Odayaasha dhaqanka Cadaado iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga oo ka wada hadlay sidii Argagixisada loo soo afjari lahaa

Odoyaasha dhaqanka reer Cadaado iyo sarakiisha degaanka kasoo jeeda oo ku heshiiyay in la iska dulqaado dhagarta kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Kulan ay Magaalada Cadaado ku yeesheen Odoyaasha dhaqanka reer Cadaado iyo Saraakiisha kasoo jeeda Cadaado qeybna ay ka ahayeen Suldaanka iyo Ugaaska ayaa la isku afgartay in degaanada ey kaga suganyihiin argagixisada Al shabaab laga saaro.

Hishiiskaan ayaa yimid kadib markii Argagixisada Arxanka daran ay qarxiyeen ceel-biyoodyadii dhowr degaan iyo qeyb ka mid ah isgaarsiinta eyna gubeen degaano kale dad shacab ahna afduubteen.