Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay howlgal lagu dilay in ka badan 30 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab

In ka badan 30 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ku dileen deegaanka Abooreey oo qiyaastii 25Km dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa xalay abaaro labadii habeenimo saq dhexe dagaal kula galay Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab deegaanka Abooreey, ciidanka xoogga dalka oo sii haayay xogta dhagarta Argagixisada ayaa gaarsiyay jab xoog leh, iyada oo dhanka kale ay dhaawacyo soo gaareen shan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga.

Deegaanka Abooreey oo ay dhowaan la wareegeen ciidanka xoogga dalka ayaa ahaa goob muhiim u ahaa marinka Argagixisada ay isaga kala gudbi jireen deegaanada bari iyo qaybaha kale ee dalka.

Dagaaladii ugu danbeeyay ee ciidanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo iskaashanaya ay la galeen Argagixisada waxaa lagu dilay in ka badan 150 dhagar qabeyaal Al-Shabaab ah, waxaana laga saaray deegaanno badan oo Argagixisadu ay ku gumaadi jireen shacabka.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa dadkeeda oo si dhow ugula shaqeynaya dagaalkan lagu soo afjarayo argagixisada. Maleeshiyada la qalday ee Alshabaab waxay dowladda u sheegaysaa in wadada kaliya ay uga badbaadin karaan hawlgaladaan ay tahay in ay isku soo dhiibaan dowladda, dadkoodana ka mid noqdaan.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo kulan la qaatay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay xarunta Wasaaradda Arimaha Dibadda Maraykanka ee magaalada Washington, Xoghayaha Arimaha Dibadda dalkaas Mudane Antony Blinken.

Madaxweynaha iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal iyo taageerada muhiimka ah ee dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Dowladda Maraykanka Mudane Antony Blinken in lagu garab istaago dowladda Soomaaliyeed qorsheyaasha horumarineed iyo  tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay muhiimada ka hortagga xaalufka deegaanka, dadaalka dowladda Soomaaliya uga hortagayso macluusha, iyo howlgalada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka.

Dhankiisa Mudane Antony Blinken ayaa adkeeyay sii amba-qaadidda taageerada dowladda Maraykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dowlad dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo soo bandhigay qorshaha deyn cafinta iyo kobaca dakhliga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa la wadaagay tallaabooyinka wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta dib u habeynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ku soo bandhigay xarunta Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ee magaalada Washington qorshaha dowladda  Soomaaliya ee ku addan dayn cafinta, kobaca dakhliga iyo horumarinta ilaha dhaqaalaha, si dhallinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro fursado shaqo, dalkana looga samata bixiyo saboolnimada iyo duruufaha dhaqaale ee soo noqnoqday.

Madaxweyne Xasan  Sheekh Maxamuud iyo Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa isla qaatay dardargelinta arrimaha hortebinta u leh dowladda Soomaaliya si loo hirgeliyo qorshaha dhammeystirka hannaanka deyn cafinta ee dalkeenna.

Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeeyaan qorsheyaasha mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan horumarinta hannaanka dib u habeynta dhaqaalaha, deyn cafinta iyo doorkooda ku aaddan gurmadka abaaraha ka jira dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey hay’adda IMF taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada xoogga dalka oo 35-ka tirsan argagixisada Al-shabaab ku dilay gobolka Hiiraan

Ciidanka xoogga dalka ayaa xalay degaanka Abooreey oo qiyaastii 25-Km dhanka bari kaga beegan degmada Buulo burde ee gobolka Hiiraan ku dilay 35 ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degaanka Abooreey ayaa SONNA u sheegay in xalay saqdii dhexe ay ku baxeen mmaleeshiyaad ka tirsan aragagixisada oo ku dhuumaaleysanayay duleedka deegaankaas, halkaasina khasaaro xooggan ay ku gaarsiiyeen.

Ciidanka xoogga dalka ayaa shalay ku guuleystay in ay degaankaa Abooreey ka saaraan maleeshiyaadka Al-shabaab oo muddo dadka shacabka ah ay ku dhibaateyn jireen.

Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ciribtirka argagixisada, waxayna dhalinyarada ay marin habaabiyeen maleeshiyadu ay ugu baaqday in ay  ku soo laabtaan dadkooda, iskuna soo dhiibaan dowladda.

Maleeshiyada Al-shabaab oo xalay qarax la beegsatay gaari ay la socdeen dad shacab ah

Kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab ayaa xalay miino nooca dhulka la galiyo ah ku  Qarxiyay gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah oo marayay meel u dhow deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan.

Gaariga oo ay saarnaayeen afar ruux ayaa ku sii jeeday deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan, waxaana qaraxa ku dhintay saddax ruux oo ka mid ah nabadoonada caanka ah ee gobolka Hiiraan, arrinta xanuunka badana waxay  tahay in wiil iyo aabahiis Alle ha u naxariiste ay ku jiraan dadka ku dhintay Qaraxaas.

Kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab oo u bareeri waayay in ay wajahaan kacdoonka Shacabka oo kaashanaya ciidanka xoogga dalka ayaa bilaabay in si dhuumaaleysi ah ay wadooyinka Qaraxyo ugu galiyaan dadka safarka ah, taasoo muujineysa taag darida cadowga.

