Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS oo daah-furay Barnaamijka isku dubaridka Biyaha

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daahfurtay Iskudabaridka Barnaamijyada Biyaha oo jeedadiisu tahay in la xoojiyo isku xirka, ka warheynta iyo la xisaabtanka mashaariicda biyaha ee dalka si loo hubiyo Hey’ad kasta mashaariicda dalka ka hirgelineyso loogana fogaado in mashaariic isku mid ah laga fuliyo hal goob iyadoo baahidu ay badan tahay sida markasta dhacda.

Wasiirka wasaaradda Tamarta Jaamac Taqal Cabaas ayaa  cadeeyay in ka xukummaad ahaan ay ka go’an tahay xoojinta iskudabaridka, wadashaqeynta iyo iskaashiga dhammaan Hay’adaha Dowladda iyo Bahwadaagta kale ee ka shaqeeya ama taageera dalka si loo gaaro xalka waara ee maareeynta kheyraadka biyaha isla markaasna wax loogu qabto caqabadaha adag ee heysta qeybta Biyaha oo lagu tilmaamay Istaraatiijiyadda Qaran ee Kheyraadka Biyaha si loo gaaro hadafka guud ee dowladda oo ku wajahan kobcinta dhaqaalaha dalka iyo yareynta musiibooyinka soo laalaabta sida Abaaraha iyo Fatahaadaha. Wasiirka ayaa ugu baaqay dhammaan Hay’adaha ka shaqeeya barnaamijyada Biyaha inay mashaariicdooda ku saleeyaan Istaraatiijiyadda Qaran ee kheyraadka Biyaha.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka, Xasan Xuseen Maxamed oo ka mid ahaa madaxdii lagu casuumay daahfurka shirka ayaa tilmaamay oo ku dheeraday muhiimadda Biyaha ay u leeyihiin dalka gaar ahaan dhaqashada xoolaha oo laf dhabar u ah dhaqaalaha dalka. “Waxaa marwalba soo noqnoqda abaaro ba’an oo saamayn taban ku leh nolosha bulshada xoolo dhaqatada iyo xoolo-dhaqatada beeraleyda ku nool guud ahaan dalka” ayuu yiri wasiir Xasan.