Wasiir Caddaala “Argagixisada waxay bilaabeen in ay Qabaa’illada isku diraan si ay u sii jiraan, Shacabka Soomaaliyeed haka digtoonaadaan.”

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf  Al-Cadaalla ayaa sheegay in markii laga awood roonaaday argagixisada ay bilaabeen inay iska hor keenaan Beelaha Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka oo ka qeyb galayay munaasabad lagu xusay maalinta Dalxiiska oo lagu qabatay xarunta wasaaradda ayaa dadka soomaaliyeed uga digay dhagarta cadawga ee ah in Beelaha Soomaaliyed ay isk horkeenaan,islamarkan ay adeegsanayaan dad Siyaasiyiin ah.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta ayaa intaa ku daray in ay ku daba jiraan dad kooxaha argagixisada u qaabilsan iska horkeenida Qabaa’ilka Soomaaliyeed.

“Dowladda Soomaaliyeed waxay ka shaqeysaa in dadku noolaadaan oo hormar sameeyaan, halka Al-Shabaab ay la daba joogaan burburin, dil iyo dalkaan uu dhibaato ku sii jiro,” Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

.Hadalka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaalla ayaa imaanayo xili inta badan gobolada dalka ay ka socdan kacdoon shacabka ay isaga dulqaadayaan kooxaha argagixisada