Mareykanka oo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadaha militari ee u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia kadib isku dhacyo ka dhacay xuduudkooda

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka oo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo colaadaha militari ee u dhaxeeya Azerbaijan iyo Armenia kadib isku dhacyo ka dhacay xuduudkooda.

“Maraykanku waxa uu aad uga walaacsan yahay wararka sheegaya weeraro ka dhacay xuduudka Armenia iyo Azerbaijan, oo ay ku jiraan weeraro lagu soo waramayo oo ka dhan ah deegaamaynta iyo kaabayaasha rayidka,” ayuu Blinken ku yidhi hadal uu soo saaray.

“Sida aan horay u cadeynay ma jirto wax ciidan ah oo lagu xalin karo colaada, waxaan ku boorineynaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaal kasta oo ciidamada ay wadaan” ayuu sii raaciyay.

Goor sii horeysay, Wasaaradda Difaaca Azerbaijan ayaa sheegtay in ciidamada Armenia ay daandaansi ballaaran ka sameeyeen sacadihii fiidnimo ee xadka dhanka Jihooyinka Dashkesan, Kalbajar iyo Lachin.

Xiriirka u dhexeeya jamhuuriyadii hore ee Soofiyeedka ee Armenia iyo Azerbaijan ayaa ahaa mid kacsan ilaa 1991-kii, markaas oo ciidamada Armenia ay qabsadeen Nagorno-Karabakh, oo sidoo kale loo yaqaan Upper Karabakh, dhul caalami ah oo loo aqoonsan yahay qayb ka mid ah Asarbayjan.

Sannadkii 2020-kii, Azerbaijan waxay xoraysay magaalooyin dhowr ah iyo in ka badan 300 oo deegaan iyo tuulooyin ay deggenaayeen Armenia, dagaalkuna wuxuu ku dhammaaday heshiis uu Ruushku garwadeen ka ahaa.

Isku dhacyo Ciidan oo ka dhacay xuduudka dalalka Azerbaijan iyo Armenia

Wasaraadda difaaca dalka Azerbaijan ayaa sheegtay in is rasaasayn ka dhacday xuduudka labada dal iyadoo ku eedaysay in Ciidanka Armenia isku dayeen in ay fadqalalo ka abuuraan xeryaha Ciidanka Azerbaijan eek u yaal gobolada Dashkasan, Kalbajar iyo Lachin.

Wasaraadda ayaa sidoo kale warbixinteeda ku xustay in kooxo qaswadayaal ahi miinooyin dhigeen waddooyinka ay isticmaalaan Ciidanka Azerbaijan.

Dalalka Armenia iyo Azerbaijan ayaa muddo tobanaan sano ah waxa u dhaxaysay muran ku saabsan gobolka Nagorno-Karabakh, kaas oo ku yaalla gudaha Azerbaijan, balse  ay gacanta ku hayeen ciidammada qowmiyadda Armenia oo ay taageerayaan Armenia tan iyo markii uu dhammaaday dagaalkii gooni-u-goosadka ee halkaas ka dhacay 1994-kii.

Azerbiajan ayaa dib u soo ceshatay gacan ku haynta qaybo badan oo ka mid ah gobolka Nagorno-Karabakh iyo deegaannada ku xeeran oo ay gacanta ku hayeen kooxaha gooni u goosadka ah ee ay Armeeniya taageerto.

Wasiirka warfaafinta oo ka hadlay safarka madaxweynaha

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee XFS Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa faah-faahin ka bixiyay safarka uu madaxweynaha dalka , Xasan Sheekh Maxamuud ku joogo magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Wasiirka warfaafinta XFS ayaa sheegay in madaxweynaha iyo wafdigiisu ay Nairobi u tageen marti qaad ay ka heleen dhiggiisa dalka Kenya, si ay ugu qeyb galaan dhaarinta iyo caleema-saarka madaxweyne William Ruto oo dhowaan la doortay.

Wuxuu sheegay wasiirku in labada madaxweyne ay khadka taleefanka ku wada hadleen,iyagoo ka sheekeystay sii xoojinta xiriirka labada dowladood iyo sidii ay isu kaashan lahaayeen, isagoo xusay inuu jiri doono kulan gaar ah.

“Sidaad ogtihiin Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhexeeya xiriir aad u dhow, kaas oo ah waddan aan walaalo nahay oo ay waxyaabo badan innaga dhexeeyaan, marka ka qeyb-galka caleema saarka madaxweynaha waxay tusaale u tahay sida uu usii xoogeysanayo xiriirka labada dal, loona doonayo in labada shacab iyo labada dalba ay muujiyaan iskaashi dhinac kasta ah”.

Wasiirka warfaafinta XFS, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay inuu jiro guddi la yiraahdo golaha iskaashiga labada dal, iyagoo iska kaashan doono dhinacyada socdaalka, dhaqaalaha, ganacsiga iyo waxyaabo kale oo dan u ah dhinacyada, wuxuuna sheegay inay ka wada hadli doonaan labada madaxweyne.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYBGALAYA CALEEMA-SAARKA MADAXWEYNAHA DALKA KENYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb galaya caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Ruto ayaa gaaray magaalada Nayroobi ee caasimadda dalkaas.

