Ra’iisal wasaare Xamsa Cabdi Barre oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hey’adda

– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hey’adda IOM, oo ay hoggaamineysay Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee IOM, Amy Pope.

Xubnaha wafdiga oo ay ka mid ahaayeen agaasimaha IOM ee gobolka iyo Madaxa hey’adda ee Soomaaliya ayaa waxa ay warbixin ka siiyeen Ra’iisul Wasaaraha, hawlaha kala duwan ee ay ka wadaan dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dadaalka iyo hawsha ay hey’adda IOM ka waddo Soomaaliya, isaga oo ballanqaaday in hey’adaaha dowladdu ay wada shaqeyn dhow la sameyn doonaan gaar ahaan xilligan lagu jiro gurmadka abaaraha.

  

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo golaha dhaqaalaha qaranka oo ka wada hadlay horumarinta dhaqaalaha dalka

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Elmi Maxamuud Nuur iyo Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Marwo Raaxo Janaqow ayaa maanta shir muhiim ah la qaatay golaha Dhaqaalaha Qaranka.

kulanka waxaa looga hadlay arrimo badan oo ku saabsan isbadalka dhaqaalaha iyo dadaalka Wasaaradda Maaliyadda.

“Inta aan ku guda-jirno geeddi-socodka dib-u-habaynta Maaliyadda, waxaa muhiim ah in aan ka faa’iidaysano aqoonta iyo qibradda dadkeenna aqoonta iyo fahanka u leh Horumarinta dhaqaalaha dalka”, sidaasi waxaa golaha u sheegay Wasiirka Maaliyadda Dr. Elmi Maxamuud Nuur.

       

Wasiirka arrimaha dibadda XFS oo la kulmay Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruse), ayaa kullan la qaatay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,H.E. Mudane alberto Vecchi.

Wasiirka iyo safiirka ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka iyo xoojinta iskaashiga ee labada wadan, si loo gaaro danaha iyo hadafyada guud.

 

Pakistan oo ku dhawaaqday khasaaraha ay geysteen Fadahaado ka dhacay dalkaas

Dowladda Pakistan ayaa ku dhawaaqday in fatahaadii dalka ka dhacay dhowaan sababeen khasaare ka badan 30 bilyan oo doolar, isla markaana waddanku uu u baahan yahay kaalmo caalami ah si dib loogu dhiso kaabayaashiisa.

Major-General Zafar Iqbal oo ah isku duwaha Xarunta Wax ka qabashada Fatahaadaha Qaranka (NFRCC) ayaa warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo booqasho ku jooga dalka, isagoo sheegay in dalka uu helay roobab ka badan 518% inta lagu jiro xilliga dabeylaha.

“Saddex meelood meel Pakistan ayaa hoos u dhacay, khasaaruhuna aad ayuu uga badnaan doonaa oo aad uga badnaan doonaa masiibadii hore,” ayuu sarkaalku ku wargeliyay labada mas’uul intii ay booqdeen xarunta NFRCC.

“Ma ahan mid dib u dhac ku ah kuwa wax badan ka geystay dagaalka dabiiciga ah. Pakistan wax yar ayay ka geysatay isbeddelka cimilada, haddana waa mid ka mid ah meelaha ugu daran ee ay sida daran u saameeyeen cawaaqibka isbeddelka cimilada,” ayuu yiri madaxa Qaramada Midoobay.

Madaxa Qaramada Midoobay ayaa gaaray Islamabad isaga iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho labo maalmood ah ku jooga si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan dalka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Waxa uu Shariifka u xaqiijiyey in QM ay taageeri doonto Pakistan, isla markaana uu beesha caalamka ku wacyigelin doono sidii dalka loo caawin lahaa xilliga uu baahan yahay.

Shirka wadatashiga Qaran oo diirada lagu saarayo Arrimaha abaaraha iyo ciribtirka argagixisada

Shirka madasha wadatashiga Qaran ee u dhaxeeya dowladda federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa maalmaha soo socda ka furmaya magaalada Muqdisho, sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Amb: Axmed Macalin Fiqi.

Shirkan oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka ayaa inta uu socdo waxaa si gaar ah diiradda loogu saarayaa arrimaha Abaaraha iyo ciribtirka Argagixisada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shalay gelinkii dambe Muqdisho soo gaaray si uu kaga qeyb galo shirka wadatashiga Qaranka ayaa rajeeyay shirkan in ay ka soo baxaan qodobo dhaxal gal ah oo looga baxo xaaladaha adag ee dalka uu wajahayo.

“ Waxaan rajeynayaa in shirkan nabad noogu furmo, nabadna noogu dhammaado, dadka iyo dadka Soomaaliyeed daruufaha iyo marxaladaha adag ay ku jiraan oo ay ugu horeeyaan abaaraha iyo culeyska argagixisada looga hadlo,” ayuu yiri madaxweyne Lafta-gareen.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab ee ka bilowday dalka.

Madaxweynayaasha maamulada Jubaland,Hirshabelle,Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa shalay Muqdisho soo gaaray si ay kaga qeyb galaan shirka madasha wadatashiga Qaranka.

