Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo baaq nabadeed u dirtay labo beelood oo ku dagaalamay degaano ka tirsan Galmudug

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshisiinta XFS ayaa waxaa ay baaq nabadeed u dirtay labo beelood oo ku dagaalamay deegaanka Laanqaylo oo 8 KM ujirta magaalada Xeraale gobolka galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug.

Wasaaraddu waxa ay ugu baaqaysaa odayaasha dhaqanka, waxgaradka deegaanka iyo dowlad goboleedka Galmudug, in ay ka shaqeeyaan joojinta colaadda iyo nabadaynta beelaha wada dega deegaankaas.

Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib U Heshisiinta ayadoo ka xun colaadaha soo noq noqday ayaa waxay si gaar ah ugu boorineysaa beelahaas ay dirirtu dhax martay in ay ka dheeraadaan wax kasta oo kala fogeyn kara walaaltinnimada dhexdooda ah, dagaalkana ay joojiyaan isla markaana ay ka shaqeeyaan in colaadda laga gaaro nabad waarta.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO WADAHADALLO MIRO DHAL AH LA YEESHAY DHIGGIISA DALKA KENYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Kenya Mudane William Samoei Ruto ayaa Madaxtooyada dalkaas ku yeeshay kulan miro dhal ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo mustaqbalka iskaashiga labada shacab ee dariska ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Mudane William Ruto munaasabadda caleemo-saarka iyo la wareegidda xilka, isagoo la wadaagay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay heshiis iyo iskaashi buuxa la yeelato dhammaan dalalka Gobolka.

Dhankiisa, Madaxweyne William Ruto ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha iyo guud ahaan wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ajiibay ka qeyb-galka munaasabadda caleemo-saarkiisa, waxa uuna adkeeyey xiriirka soo jireenka ah ka dhexeeya labada shacab iyo dowladeed ee dariska ah.

Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay qodobbo xoojinaya iskaashiga amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee labada dal, iyagoo isla gartay in la sii amba-qaado heshiisyada miro dhalka ah ee horey loo gaaray, gaar ahaan fududeynta socdaalka, dhiirri-gelinta dhaqaalaha iyo maalgashiga, dagaalka ka dhanka argagixisada, isbeddelka cimilada iyo saboolnimada, kuwaas oo ka mid ah caqabadaha wadajirka u curyaamiyey kobaca iyo horumarka dalalka Gobolka.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo qaabbilay wafdi kasocday Hay’adda IOM

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Biixi Iimaan Cige ayaa maanta xafiiska ku qaabbilay wafdi uu hoggaaminayay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Hay’adda Socdaalka Adduunka ee (IOM), Mudane Maxamed Abdikheer.

Wasiirka iyo wafdiga ayaa ka wada-hadalay sidii Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo IOM, ugu wada shaqeyn lahaayeen arrimaha la xiriira xal u helidda caqabadaha shaqo iyo socdaal ee ay wajahayaan Dhallinyarada Soomaaliyeed, saameynta abaaraha ee dalka ka jira, horumarinta mashaariicda taageeraya qoysaska nugul, dadka ku barakacay gudaha dalka iyo qaxootiga ku soo guryo noqonaya dalka.

“Waxay muhiimad u leedahay IOM – qorshaha aan dooneyno in lagu gaaro isbeddelada shaqo la’aan ee Dhallinyarada, ka jawaabidda xaaladaha deg degga, taageeridda Dadka ka soo laabanaya xeryaha qaxootiga iyo barakacayaasha gudaha . “ayuu yiri Wasiir Biixi.

Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee hay’adda IOM, Mudane Maxamed Abdikheer oo boggaadiyay wada shaqaynta iyo dadaallada wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wuxuu sidoo kale la wadaagay wasiirka warbixin guud oo la xiriirta howlgalka IOM ee Soomaaliya.

“ Waxaan sidoo kale ka wada-hadalnay inaan xoojinno xiriirkeenna gaar ahaan dhinacyada horumarinta fulinta qorshaha qaranka.” ayuu ku daray Maxamed Abdikheer.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Wasiiru Dawlaha Wasaaradda, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, Wasiir ku-xigeenka, Mudane Cismaan Libaax Ibraahim, Agaasimaha Guud, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda iyo IOM.

Sargaal ka tirsan Ciidamada Israa’iil oo lagu dilay Jiniin

Ciidamada Israa’iill ayaa sheegay in la dilay sargaal sare oo Ciidamadooda ka tirsan, kadib markii ay iska horimaadyo kala kulmeen Xooggaga wax iska caabinta falastiiniyiinta.

Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa sidokale sheegaya iska horimaadka oo barqonimadii maata ka dhacay xaafadda Al-Jalama ee degaanka Janin, ay ku dhinteen labo qof oo falastiiniyiin ah.

Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Xoreynta Falastiin ee Fatax, ayaa sheegay in dagaalkii saakay ka dhacay Jiniin ay ku beegsadeen gaari ay lahaayeen ciidamada Israa’iil oo marayay meel ku dhow koontaroolka Al-Jalama, kaasi oo ay u geysteen khasaare baaxad leh.

Dagaalka ka dib ciidamada Israa’iil ayaa xirxiray Caruur Falastiini ah oo 10 sano jir ah oo ku sugnaa meel u dhow kontoroolka Za’tara ee koonfurta Nablus.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli uu socday kulan looga hadlayay Ammaanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil.

 

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo Safiirka Dowladda Qadar oo dhigey dhismaha qeybta Emergency-ga ee Isbitaal Martiini

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan iyo Safiirka Dowladda Qadar ayaa si wadajir ah u dhagax dhigey dhismaha qeybta Emergency-ga ee Isbitaalka Martiini.

Dhagaxdhigga waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Qatar ee Soomaaliya Amb. Hassan Bin Hamza Hashim,Madax howlgalada dibadda ee hey’adda Qatar Charity Nawaf Al Hamidi, Madaxa Qatar Charity ee Soomaaliya Cabdinuur Xaaji Cali iyo madax kale oo ka kala socotey labada dhinac.

Hey’adda Qatar Charity ayaa fulin doonta Mashruuca dhismaha qeybta gargaarka deg dega ah ee Isbitaalka Martiini xilli Soomaaliya ay ku jirto soo kabasho dhanka adeegyada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshad oo ay Wasaaradda Caafimaadka u dhaba xaareysa dhameystirka Barnaamijka adeegga Caafimaadka oo gaarka goob kasta.

Dhismaha qeybtan ayaa ah mid muhin u ah kor u qaadida howlaha Isbitaalku u qabto Bulshada Soomaaliyeed iyo xal u hellidda kiisaska deg dega ah ee ka dhaca guud ahaan dalka, gaar ahaanna Magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran oo ay ku nool yihiin Muwaadiniinta ugu badan ee ku nool hal Magaalo.

Isbitaalka Martiina ayaa ka mid ah xarumaha Caafimaad ee lafdhabarta u ah badbaadinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ay gacanta ku hesyso Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoonna dhismahan cusub ee qeybta gargaarka deg dega ah loogu tala galey ay tahay qeyb loo qabey baahi wayno kuna soo aadey waqtigii loo baahnaa maadaama dalkeena ku jiro soo kabasho dhanka adeegyada Caafimaadka ee ay Bulshadeenu u baahan yihiin.

Madaxa howlgalada dibadda ee Hey’adda Qatar Charity Nawaf Al Hamidi ayaa xusey in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada harumarinta qeybta Caafimaadka ee Soomaaliya ka Hey’add ahaanna ay garab taagan yihiin Soomaaliya, Nawaf ayaa sheegey sidoo kale in muhiimad gaar ah ay u leedahay fulinta Mashaariic kala duwan oo lagu taageerayo barnaamijyada Caafimaadka Soomaaliya iyo tayeynta shaqaalaha Caafimaadka Dalkeena.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ugu dambeyn Dowladda Qadar iyo Madaxda Hey’adda Qadar Charity ku amaaney sida ay uga go’an tahay ka qeyb qaadashada horumarinta Caafimaadka Dalka iyo wadashaqeynta kala dhaxeysa Wasaaradda Caafimaadka, Wasiirka ayaa sidoo kale soo hadal qaadey xoojinta Mashaariicda ay bixiyaan hey’addaha laga maamulo Qadar iyo in ladardargeliyo Mashaariicda kale ee ku saabsan arimaha Caafimaadka iyo Daryeelka Dalka.

   

Ergeyga Gaarka ah ee Gurmadka Abaaraha oo QM Warbixin ka siisay Abaaraha kajira dalka

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, oo uu wehliyo Ku xigeenka Xoghaya guud ee Qaramada midoobay Martin Grifiths, ayaa si wadajir ah warbixin u siiyay golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Ergeyga oo Isniintii gaaray waddanka Mareykanka ayaa magaalada Ney York ka wada kulamo iyo shirar is dabajoog ah oo loogu qareemayo dad Soomaaliyeed ee Abaaraha sameyeen.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, uu la kulmo madax kala duwan, isaga oo kala hadli doona arrimo ku saabsan sidii Soomaaliya looga caawin lahaa wax kaqabashada dhibaatada ay sababtay Abaarta.

Soomaaliya ayaa xilligaan meelo badan oo kamid ah waxaa kajirta abaaro daran oo saameyay dad iyo Duunyo.

 

Wasiir Caddaala “Argagixisada waxay bilaabeen in ay Qabaa’illada isku diraan si ay u sii jiraan, Shacabka Soomaaliyeed haka digtoonaadaan.”

