Ciidanka XDS oo Ku baxay dad shacab ah oo argagixisadu ay qarxisay

Cidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kubaxay deeganka Yasoman ee gobolka Hiiran halkas oo dad shacab ah qarax lagula eegtay xilli ay marayeen wadada deeganka Yasoman ciidanka Qaranka ayaa gargaar ufidinaya shacabka ay qaraxa udhigeen maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab silooga bad baadiyo dhibaatada dadka shacabka ah ka soogartay qaraxa miino ee wadada lagu aasay.

Dadka waxyeeladu ay soo gaartay ayaa saarnaa gaari Laangaruusal ah wuxuuna Ku sii jeeday magaalada Muqdusho, lama oga qashaaraha dhabta ah ee dadka shacabka ah soo gaaray.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta warbixin ka jeedinaya Machadka Daraasaadka Caalamiga ah ee Washington DC.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu ka qeybgalo kulan ka dhacaya Machadka Istaraatiijiyadda iyo Daraasaadka Caalamiga ah ee xaruntiisu tahay magaalada Washington D.C ee dalka Mareykanka.

Kulankaasi,waxa uu madaxweynuhu kaga wrbioxin donaa xaaladda dalka,gaar ahaan arrimo la xiriira ammaanka Soomaaliya iyo sida ugu haboon ee loo soo celin karo nabadda iyo xasiloonida guud ee dalka.

Kulankaan oo lagu martiqaaday Madaxweyne Xasan Sheekh,waxaa ka qeybgalaya madax ka tirsan maamulka Mareykanka ,hey’ado iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay kulankaasi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo haatan ku sugan magaalada Washington,ayaa la flayaa in Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey ay hordhigayaan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo ay shacabka Soomaaliyeed kala kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda SDoomaaliya .

Bulshada Godinlabe oo abaabulay ciidamo rayid ah oo la dagaalama Al-Shabaab

Qaar kamid ah hogaamiyaasha Bulshada ee ku dhaqan deegaanka Godinlabe ayaa ciidamada dowladda ku biiriyay in ka badan laba boqol oo ruux ah oo loogu talagalay in ay ka qeybqaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al0-habaab.

Xaflad loo sameeyay wareejinta ciidankaasi,waxaa ja qeybgalay xildhibaanno ka socda Galmudug,maamulka degmada Godinlabe iyo saraakiil ay hogaaminaayeen Suldaan Mowliid Sh Jaamac iyo Kormeyl cabdi Maxamuud Jaamac

Taliyaha guutada 1-aad, qeybta 12-ka April, ,ayaa la wareegay laba boqol oo ruux ah oo ka socda dadka deegaanka ,si ay uga qeybqataan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha nabad diidka ee ku dhuumaaleysanaya gobolada dhexe.

Illaa hadda deegaanno badan ,waxaaa ka socda abaabul loogu jiro ururinta ciidamo rayid ah oo ka qeybqaata kacdoonada shacabka ee lagu diidan yahay joogitaanka kooxaha Al-Shabaab ee deegaanada dalka.

Wasiirka Dhallinyarada XFS oo la kulmay qaar ka mid ah dhallinyarada qaba baahiyaha gaarka ah

    

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Xil Maxamed Barre Maxamuud, ayaa xafiiskiisa kula kulmay  qaar ka mid ah dhallinyarada qaba baahiyaha gaarka ah ee ku nool magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Wasiirka ayaa warbixin ku saabsan xaaladaha dhallinta baahiyaha gaarka ah qaba ka dhageystay,waxaana ay u sheegeen in daruufo adag ay kula dhex nool yihiin bulshada isla markaana aysan helin xaquuqda ay mudnaayeen.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS, Xillibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa u balanqaaday dhallinyarada baahiyaha gaarka ah qaba in wasaaradiisa ay door weyn siin doonto sidii loo ilaalin lahaa xaquuqda dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

 

Ciidanka NISA oo burburiyey Shabakad Shabaab ah, Gacantana ku dhigay Dhagarqabeyaal

Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa burburiyay Shabakad Shabaab ah oo Argagixisadu u qorsheeyeen inay falal amni Daro ay ka gaystaan magaalada Muqdisho, sida ay saraakiil u xaqiijiyeen Wakaaladda SONNA.

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay xubno ka tirsan Shabakada Argagixisada ah, Hubkoodii iyo Mooto Bajaaj ay ugu talagaleen inay ku baxsadaan marka ay dhibka gaystaan.