Madaxweynaha oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha dalalka gobolka iyo caalamka ee ka qeyb-galaya caleema-saarka Madaxweyne William Ruto ayaa waxaa si diirran loogu soo dhaweeyey gegida diyaaradaha caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo dowladda Kenya soo dhaweynta diirran, isagoo adkeeyey muhiimadda xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Labada dal ee dariska ah.

Hiiraan: Ciidanka Kumaandooska Gor Gor ee XFS oo fashiliyey Miinooyiin Argagixisaddu ku Aaseen Waddooyin ay dadku isticmaalaan

Ciidanka Kumaandooska Gor Gor gaar ahaan Ururka 8Aad ee XDS ayaa Howlgal Qorsheysan ku fashiliye Miinooyiin ay Nabadiidka Al-shabaab ku Aaseen Wadooyinka ay isticmalaan Shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan

Ciidanka Kumaandooska Gor Gor ee XDS ayaa Howlgalka ka fuliye wadooyinka isku xira degaanada kala ah Ceel lehel,Aafar Irdoodka ,Ceelow cusub, xujuub iyo wadooyinka soo gala Magaalada baladweyne gobolka Hiiraan.

Taliyaha ururka 8Aad ee Ciidanka Kumaandooska Gor Gor XDS Dhamme Maxamed Xirsi ayaa sheegay in lagu guuleestay in Banaanka loosoo saaro Qaraxyo ay Nabadiidka ku aaseen wadooyinka ay isticmalaan Shacabka Soomaaliyeed.

    

Ciidanka Dowladda oo Hawlgal qorshaysan ku burburiyey Maxkamad Beenaad Argagixisadu ku lahayd Gandarshe ilaa iyo Number-50.

Ciidamada gaarka ah ee dowladda Soomaliya ayaa howlgal qorshaysan ku galay deegaano dhowr ah oo ku yaala dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Gandarshe ilaa iyo Number-50, oo argagixisadu ay ku lahaayeen Maxkamad Beenaad ay ugu yaaraan shacabka si ay ugu dhacaan hantidoodana ay xoog uga qaataan.

Ciidamada ayaa burburiyay fariisimihii ay Al-Shabaabku ku lahaayeen deegaanada ku yaala dhulka Howdka ah ee kala ah Maracadde, Ceelsaliini, Qodqodka iyo deegaano kale.

“Howlgalkaan wuxuu ahaa mid la qorsheeyay ka dib markii la ogaaday in Argagixisadu ay samaysteen baro ay isku qariyaan oo ku yaala dhulka aanan la daganayn ee dhirtu ku badantahay, halkaas oo ay ugu yeeraan dadka ay rabaan inay lacaga ka qaataan” ayuu yiri sargaal ka tirsan dowladda oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Dowladda Somalia ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ciidamada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo is kaashanaya ay la wareegeen in ka badan 20-deegaan oo Argagixisadu ay horay u joogeen.

     

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada oo qaabishay wafdi ka socda waddanka Sweden

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi ayaa manta qaabishay wafdi ka socda waddanka Sweden oo uu hogaaminayo Safiirka Sweden u fadhiya Somalia Amb.Per Lindgärde, ooy ku weheliso madaxa Iskaashiga Horumarinta, Ms. Anna Saleem Högberg.

Safiirka ayaa ka warbixiyay mashaariicda horumarinta ee ka socda Soomaaliya ee ay Sweden maal galiso sida maashiircda la xidhiidha: xoojinta adkaysiga bulshada, deegaanka, laqabsiga isbadalka cimilada, Nabadaynta, xaquul insaanka iyo Caafimaadka.
Sidoo kale waxa Wasiirada iyo safiirku ka wada hadleen sidii kor loogu sii qaadi lahaa qorshayaasha horumarineed ee deegaanka iyo Isbeddelka cimilada, xoojinta xidhiidhka labada wadan ee ilaalinta deegaanka iyo Isbeddelka cimilada, kobcinta awooda wasaarada iyo sidii loo qaadi lahaa talaabooyin saamayn muuqda leh oo wax lagaga qabanayo musiibooyinka Rabaaniga ah iyo abaaraha joogtada noqday.

Dalka Sweden wuxuu ka mid yahay wadamada horyaalka u ah ilaalinta deegaanka, shirkii lagu aas aasay Hay’ada u qaabilsan ilaalinta Deegaanka Qaramada Midoobay (UNEP) waxaa lagu aas aasay dalka Sweden, shirkii deegaanka ee Stockholm 1972 oo hadda laga joogo 50 sano.

Sweden waxay ka mid tahay wadamada soomaaliya laleh xidhiidhka dheer, waxayna Soomaliya ka caawisaa barnaamijyada horumarinta iyo gargaarka bani’aadamnimo. Sidoo kale Soomaaliya waxay ka faiidaysan doontaa khibrada aad ka udheer ee Sweden ay uleedahay Ilaalinta deegaanka iyo Latacaalidda Isbedelka cimilda.

Wasiir-dowlaha wasaaradda Ganacsiga oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Swedan

Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ahna Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Mudane Abdisalam Shariif Xuseen, ayaa maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dawladda Sweden ee Soomaaliya Amb. Per Lindgärde.

Wasiirka iyo safiirka ayaa ka wada-hadlay ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka Ganacsiga Aduunka oo ay inaga taageerto dawladda Sweden kaas oo muddooyinkii dambe laga sameeyey horumaro waaweyn.

Sidoo kale, waxay ka wada-hadleen guud ahaan dib-u-habaynta ganacsiga Soomaaliya, tobabarada iyo weli ba sidoo kale xoojinta xidhiidhka labada dhinac.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Xarunta Safaaradda Turkey ee Muqdisho kulan kula qaadatay Ku-Xigeenka Safiirka Turkey ee Soomaaliya

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryamo Mohamed Hussein ayaa Xarunta Safaaradda Turkey ee Muqdisho kulan kula qaadatay Ku-Xigeenka Safiirka Turkey ee Soomaaliya Ismail Emre KOSIF, (Charge de Affairs/ Deputy Head of Mission)

Kulanka ayaa ahaa mid is xog-warey iyo kala warqaadasho ee ku aadan howlaha iyo gaargaarka Caafimaad gaar ahaan Tallaalka Covid-19 ee Dowladda iyo Shacabka aan walaslaha nahay ee Turkey ay markastaa lagarab taaganyihiin Dowlada iyo Shacabka Soomaaliya.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maryamo Mohamed Hussein ayaa ka mahadcisay wadhaqeynta iyo Iskaashiga Turkey Soomaalia iyo Turkey.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo xiray Shirweynaha Golaha wadatashiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulankii labaad ee shirka Golaha Wadatashiga Qaran

kaasoo socday muddo laba maalmood ah 11-12 September 2022. Shirka oo ku
qabsoomay magaalada Muqdisho waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Madaxweynaha
Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur-galbeed
Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug
Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali
Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid
Cabdullaahi Deni oo isagu kaga qeyb-galay aalladda fogaan aragga.

2. QODOBADA KA SOO BAXAY KULANKAN GWQ
Labadii maalmood ee shirkan socday waxa ay Madaxwaynaha iyo xubnaha Golaha
Wada tashiga Qaranku diirada saareen sidii loo dardargelin lahaa dadaalka lagu
samata bixinayo dadka Soomaaliyeed ee ay sida daran u saamayeen abaaruhu,
waxaana la isla gorfeeyay arrimha amniga dalka, iyadoo dib loo milicsaday
qodobadii kasoo baxay shirkii 12 kii June 2022.
Gunaanadkii shirka labada maalmood ee Golaha Wadatashiga Qaran ku yeeshay
magaalada Muqdisho 11-12 September 2022 waxaa Goluhu isku raacay qodobada
soo socda:

1) Ka dib abaarihii oo daba dheeraaday, dagmooyin ka mid ah dalkeenna ayaa
galay xaalad adag, hadaba Golaha Wada tashiga Qaranku waxa uu
go’aamiyay in dowladdu dardar galiso howlaha lagu badbaadinayo dadka
tabaalaysan, waxaana la faray dhammaan hay’adaha ku hawlan gurmadka in
ay mideeyaan dadaallada ku wajahan yaraynta saamaynta aabaraha. Goluhu
wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed in ay si buuxda is kugu
gurmadaan. Sidoo kale, saaxiibada Soomaaliya ayuu Goluhu ugu baaqay in
ay laba jibbaaraan taageerada gurmadka abaaraha.

2) Goluhu wuxuu si mug leh u bogaadinayaa howlgalada la-dagaallanka
argagixisada ee ka socda dhammaan deegaannada dalka, gaar ahaan kaalinta
ay shacabka reer Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ka
qaadanayaan la-dagaalanka argagixisada.

3) Goluhu wuxuu ugu baaqayaa deegannada kale ee dalka iyo dhammaan
qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha, culimaa’udiinka,
ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka in ay si dhab ah ugu istaagaan
dedaalada la-dagaalanka aragagixisada oo ay hormuudka ka yihiin Ciidanka
Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan qaybaha kale ee ciidamada
qalabka sida.

4) Goluhu wuxuu isku raacey in la dardargeliyo lagana mira dhaliyo wadahadalada
Soomaaliland.

5) Goluhu waxa uu xoojinayaa xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda
ee labada heer si loo xaqiijiyo kalsooni buuxda iyo natiijooyin wax ku ool u
ah dawladnimada.

6) Goluhu wuxuu isku raacay in laga shaqeeyo xaqiijinta xasilooni siyaasadeed
oo ku qotanta kalsooni, midnimo, iyo sarreynta dastuurka iyo xeerarka dalka.

7) Goluhu wuxuu isku raacey in la isugu yimaado shir kale oo lagu lafaguri
doono arrimaha hortabinta u leh dowlad dhiska Soomaaliya.