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf  Al-Cadaalla ayaa sheegay in markii laga awood roonaaday argagixisada ay bilaabeen inay iska hor keenaan Beelaha Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka oo ka qeyb galayay munaasabad lagu xusay maalinta Dalxiiska oo lagu qabatay xarunta wasaaradda ayaa dadka soomaaliyeed uga digay dhagarta cadawga ee ah in Beelaha Soomaaliyed ay isk horkeenaan,islamarkan ay adeegsanayaan dad Siyaasiyiin ah.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta ayaa intaa ku daray in ay ku daba jiraan dad kooxaha argagixisada u qaabilsan iska horkeenida Qabaa’ilka Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliyeed waxay ka shaqeysaa in dadku noolaadaan oo hormar sameeyaan, halka Al-Shabaab ay la daba joogaan burburin, dil iyo dalkaan uu dhibaato ku sii jiro,” Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

.Hadalka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaalla ayaa imaanayo xili inta badan gobolada dalka ay ka socdan kacdoon shacabka ay isaga dulqaadayaan kooxaha argagixisada

Duqeymo cirka ah oo dib ugu bilowday gobolka Tigray

Gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya ayaa lagu garaacay duqeymo cirka ah, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka, laba maalmood kadib markii maamulka TPLF ee halkaas ku sugan ay sheegeen in ay diyaar u yihiin xabbad-joojin.

Duqeynta la sheegay in ay ka dhacday xarunta gobolka ee Mekele ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan hal qof, sida uu sheegay Kibrom Gebreselassie, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan isbitaalka Ayder Referral Hospital, oo ah kan ugu weyn Tigrayga.

Jabhadda Tigreega ee TPLF oo dagaal kula jirta ciidamada fedaraalka Itoobiya muddo ku dhow laba sano ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliye lahayn ay duqeymo ka bilabeen qeybo kamid ah gobalka Tigreega subaxnimadii Talaadada ee shalay, halkaas oo ay ka geysatay khasaare kala duwan.

 

Munaasabad xilka kula wareegayay Guddoomiya cusub ee Gobolka Banaadir oo lagu qabtay Aqalka Dowlada Hoose ee xamar

Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Ahaana Duqii Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee xamar, kana soo qeybgaleen Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Wasiiro, Xildhibaano, Odiyaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada, ayaa waxa ugu horreyn ka hadlay Guddoomiyahii hore ee Gobolka Banaadir ahaan duqa Caasimadda Muqdisho Md Cumar Filish, asigoo u mahadceliyay Bulshada Gobolka, Howlwadeenada iyo Saraakiisha Laamaha Amaanka ee lasoo shaqeeyay inta uu xilka haayay, asigoona codsaday in lala shaqeeyo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Madaale.

Ugu danbeyn Duqa Cusub ee Caasimada Muqdisho ayaa balan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii loo horumarin lahaa Caasimadda, isla markaana Bulshada loo gaarsiin lahaa Adeegyada Aas-aasiga u ah nolosha dadka.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS oo daah-furay Barnaamijka isku dubaridka Biyaha

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daahfurtay Iskudabaridka Barnaamijyada Biyaha oo jeedadiisu tahay in la xoojiyo isku xirka, ka warheynta iyo la xisaabtanka mashaariicda biyaha ee dalka si loo hubiyo Hey’ad kasta mashaariicda dalka ka hirgelineyso loogana fogaado in mashaariic isku mid ah laga fuliyo hal goob iyadoo baahidu ay badan tahay sida markasta dhacda.

Wasiirka wasaaradda Tamarta Jaamac Taqal Cabaas ayaa  cadeeyay in ka xukummaad ahaan ay ka go’an tahay xoojinta iskudabaridka, wadashaqeynta iyo iskaashiga dhammaan Hay’adaha Dowladda iyo Bahwadaagta kale ee ka shaqeeya ama taageera dalka si loo gaaro xalka waara ee maareeynta kheyraadka biyaha isla markaasna wax loogu qabto caqabadaha adag ee heysta qeybta Biyaha oo lagu tilmaamay Istaraatiijiyadda Qaran ee Kheyraadka Biyaha si loo gaaro hadafka guud ee dowladda oo ku wajahan kobcinta dhaqaalaha dalka iyo yareynta musiibooyinka soo laalaabta sida Abaaraha iyo Fatahaadaha. Wasiirka ayaa ugu baaqay dhammaan Hay’adaha ka shaqeeya barnaamijyada Biyaha inay mashaariicdooda ku saleeyaan Istaraatiijiyadda Qaran ee kheyraadka Biyaha.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka, Xasan Xuseen Maxamed oo ka mid ahaa madaxdii lagu casuumay daahfurka shirka ayaa tilmaamay oo ku dheeraday muhiimadda Biyaha ay u leeyihiin dalka gaar ahaan dhaqashada xoolaha oo laf dhabar u ah dhaqaalaha dalka. “Waxaa marwalba soo noqnoqda abaaro ba’an oo saamayn taban ku leh nolosha bulshada xoolo dhaqatada iyo xoolo-dhaqatada beeraleyda ku nool guud ahaan dalka” ayuu yiri wasiir Xasan.