Taliska Ciidanka Xoogga oo Beeniyey Warar ay baahiyeen Argagixisada

Taliska Ciidanka dalka ayaa beeniyay warar ay baahiyeen Argagixisada Alshabaab oo sheegaya in ay qasaaro gaarsiiyeen Ciidanka gaarka ah ee militariga Soomaaliya ” Danab” ee howlgalka ka fuliyay deegaanka Bukh-aqable oo 40km u jira degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Taliska waxaa uu sheegay xaqiiqda ay tahay in hawlgalka uu u dhacay si guul ah, Ciidankana dileen 18 ka mid ah argagixisada oo ay ku jiraan horjoogayaal islamarkaana ay burburiyeen xaruntii Alshabaab ee deegaanka Bukh-aqable.

Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay 10 Dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab

Ciidamadda Amniga ayaa xiray toban dhagar qabe oo ka tirsan argagixisada Alshabaab lana wareegay xarumo qarsoodi ah iyo agab dagaal.
Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo ku duulaya xog sugan oo ay ka heleen shacabka Muqdisho ayaa qaaday hawlgal qorsheysan oo ay ku soo qabteen 10 dhagar qabe oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab, ayaga oo sidoo kale la wareegay saddex xarumood oo ay si dhuumaalaysi ah u joogeen, Gaadiid iyo Hub magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa hawlgal kan ku burburiyay shabakad ka tirsan argagixisada oo abaabulayay dilal iyo falal amniga lid ku ah.
Dhagar qabeyaasha la qabtay ayaa isugu jira maleeshiyaad loo diyaariyay beegsiga shacabka, kuwa dhaqaatiir ah oo loo diyaariyay hadii ay wax soo gaaraan maleeshiyadaan inay daaweeyaan iyo dhagar qabayaal kale oo qaabil sanaa deegamaynta iyo u adeegidda maleeshiyadaan.
Dowladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ciribtirka Argagixisada, una mahadcelinaysa shacabka Soomaaliyeed ee xogtaan la soo wadaagay, ayaa waxay ugu baaqaysaa dhalinyarada ay marin.

Xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan XFS oo booqasho iyo salaan ku tagay Mowlaca Macallin Nuur

Xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda Federaalka Ee Soomaliya ayaa maanta booqasho iyo salaan ku tagay Mowlaca Macallin Nuur.

Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka DFS Xasan Macallin Maxamuud, wasiirka Qorsheynta xildhibaan Beenbeene iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayey booqashadoodu ku saleysneed u mahadcelinta maamulka Mowlaca Macallin Nuur iyo ukuur galidda baaxadda howsha ka socota.

Waxaa mowlaca kusoo dhaweeyay Khaliif-Cabdulqaadir Macallin Nuur Maxamed Siyaad.

             

Madaxweyne Xasan Sheekh oo La Kulmay Madaxa Hay’adda Lacagta adduunka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa la wadaagay tallaabooyinka wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta dib u habeynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Madaxweynaha ayaa ku soo bandhigay xarunta Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ee magaalada Washington qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku addan dayn cafinta, kobaca dakhliga iyo horumarinta ilaha dhaqaalaha, si dhallinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro fursado shaqo, dalkana looga samata bixiyo saboolnimada iyo duruufaha dhaqaale ee soo noqnoqday.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa isla qaatay dardargelinta arrimaha hortebinta u leh dowladda Soomaaliya si loo hirgeliyo qorshaha dhammeystirka hannaanka deyn cafinta ee dalkeenna.
Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeeyaan qorsheyaasha mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan horumarinta hannaanka dib u habeynta dhaqaalaha, deyn cafinta iyo doorkooda ku aaddan gurmadka abaaraha ka jira dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey hay’adda IMF taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed.
    

Kumaandooska Danab oo gargaar raashin ah u qeybiyey shacabka ku nool deegaan teedaan ee Gobolka Hiiraan

Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa gargaagr raashiin ah u qeeybiyay shacabka ku dhaqan degaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan oo kamid meelihii dhowaan laga xoreeyay maleeshiyaadka nabadiidka ah ee Al-shabaab.

Degaanka Teedaan kahor inta aan laga xoreeyn Argagaixisada waxeey gubeen Ceel-biyoodkii degaanka sidoo kale waxeey qaateen xoolihii Shacabka iyadoo taasi ay keentay in dadkii degaanka uu ciriir ka galo helista biyaha oo nolosha banii-aadamka muhiim u ah iyo cuntadii ay cuni jireen.

Balse ciidanka xoogga dalka ayaa markii ay arkeen xaalada nololeed ee heeysata shacabkooda go’aansaday inay siiyeen raashiinkii ay wateen kaasi oo loogu tala galay inay isticmaalaan.

Ururka 6-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka Danab ayaa sidookale u sameeyay Shacabka dalyeel caafimaad maadaama ay adagtahay shacabkaasi dhibtaada kala kulmay Al-shabaab inay helaan xarun Caafimaad.