Wasiirka Qorshyenta Soomaaliya oo Muqdisho Ka furay Shirka Wadatashiga Qaranka

Wasiirka Qorshenynta Qaranka oo maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka Madasha  wadatashiga Golaha Horumainta Qaranka (National Development Council) iyada oo ay ku mideeysan yahiin madashan Wasaaradaha Qorsheynta *labadeeda heer dowladda dhexe iyo heer dowladd gobaleed.

Wadatashigan waxaa ka qeyb-galay wasiirada Qorsheynta ee kala ah: Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax, Wasiiru dowlaha Mudane Cabdirashiid Jire, wasiirka qorsheynta Galmudug Mudane Axmed Ali Maxamed, Wasiirka Qorsheynta  Koonfur galbeed Dr Cali Cabdi, wasiirka qorsheynta Hirshabeelle Saaqad Salaad Warsame, Wasiir ku -xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland Mudane Faarax Muqtaar Daa”uud iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda  qorsheynta qaranka Mudane Asad Yusuf Qanyare, Agaasimyaasha guud Maamul gobaleedyada, agaasime waaxeedyada Wasaaradda Qorsheynta DfS iyo wasaaradaha Qorsheynta ee Dowlad Goboleedyada, la taliye-yaal sare.

Madashan waxa ay socon doonta muddo labo cisho ah (13-14 September, 2022) iyada oo lagu lafo-guri doono hannaanka wada shayeynta, iskaashiga iyo muhimada ay leedahay U-gurmadka  bulshada ay saameyn abaaraha baahsan, Sidoo kale waxaa lagu kala dhageystay warbixinno la xiriiri kobcinta dhaqaalaha, xakameynta iyo ka hortaga saameynta masiibooyinka, iyo habsami u fulinta Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Shirka wadatashiga Gollaha horumarinta Qaranka  waxaa la filaya in la’isku weydaarsado fikrado muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha iyo guud ahaan adkeynta hannaanka wadashqeynta labada heer ee dowladda Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa la filayaa in ay kasoo bixi doonaan talooyin wax-ku-ool ah oo fulintooda qeyb mug leh ka qaadanayso hoos u dhigista saboolnimada, joogteynta sidii loo xoojin lahaa qorshaha maareynta Abaaraha iyo sidoo kale sare u qaadista heerka nolosha shacabka Soomaaliyeed.

     

Ra’iisul wasaaraha XFS oo qaabilay wafdi ka socday hey’adda Qatar Foundation

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre , ayaa maanta xafiiska ku qaabilay wafdi ka socda hay’adda Qatar Foundation oo ay ka wada hadleen sidii loogu soo gurman lahaa shacabka Soomaaliyeed oo ay abaartu saameysay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar mashaariicda ay ku taageerayso dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada adeegyada bulshada oo muhiim u ah dalka.

Ra’iisul Wasaare  Xamse ayaa sheegay in dalka ay ka jiraan abaaro saameyn ballaaran ku yeeshay noloshada dadka iyo duunyada, loona baahan yahay in gurmad deg deg ah loola gaaro dadka inta aysan xaaladda ka sii darin.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xusay in xukuumaddiisu ay ahmiyadda koowaad siinayso gurmadka abaaraha iyo sidii mustaqbalka xal waara loogu heli lahaa abaaraha soo laalaabta.

Masuuliyiinta ka socday Hay’adda Qatar foundation ayaa tilmaamay in hay’addoodu ay doorkeeda ka qaadan doonto gurmadka abaaraha ka jira dalka.

    

Shirka Wasaaradda Maaliyadda XFS iyo Wasaaradaha Maaliyadda D/goboleedyada oo la soo gabogabeeyay

Shirkan oo uu dhaxeeyay wasiirka Maaliyadda dowladda Federaalka iyo wasiirada Maaliyadda ee dowlad goboleedyada ayaa lagu soo gabogabeeyay Muqdisho, waxaana laga soo saaray war murtiyeed ay isku raaceen wasiirada.

Shirkan oo socday muddo 6 maalmood ah ayaa waxaa shir guddoominayay wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamed Nuur, waxaa ka soo qeyb galay Wasiirrada Maaliyadda Dowlad Gobaleedyada Puntland Xasan Shire Abgaal, Jubbaland Xuseen Xersi Axmed, Hirshabelle Cabdishakuur Maxamed Xasan, Koonfur Galbeed Mudane Axmed Maxamed Xuseen iyo Wasiirka Maaliyadda Galmudug Farxaan Cali Maxamuud.

Hoos ka akhri war-murtiyeedka oo dhammeystiran

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS oo qaabilay wafdi ka socday hey’adda UNHCR

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaaminayay madaxa UNHCR ee Soomaaliya Magatte Guisse.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa Mr. Magatte Guisse ka dhagaystay warbixin ku saabsan hawlaha samafalka ah ee ay hay’addu ka shaqayso.

Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ayaa ku bogaadiyay hay’adda UNHCR shaqooyinka ay hayaan, isagoo xusay inay xoojin doonaan wadashaqaynta Hay’adda iyo Xukuumadda, si loo xoojiyo arrimaha bini’aadantinimada iyo dedaalada samata-bixinta dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

     

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNE WILLIAM RUTO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nayroobi kaga qeyb galay Xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale, ganacsi iyo bulsho oo ay yeeshaan dalalka dariska, si loo adkaado dhibaatooyinka saboolnimada, cunna yarida, faqriga, colaadaha, caqabadaha ka dhashay isbedelka cimillada ee saameeyey shucuubta Gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah wafuud heer Caalami ah oo ka qeyb-gelay xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda aan dariska nahay ee Kenya Mudane William Samoei Ruto.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey munaasabaddan wafdi ay ka mid yihiin, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Cali Doodishe, Wasiirka Wasaaradda Gamacsiga iyo Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aways Jaamac iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

Madaxweyne Lafta-gareen iyo wakiillo ka socda beesha caalamka oo ka wada hadlay abaaraha iyo amniga

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Baydhaba ku qaabbilay wafdi ka socday Safiirrada Beesha Caalamka ufadhiya Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Amp, James Swan.

Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirrada Beesha Caalamka oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Wasiirro,Agaasimaha Madaxtooyada iyo La-taliyaasha Madaxweynaha ayaa looga hadlay Xoojinta howlgallada lagu ciribtirayo Argigixisada Al-shabaab,wax u qabashada dadka ay Abaartu saamaysay iyo daadejinta adeegyada dowladda.

William Ruto oo goordhowed loo dhaariyey madaxweynaha Kenya.

William Ruto oo goordhowed loo dhaariyey madaxweynaha Kenya.

Madaxweynaha dalka Kenya ayaa Goordhowed loo dhaariyey William Ruto oo ku guulaystay Doorashadii dhowaan ka dhacday Dalkaas.

Munaasabada Dhaarinta ayaa ka qabsoomtay Garoonka Weyn ee International Sports Center Stadium ee magaaladda Nairobi.

Madasha Caleemo saarka ayaa waxa ka qayb galay madax kala duwan oo uu ka mid yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Dalalka Kenya iyo Soomaliya ayaa leh xiriir saaxiibtinimo iyo mid Ganacsi iyadoo dhowaan labada Dal kala Saxeexdeen heshiiyo Ganacsi.

Wasiirka wasaaradda howlaha guud ee Galmudug oo dhagax-dhigay suuq casri ah

Wasiirka wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Dhiblaawe Casir oo ay wehliyaan Wasiir kuxigeenka shaqada Galmudug, duqa Dhuusamareeb iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta dhagax dhigey dhismaha suuq casri ah oo ka kooban labo dabaq, kaasi oo ay yeelanayso degmada Dhuusamareeb.

Mashruuca dhismaha suuqan casriga ah ee Dhuusamareeb oo guddiga xiriirka mashruuca ee loo soo gaabiyo TCC-da ay ansaxiyeen 27-bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay ayuu hirgalkiisu ku yimid kala doorashada baahiyaha bulshada Dhuusamareeb oo xog wareysi lagala yeeshay maamulka iyo qaybaha bulshada sida uu sheegey Xariiriyaha mashruuca ILED, Barre Maxamed Muuse.

Duqa Dhuusamareeb, Macallin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa dhankiisa xusey in dhismaha suuqan uu kor u qaadayo dhaqaalaha soo gala dowladda hoose maadaama uu abuurayo ganacsi baaxad leh.

Wasiirka wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Dhiblaawe Casir ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay shirkadda qaadatay qandaraaska mashruucan in ay si gaar ah isaga xil saarto qurxinta iyo tayeynta suuqan.

Dhismahan ayaa qaybka ka ah Mashruuca kaabayaasha dhaqaalaha oo ujeeddadiisu tahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, kaasi oo ay iska kaashanayaan midowga Europe, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka tacsiyeeyay geerida boqorad Elizabeth II

Wasiirka wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Dhiblaawe Casir oo ay wehliyaan Wasiir kuxigeenka shaqada Galmudug, duqa Dhuusamareeb iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta dhagax dhigey dhismaha suuq casri ah oo ka kooban labo dabaq, kaasi oo ay yeelanayso degmada Dhuusamareeb.

Mashruuca dhismaha suuqan casriga ah ee Dhuusamareeb oo guddiga xiriirka mashruuca ee loo soo gaabiyo TCC-da ay ansaxiyeen 27-bishii September ee sanadkii lasoo dhaafay ayuu hirgalkiisu ku yimid kala doorashada baahiyaha bulshada Dhuusamareeb oo xog wareysi lagala yeeshay maamulka iyo qaybaha bulshada sida uu sheegey Xariiriyaha mashruuca ILED, Barre Maxamed Muuse.

Duqa Dhuusamareeb, Macallin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa dhankiisa xusey in dhismaha suuqan uu kor u qaadayo dhaqaalaha soo gala dowladda hoose maadaama uu abuurayo ganacsi baaxad leh.

Wasiirka wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guriyeynta dowlad goboleedka Galmudug Axmed Dhiblaawe Casir ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay shirkadda qaadatay qandaraaska mashruucan in ay si gaar ah isaga xil saarto qurxinta iyo tayeynta suuqan.

Dhismahan ayaa qaybka ka ah Mashruuca kaabayaasha dhaqaalaha oo ujeeddadiisu tahay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, kaasi oo ay iska kaashanayaan midowga Europe, dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka tacsiyeeyay geerida boqorad Elizabeth II

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ka tacsiyeeyay geerida boqoraddii dalka UK ee Elizabeth II oo ku dhimatay dalka Ingiriiska.

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri,

“Waxaan caalamka kala qayb qaadanaynaa baroor diiqda geeridii ku timid boqorad Elizabeth II, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska boqortooyada iyo shacabka Boqortooyada Ingiriiska.”

Queen Elizabeth II ayaa ku geeriyootay shan cisho ka hor da’da 96 jir, iyadoo muddo 70 sana ahna haysay xil sharafeedka boqornimo ee dalka UK muddo 70 sana ah.