Ciidamada ammaanka ayaa howlgalkaan sameeyay ka dib markii ay heleen xogo dhamaystiran, waxaana wali jira dhagar qabayaal ka tirsan Argagixisada oo baxsad ah kuwaasi oo ay ku daba jiraan ciidanka ammaanka.

 

 

Ciidanka Kumandooska Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 18 ka tirsan Argagixisadda Al-shabaab

Hiiraan- Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ayaa xalay degaanka Buqda-aqable ee gobolka Hiiraan waxay ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday saldhigii ugu weynaa ee argagixisada Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaankaas.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen Odawaa Yuusuf Raage oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyey in howlgalkaas lagu dilay ugu yaraan 18 dhagarqabe oo ku sugnaa saldhigga ay beegsadeen ciidanka Danab.

Sidoo kale howlgalka waxaa lagu burburiyay saldhigyo, xafiisyo iyo goobo kale oo argagixisada Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Buq-aqable oo qiyaastii 90 KM Koofur uga beegan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Degmadda Buqda-aqable Ayaa ka mid ahayd xarumaha Argagixisadda Al-shabaab kasoo abaabulaan weerarada ay ku dhibaateen shacabka Soomaaliyeed.

   

Xubin ka tirsanaa Al-shabaab oo isu dhiibay Ciidanka Daraawiishta Galmudug

Gaalkacyo- Maxamed Nuur Xasan oo ka tirsanaa argagixisada Al-Shabaab ayaa isku dhiibay Ciidanka Daraawiishta Galmudug ee ka howlgala degmada Wisil.

Maxamed Nuur oo u warramay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inuu Al-shabaab kaga soo biiray Jubbada hoose 2020-kii, haatann uu iska soo dhiibay degaanka Qeycad ee gobolka Mudug.

Wuxuu sheegay inuu markii hore ahaa turjumaan iyo keyd haye, ugu dambayna uu ka mid noqday malleeshiyaadka dagaallama kadib tababar uu kusoo qaatay Jubbooyinka.

Maxamed Nuur ayaa intaa ku daray inuu kasoo dagaallamay Shabeellada dhexe iyo goobo ka mid ah gobolka Mudug, dhibaatooyin badanna uu kala kulmay intii uu ka tirsanaa argagixisada.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka XFS ayaa kulan la qaatay Safiirka Dalka Sweden u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Dastuurka XFS mudane, Xasan Macallin Maxamuud ayaa kulan la yeeshay  safiirka dowladda Sweden u fadhiya dalkeenna Ambassador; Per Lindgarde.

Kulanka ayaa looga hadlay howlaha hor-tabinta u leh Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo ay ugu horreeyaan Dowlad-Wanaagga, dhammeystirka geeddi socodka dastuurka iyo garsoorka.

  

Wasiirka Gaadiidka Soomaaliya oo la kulantay xog-hayaha guud ee guddiga duulista hawada Afrika

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka oo kulan la qaadatay Adefunke Adeyem, oo ah xog-hayaha guud ee guddiga duulista hawada Afrika (Africa Civil Aviation Commission (AFCAC).

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil; Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa inta uu socday shirweynaha caalamiga ah ee duulimaadyada Afrika kulankiisa lixaad (Aviation Africa 2022) waxay kulan gaar ah la qaadatay ,Adefunke Adeyem oo ah xog-hayaha guud ee guddiga duulista hawada Afrika (Africa Civil Aviation Commission (AFCAC).

Labada mas’uul ayaa waxay kawada hadleen sidii loo horumarin lahaa nabad gelyadda duullimaadyada rayidka ah ee Soomaaliya.

Wasiir Fardowsa waxay sidoo kale la kulantay madaxa shirkadda duullimaadyada Rwanda Air, Yvonne Manzi Makolo oo ay ka dhageysatay warbixin la xiriirta aas aaska iyo marxaladihii ay soo martay shirkadda Rwanda Air, si dowladda Soomaaliya oo hadda ku howlan dib u soocelinta Somali Airline ay uga faa’iidaysato waayo-aragnimada Rwanda Air.

 

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAYA SHIRKA GOLAHA LOO DHAN YAHAY EE QARAMADA MIDOOBEY

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay dalka Maraykanka, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Meertadan oo soconaysa inta u dhaxaysay 13-ka ilaa 27-ka Bishan ayaa lagaga arrinsanayaa yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka laga tirade badan yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey waxa ay hordhigayaan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo ay shacabka Soomaaliyeed kala soo kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda iyo guud ahaan Gobolka.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, si uu u adkeeyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah.