GUDDOOMIYAHA CUSUB EE G/BANAADIR IYO GUDDOOMIYE CUMAR FILISH OO SI WADAJIR AH U KORMEERAY XARUMAHA DOWLADDA HOOSE

Guddoomiyaha xafiiska jooga ee maamulka gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo uu wehliyo Guddoomiyaha magacaaban ee maamulka gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yusuf Xusen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta si wadajir ah u kormeeray xarumaha Dowlada Hoose ee Xamar.

Goobaha ay masuuliyiintan kormeereen ayaa waxaa kamid ah.

1-Xarunta Aqalka Dowlada Hoose Xamar.
2-Xarunta Gaadiidka bisha cas iyo Xarunta sheybaarka dhismaha ee Dowlada hoose.
3- xarunta Caafimaadka Dowlada Hoose.
4-Xarunta Agaasinka Waxbarashada.
5-Xarunta Dabdamiska.
6-Xarunta Dad-dhigista iyo Xarunta taliska ciidanka ilaalinta deegaanka ee Dowlada Hoose.
7-Xarunta Barxada Biyaasa Liibara.

Soomaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha Duulista Hawada Afrika

Kigali- Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada XFS iyo Wafdi ay hoggaaminayso ayaa ka qayb galay shir-weynaha Afrika ee Duulista iyo Hawada oo labo maalin ka soconaya magaalada Kigali ee Dalka Ruwanda ,halkaas oo uu shirka daahfuray Madaxweynaha Dalka Rwanda, Paul Kagame.

Dowladda Soomaaliya oo ku jirta horumarinta adeegyada Duulista iyo Gaadiidka ayuu shirkani u leeyahay muhiimad gaar ah.

Shirkan ayaa waxa ka qayb galay 1100, ka qeybgale oo ka kala socday 84 waddan, iyadoo Ergooyinku isugu jiraan wasiirro,wakiillo, madaxda shirkadaha diyaaradaha iyo khubaro kale.

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hogaaminayso Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Guddaha ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ay hogaaminayso Ms. Wafaa Siciid , Wakiilka Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya.

Mudane Ahmed Moallim Fiqi Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS iyo wafdiga ay hogaaminayso MS. Wafaa Siciid ayaa waxaa ay kulankooda diirada ku saareen arrimaha Diiwaangelinta Madaniga , Wacyigalinta bulshada, Waxbarashada Madaniga iyo Arrimaha Bani’aadamnimada sida wax ka qabashada abaaraha Dalka ka jira.

Wasiirka Wasaaradda ayaa bogaadiyay Kaalinta ay Hay’ada Unicef ka qaadatay Arrimaha Waxbarashada Madaniga ,Diiwaangelinta Madaniga , isagoona balan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan Hay’adda Unicef ee Soomaaliya.

Boqol ka tirsan argagixisada Al shabaab oo lagu dilay dagaaladii todobaadkaan ka dhacay deegaannada Hirshabeelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed

Ciidamada Qaranka iyo Dadka Deegaanka, oo is kaashanaya ayaa kooxda argagixisada ah ee alshabaab ka xoreeyay in ka badan 20 deegaan oo ku kala yaalla, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur-Galbeed , laguna dilay in ka badan 100 maleeshiyo iyo horjoogayaal ka tirsan argagixisada.

Hawlgalo bilow u ah fulinta aragtida Dawladda Soomaaliya ee ku aadan in Argagixisada Alshabaab laga xoreeyo Dalka, ayaa ka socday meelo badan oo ka mid dalkeena Soomaaliya.

Kacdoonka dadweyne ee kaashanaya dowladda ee deegaanadaas looga xoreeyay al-Shabab, ayaa ka dhashay markii ay dadweynuhu u dulqaadan waayeen tacadiyada joogtada ah ee dilka iyo xadgudubyada kale ee ay ku hayeen kooxaha argagixisadu bulshada rayidka ah ee deegaanadaas, iyagoo deegaanadaas ka soo abaabulayay weerarada qaraxyada iyo kuwa naf-haligga ah.

Goobaha laga xoreeyay, waxay ahaayeen kuwo argagixisadu tacadiyo joogto ah ugu gaysanaysay bulshada isla markaana kasoo abaabulaysay weeraro halis badan. goobahaas waxaa ka mid ah:-

Hirshabelle-Hiiraan: Beer-gadiid, Bacda, Teedaan, Goobo, Baardheere, Tiroshanle iyo Coomaad.

GALMUDUG-Galguduud: Cadakibir, Maarsagame, Dhuumoodle iyo Cali-Waliid.

Koonfur Galbeed-Gobolka Baay: Madabuun, Ceel-la-helay, Makiini, Hibaaq-daranle, Iskire, Qanyareey, Boorami, Baaqay iyo Kaayoow.

Intii ay socdeen hawlgalada, waxay argagixisadu falal aargoosi ah kula kacday Maati iyo dad Rayid ah, oo ay isugu dareen afduub, dil iyo birburinta hantida dadweynaha ee noloshooda daruuriga u aheyd.

Dawladda Soomaaliya, waxaa ka go’an in ay ka dulqaaddo Shacabka Soomaaliyeed tacadiyadda arxan-laawayaasha alShabab ay ku hayeen 15-kii Sano ee la soo dhaafay, Isla markaana la ciqaabo dambiilayaasha.

Dawladdu, waxay bogaadinaysaa mujaahidiinta Ciidamada Qaranka iyo Dadka xaq-u-dirirka ah ee hubka u qaatay in ay diidaan dullaysiga Khawaariijta ka been-sheegaya diinta Islaamka, kana macaashaya dhiigga dadka Soomaaliyeed..