Cabdiraxmaan Sahal” Argagixisada waa ay ku jabeen kacdoonka shacabka, umana babac dhigi karaan awoodda ciidanka,”.

Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ayaa xoojiyay howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab oo maalmihii dambe si xoogleh uga socday deegaanno ka tirsan gobolada dalka sida Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaasi oo laga gaaray guulo muhiim ah.

Siyaasi Cabdiraxmaan Sahal oo ah khabiir amni, lana hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in argagixisadu ay ku jabeen kacdoon shacabka una bareeri karin awooda shacabka iyo ciidanka geesiyaasha dalka.

Cabdiraxmaan Sahal ayaa si gaar ah u xusay doorka ciidamada xoogga dalka ay ku leeyihiin ciribtirka guud ahaan dalka dhagarqabayaasha Al-Shabaab, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay muuqato fursad dalka guud ahaan looga xoreyn karo nabad-diidka.

“Argagixisadda waa ay ku jabayaan Kacdoonka Shacabka, mana u bareeri karaan awoodda Shacabka iyo Ciidaanka Xoogga Dalka oo wada jira.” ayuu yiri Khabiir amni, Cabdiraxmaan Sahal.

Ciidanka xoogga dalka iyo shacabka is abaabulay ayuu ku booriyay in ay sii labo jibaaraan howlgallada guud ahaan gobolka looga ciribtirayo maleeshiyada Al-Shabaab.

Bulshada qeybaheeda kala duwan oo isugu jira Odoyaal dhaqan,dhalinyaro (rag iyo dumar) iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa ku heshiiyay in la iska dulqaado dhagarta kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Haweenka ku nool Balad weyne oo garab istaag u muujiyay Ciidanka Xoogga Dalka

Haweenka ku nool magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa garab istaag u muujiyay ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jiro kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab.

Haweenka magaalada Baledweyne ayaa iska aruuriyay deeq raashin ah oo ka kooban, Sonkor,Saliid,Bariis,Timir, Buskut iyo Caano, waxaana ay ugu talageen in ay ku dhiirigaliyaan ciidanka Dib u xoreynta gobolka Hiiraan oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa kooxaha argagixisada ka xoreeyay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

 

Odayaasha dhaqanka Cadaado iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo ka wada hadlay sidii Argagixisada loo soo afjari lahaa

Odoyaasha dhaqanka reer Cadaado iyo sarakiisha degaanka kasoo jeeda oo ku heshiiyay in la iska dulqaado dhagarta kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Kulan ay Magaalada Cadaado ku yeesheen Odoyaasha dhaqanka reer Cadaado iyo Saraakiisha kasoo jeeda Cadaado qeybna ay ka ahayeen Suldaanka iyo Ugaaska ayaa la isku afgartay in degaanada ey kaga suganyihiin argagixisada Al shabaab laga saaro.

Hishiiskaan ayaa yimid kadib markii Argagixisada Arxanka daran ay qarxiyeen ceel-biyoodyadii dhowr degaan iyo qeyb ka mid ah isgaarsiinta eyna gubeen degaano kale dad shacab ahna afduubteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagaystay warbixin ku aadan dhismaha Hay’adda xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Bare ayaa warbxin ku aaddan hawlaha la xiriira dhismaha hay’adda iyo doorkeeda shaqo ka dhagaystay Hantidhawraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali iyo xubno ka tirsan Hay’adda Xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed (SICPA).

Madaxweyne Xasan ayaa kulanka lagula wadaagay muhiimadda ay dalka u leedahay dhismaha hay’addan oo door wanaagsan ka qaadan doonta soosaarista xisaabiyeyaal la aqoonsanyahay oo xirfad sare leh kuwaas oo qayb ka noqon doona dadaallada sare loogu qaadayo hannaanka maaraynta nidaamka maaliyadeed, shaqo abuurka, hufnaanta hay’adaha maaliyadeed, dhiirigalinta maalgashiga shisheeye iyo kobcinta dhaqaalaha dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa dhankiisa tilmaamay in la dardargaliyo dhammaystirka dhismahaha hay’adda isaga oo xusay baahida loo qabo xisaabiyeyaal xirfad leh maadaama dalku uu ku jiro xaalad dib u soo kabasho iyo horumar dhinacyo badan taabanaya.

  

Wasiirka Kaluumaysiga oo la kulmay qaar ka mid ah ganacsatada dhoofisa Kaluunka.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aden ayaa kulan muhiim ah la yeeshay qaar kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dhoofisa kalluunka waxaana ay ka wadahadleen horumarrada ay sameeyeen ganacsatadu, caqabdaha jira gaar ahaan canshuuraha, iyo fursadaha taagan ee u baahan in looga faa’iideeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa u ballan qaaday ganacsatada in wasaaraddu kaalin wax ku ool ah ka qaadan doonto horumarinta shaqada ay u hayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee dhoofisa kalluunka, sidoo kale ay dadaal xoogan ku bixineyso sidii loo xalin lahaa caqbaha jira gaar ahaan canshuuraha iyo lacagaha lagu kordhiyey shatiyada shirkadaha kalluumeysi ee maxaliga ah.