesheen magaalada Xudur ee xarunta Gobalka Bakool.

Gudoomiyaha cusub ee Degmada Xudur ayaa loo doortay Cumar Cabdulaahi Maxamuud, kaas oo golaha hoggaamin doona afarta sano ee soo socota.

Golaha Deeganka ee Degmada Xudur oo ka kooban 27 ayaa 17 xubnood waxay u codeeyeen Gudoomiye Cumar, halka Gudoomiyihii hore Mohamed Macalin uu helay 10 cod.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo maanta daahfuray ansixinta Manhajka Ilaalinta Bulshada

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray ansixinta Manhajka Ilaalinta Bulshada, oo muhiimad u leh Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bulshada.

Xafladda ansixinta Manhajka Ilaalinta Bulshada , ayaa waxaa ka qeybgalay Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dawlad-gobolleedyada Dalka, wakiillo ka socday Jaamacadaha dalka, gobolka Banaadir,ururka la-talinta ee waayeel iyo hay’adda UNICEF.

Wasiir Biixi Iimaan Cige , oo daahfuray munaasabadda ayaa sheegay in manhajka uu awood siinayo fulinta iyo fahanka Siyaasadda ilaalinta bulshada , iyadoo ujeeddaduna tahay in la helo muwaadiniin khibrad u leh Ilaalinta Bulshada (Social Protection).

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay sannadkii 2019-kii Siyaasadda Ilaalinta Bulshada , taa oo lagu gaaray fulinta barnaamijka Qaran ee taageerrada Qoysaska Nugul (Baxnaano) , wuxuu barnaamijkan si degdeg ah uga jawaabay xaaladaha deg degga ah ee ka dhashay Ayaxa iyo Abaarta.

Argagixisada Al-shabaab oo lacago baad ah ku soo rogay shacabka ku dhaqan degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa bilaabay in dadkii ku ku dhaqan degmada Tiyeeglow ee gobolka Bakool ay kusoo rogaan lacago baad ah oo aysan awoodin, xilli bulshada halkaas ku dhaqan la daalaa-dhaceyso abaar aad u daran oo dadka iyo duunyadaba saameysay.

Guddoomiyaha degmada Tiyeeglow Maxamed Cabdalla Xasan Food-cade oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in badi shacabka ay ka barakaceen degmada ka dib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatada ay argagixisada ku hayaan iyo saameynta abaarta.

“ Deegaanka waxaa ka jira abaar baaxad leh, waxayna argagixisada bilaabeen in shacabka dhibkaas ku sugan ku soo rogaan lacago baad ah oo aysan awoodin, qiimaha raashiinka iyo biyahana kor ayuu u kacay,” ayuu yiri guddoomiye Food-cade.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shacabka degmada Tiyeeglow ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah iyo in si wadajir ah looga hortago culeyska argagixisada Al-shabaab dadka deegaanka ku hayaan.

Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka,xildhibaano labada gole, masuuliyiin ka socotay xafiisyada madaxweynaha iyo Kan Ra’iisal Wasaaraha ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ka qeyb galaya shirka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada oo maalmaha soo socda ka furmaya magaalada Muqdisho.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo gaaray Pakistan

Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa booqasho ku tegey dalka Pakistan, si uu garab istaag ugu muujiyo dadka Preer akistan ee la baaxaa degaya dhibaatada ka soo gaaray daadadkii ku fatahay, kuwaas oo khasaare ba’an u geystay.

Antonio Guterres ayaa muddo laba maalmood ah ku sugnaan doona dalka Pakistan si uu u indha-indheeyo xaaladda bini’aadanimo ee halkaas ka jirta.

Xoghayaha ayaa sheegay in dalka Pakistan uu ka mid yahay meelaha sida daran ay u saameeyeen cawaaqibka ka dhashay isbedelka cimilada.

Dalkan oo ay ku nool yihiin in ka badan 220 million oo qof, ayaa sideda la sheegay waxuu hawada ku sii daayaa qiiqa gaaraya 1%,  marka la barbardhigo qiiqa guud ahaan dalalka caalamku hawada ku sii daayaan, taasi ayaana loo sababeeynayaa dhibatooyin farabadan oo dalkaasi ka taagan.

