Duqeymo cirka ah oo dib ugu bilowday gobolka Tigray

Gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya ayaa lagu garaacay duqeymo cirka ah, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka, laba maalmood kadib markii maamulka TPLF ee halkaas ku sugan ay sheegeen in ay diyaar u yihiin xabbad-joojin.

Duqeynta la sheegay in ay ka dhacday xarunta gobolka ee Mekele ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan hal qof, sida uu sheegay Kibrom Gebreselassie, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan isbitaalka Ayder Referral Hospital, oo ah kan ugu weyn Tigrayga.

Jabhadda Tigreega ee TPLF oo dagaal kula jirta ciidamada fedaraalka Itoobiya muddo ku dhow laba sano ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliye lahayn ay duqeymo ka bilabeen qeybo kamid ah gobalka Tigreega subaxnimadii Talaadada ee shalay, halkaas oo ay ka geysatay khasaare kala duwan.