Taliyaha Guutada 5 -aad qeybta 27 aad CXD oo gaaray degaanada cadawaga laga xoreeyay ee Gobolka Hiiraan

aliyaha Guutada5 aad qeybta 27 aad ee ciidmada xoogga dalka Soomaaliya G/Sare Maxamuud xasan ibraahim baakaay,Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan,Xildhibaan C/qaadir Abuukar dhagaweyne iyo Masuuliyiin kale ayaa gaaray Degaanka Goobo oo ka mid ah Degaanada hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Masuuliyiintaan iyo Saraakiisha Ciidanka ayaa Amaanay Shacabka ku dhaqan degaanka ee la dagaalamayo Maleyshiyada Baxsadka ah ee Al-shabaab.

Gobolka Hiiraan iyo degaanno badan oo katirsan gobolada dalka waxa ka soconay dagaallo argagixisada looga saarayo dalka waxan Maleeshiyada Al-Shabaab laga xoreeyay degaano dhowr ah oo dadka shacabka ajh ku dhibateeyn jiree kuwaa oo katirsan Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur-Galbeed ,halkaa oo lagu dilay in ka badan boqol maleeshiyo iyo horjoogayaal ka tirsan argagixisada