Culimada Soomaaliyeed  ayaa shacabka iyo ganacsatadaba  ugu baaqay in aan gabbaad la siin lana taageerin Kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish xilli ay toos uga hadlayeen Telefishinka Qaranka.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo gaaray Pakistan

Berlin, Germany - November 04: Antonio Guterres, High Commissioner for Refugees of UNHCR, attends a press conference in german foreign office on November 04, 2015 in Berlin, Germany. (Photo by Michael Gottschalk/Photothek via Getty Images)

– Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa booqasho ku tegey dalka Pakistan, si uu garab istaag ugu muujiyo dadka Preer akistan ee la baaxaa degaya dhibaatada ka soo gaaray daadadkii ku fatahay, kuwaas oo khasaare ba’an u geystay.

Antonio Guterres ayaa muddo laba maalmood ah ku sugnaan doona dalka Pakistan si uu u indha-indheeyo xaaladda bini’aadanimo ee halkaas ka jirta.

Xoghayaha ayaa sheegay in dalka Pakistan uu ka mid yahay meelaha sida daran ay u saameeyeen cawaaqibka ka dhashay isbedelka cimilada.

Dalkan oo ay ku nool yihiin in ka badan 220 million oo qof, ayaa sideda la sheegay waxuu hawada ku sii daayaa qiiqa gaaraya 1%,  marka la barbardhigo qiiqa guud ahaan dalalka caalamku hawada ku sii daayaan, taasi ayaana loo sababeeynayaa dhibatooyin farabadan oo dalkaasi ka taagan.

Culimada Soomaaliyeed  ayaa shacabka iyo ganacsatadaba  ugu baaqay in aan gabbaad la siin lana taageerin Kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish xilli ay toos uga hadlayeen Telefishinka Qaranka.

Sheikh Soomow” Al-shabaab iyo Daacish waxa ay been ka sheegeen diinteena, waa beenoolayaal cad”.

Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ee Al-shabaab iyo daacish ay been ka sheegaan diinteen islaamka loona baahan yahay in hal meel looga soo wada jeesto dagaalka lagulka jiro.

Sheekh Cabduqaadir Soomow oo ka mid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa falal wuxuushnimo ah oo ka baxsan diinta iyo dhaqanka suuban ee islaaamka ku tilmaamay tallaabooyinkii guracnaa ee maleeshiyada arxanka daran ee Al-shabaab dhawaan ka gesteen gobolka Hiiraan iyo deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud, halkaas oo shacab u badan carruur, haween iyo dad da’ ah ku gumaadeen, ceelashadii ay biyaha ka cabi jireenna ka bur buriyay.

“ Dadka Soomaaliyeed ee ay gumaadeen nabad-diidka waa u tacsiyeyneynaa, kuwii lagu baa’biyay Hiiraan, Hotel Xayaat iyo ka hor dadkii la baabi’iyay, Al shabaab iyo Daacish argagaxisada oo dhan waxaa ay been ka sheegeen diinteena, waa beenoolayaal cad,” ayuu yiri Sheekh Cabduqaadir Soomow.

Sidoo kale, Sheikh Soomow ayaa ka hadlay arrinaha amniga iyo doorka ay Culimada ku leeyihiin ka hortaga fakirka argagixisada,culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa markasta u taagan kaalinta kaga aadan gurmadka Shacabka iyo la dagaalanka fikirka diineed ee Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya shacab is abaabulay ayaa maleeshiyada Al-shabaab ka saaray deegaano badan, khasaaro xooggan ku gaarsiiyay howlgaladaas.

Ciidamada xoogga dalka oo howlgalka ka dhan ah argagixisada Al-shabaab ka sameeyay gobolka Baay

Ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ee ku sugan gobolka Baay ayaa howlgallo ka dhan ah argagixsada Al-shabaab ka sameeyay degaano hoostaga magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah maamulka Koonfur Galbeed.

Howlgalkan oo uu hoggaaminayay Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed G/Sare Ibraahim Tifow iyo Taliyaha Guutada 8aad Qeybta 60-aad ayay si gaar ah ciidanka kaga fuliyeen deegaanada kala ah Saydheelow iyo Goof-gaduud Buureey oo dhammaan hoostaga magaalada Baydhabo.

Ujeedka howlgalkan ayaa ahaa sidii loo ciribtiri lahaa maleeshiyada Al-shabaab ee mararka qaar sida dhuumaaleysiga ku yimaada deeganadaas.

Ciidamada xoogga dalka ayaa kordhiyay howlgalada lagu naafeynayo argagixisada loogana hortagayo dhibaatada ay shacabka Soomaaliyeed ku hayaan.