Hawlagaladdu, waa sii soconayaan, si joogto ah ayaanan dadka Soomaaliyeed ugu soo gudbin doonnaa hadba halka ay xaaladdu marayso.

 

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda XFS oo kulan la qaatay danjiraha dowladda Maraykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda H.E Ahmed Hassan Aden ayaa la kulmay danjiraha dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Larry E. Andrew, iyaga oo ka wadahalay sida ay kaalin wax ku ool ah uga qaadan karaan horumarinta kalluumeysiga gudaha loogana faa’ideysan karo kheyraadka baddeenna.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sida ay hay’adda gargaarka ee Maraykanka ee USAIDSOMALIA dowr ugu yeelan karto in la horumariyo kalluumeysiga gudaha si kor loogu qaado wax soosaarka dalka loona gaaro kobac dhaqaale oo waara.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda dalka H.E Ahmed Hassan Aden ayaa uga mahadceliyey safaaaradda iyo hay’adda  sida u daneynayaa horumarinta iyo maalgalinta kalluumeysiga gudaha isa oo u sheegay in ka wasaarad ahaan ay muhiimad weyn u leedahay iskaashiga dowladaha iyo ha’adaha daneeya Soomaaliya gaar ahaan kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda taasina ay horseedeyso in horumar weyn oo la taaban karo laga sameeyo kalluumeysiga gudaha.

 

  

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo daah-furay Tababar ku saabsan Xiriirka iyo Warbaahinta

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-uheshiisiinta XFS mud. Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta daahfuray Tababar ku saabsan Xiriirka iyo Warbaahinta, kaasi oo ay ka soo qaybgaleen qaar ka mid ah shaqaalaha Xafiisyada kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda oo ka hadlay munaasabadda daahfurka tababarka ayaa sheegay in howlwadeenada kala duwan ee ka qayb galaya ay dhuuxaan waxyaabaha ay ku baran doonaan casharada kala duwan ay bixin doonan khabiirada Saxaafadda isaga ballanqaaday inuu sii wadi doono tababarka waaxyada kale.

Dhanka kale agaasimaha xiriirka iyo warbaahinta ee wasaaradda ayaa sheegay in muhiim tahay in garaadka iyo aqoonta shaqaalaha waaxyaha la dhiso kulana dardaarmay in ay ka faaiidaystaan khabiirada Saxaafadeed ee Tababarkaan bixinaya.

  

Taliyaha Guutada 5 -aad qeybta 27 aad CXD oo gaaray degaanada cadawaga laga xoreeyay ee Gobolka Hiiraan

aliyaha Guutada5 aad qeybta 27 aad ee ciidmada xoogga dalka Soomaaliya G/Sare Maxamuud xasan ibraahim baakaay,Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan,Xildhibaan C/qaadir Abuukar dhagaweyne iyo Masuuliyiin kale ayaa gaaray Degaanka Goobo oo ka mid ah Degaanada hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Masuuliyiintaan iyo Saraakiisha Ciidanka ayaa Amaanay Shacabka ku dhaqan degaanka ee la dagaalamayo Maleyshiyada Baxsadka ah ee Al-shabaab.

Gobolka Hiiraan iyo degaanno badan oo katirsan gobolada dalka waxa ka soconay dagaallo argagixisada looga saarayo dalka waxan Maleeshiyada Al-Shabaab laga xoreeyay degaano dhowr ah oo dadka shacabka ajh ku dhibateeyn jiree kuwaa oo katirsan Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur-Galbeed ,halkaa oo lagu dilay in ka badan boqol maleeshiyo iyo horjoogayaal ka tirsan argagixisada

    

Ciidamada xoogga dalka oo argagixisada kala wareegay degaanno katirsan Gobolka Hiiraan

Ciidanka xoogga dalka Soomaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa xalay kooxaha argagixisada ah kala lawareegay deegaano dhowr ah oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan.

Deegaanada Khawaarijta xalay laga saaray waxaa ka mid ah Xarar-lugoole iyo Fidow oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan, waxaana jira khasaare xooggan oo ciidanka xoogga iyo dadka deegaanka ay gaarsiiyeen argagixisada .

Deegaanadaan ayaa kooxaha argagixisada ah waxaa ay ku dhibaateyn jireen dadka shacabka ah ee la daala dhacaya abaarta baahsan ee ka jirta dalka, waxaana guushaan ay timid markii bulshada deegaanka ay kaceen isla markaana ay ku dhiiradeen in ay ka hortagaan kooxaha argagixisada ah.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caddaaladda oo kormeeray Xabsiga dhexe

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane, Xasan Macalin Maxamuud oo ay wehliyaan Wasiir kuxigeenka Mudane, Axmed Cabdiraxmaan Xasan, Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Mudane, Saleebaan Maxamed Maxamuud iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xabsiga dhexe ee Xamar oo ay ku xiranyihiin maxaabiis xukunno kala duwan ku xukuman.

Wasiirka ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee xabsiga asagoo warbixin ka dhageystay ku simaha Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo Taliyaha Xabsiga dhexe oo ku aaddan xaaladda maxaabiista ay ku suganyihiin sida jiifka, cunnada, waxbarashada, caafimaadka iyo shaqooyinka Farsamo ay qabtaan maxaabiista.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa Madaxda Qaranka ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad-Goboleedyada dalka, waxa ay ku lafo-guri doonaan arrimaha hortebinta u leh shacabka iyo dowladda, gaar ahaan sugidda amniga dalka, wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira iyo la dagaallanka argagixisada.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa ka qeyb galayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Hiirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo uga qeyb-galay aaladda Fogaan aragga.

DHAMMAAD