Argagixisada oo bilowday inay horjoogayaashooda kula kacaan falal ka baxsan Insaaniyadda dhimashadooda kadib.

Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan furimaha dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa soo wariyay Falal la yaab leh oo ay Argagixisada Shabaab kula dhaqmaan Hogaankooda dagaalka marka la dilo kadib.

Ciidamada ayaa sheegay in Argagixisadu Al shabaab ay bilowday dhaqan ah in horjoogayaashooda lagu dilo dagaalada Ciidanka xooggu kula jiraan in ay madaxa ka gooyaan si aan loo aqoonsan horjoogayaashooda.
Dagaal ka dhacay Deegaanka Abooreey ee Gobolka Hiiraan ayey labo horjooge oo dagaalka lagu dilay madaxa ka gooyeen kooxda Al shabaab iyaga oo horay u qaatay.
Ciidanka xoogga dalka oo firxadkood baacsaday ayaa helay labadii horjooge madaxyadood oo ay uga tageen isla goobta ay qurgooynta ugu geysteen horjoogayaashooda.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Ururka Caafimaadka Aduunka ee WHO oo maanta yeeshey kulan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Ali Xaaji Aadan oo ay Wehilnaysay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dr. Maryama Mohamed Hussein ayaa maantay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Caafimaadka ku qaabilay Wafdi ka socday Xafiiska Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO gaar ahaan xafiiska Bariga iyo Bartamaha.

Wafdiga ayaa ka koobnaa madaxa WHO ee xafiiska Soomaaliya Md Mamnuur Rahman Malik, iyo Qubaro kale oo ah xeeldheerayaal Caafimaad, waxaanna sidoo kale kulanka qeyb ka ahaa oo wfadiga wehliyay khubaro dib u eegaysa guulaha ay Soomaaliya ka gaadhay Adeega Caafimaadka Aasaasiga ah iyadoo loo eegayo halbergyada Caalamiga ee
Caafimaadka loo dhanyahay ee Universal Health Coverage (UHC).
Wafdiga ayaa kulan socdey saacado la qaatey Madaxda ugu sarsarayso Wasaaradda si loogu kuurgalo hawlaha Caafimaad ee ka socdo Wasaaradda Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Waxaanna sidoo kale jiri doono booqasho shaqo oo ay ku tagi doonaan xarumaha Caafimaadka sida Isbitaalka DeMartini, Iyo Shaybaarka dhaxe ee Qaranka
Madaxda ka socotey WHO ayaa Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u gudbisey warbixin ku saabsan qorshaha World Health Organization ee Soomaaliya iyo dhameystirka Mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya iyo doorkooda ku aadan horumarinta qeybta Caafimaadka.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadam ayaa si diiran u soo dhaweeyay Wafdiga sidoo kalena kala hadlay wadashaqaynta ballaaran ee kala dhaxayso WHO oo qeyb wayn ka ah habsami u socodka shaqada Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladaha dalka ka jira iyadoona xilligan Dalka ay ka jirto abaartii ugu darneyd ee soo marta Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-kii, waxa ayna saameysay qeybo badan oo ka mid ah Gobolada dalka iyadoo xaalad Bani’aadamnimo iyo mid Caafimaad ku keentey ku dhawaad 7 Milyan oo macluul ay soo food saartay.
Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO waxa ay gacan weyn ka geysteen qaabaynta iyo horumarinta Xirmada Aasaaska ah ee Adeegyada Caafimaadka (EPHS) oo ah qaab-dhismeedkeenna heer Qaran ee habaynta, maaraynta, iyo bixinta adeegga Caafimaadka aasaasiga ah ee dalka.
Wasiirka ayaa ugu dambayn diiradda saaray muhiimada ay leedahay iskaashiga hay’adaha wadashaqaynta kala dhaxayso Wasaaradda Caafimaadka waxa uuna si gaar ah diiradda u saaray horumarinta & Daboolista Caafimaadka Caalamiga ah (UHC) iyadoo la xoojinayo bixinta adeegyada Daryeelka Caafimaadka aas aasiga ah ee dhammaan shanta heer ee nidaamka daryeelka Caafimaadkayaga.

Wasiirka kalluumeysiga XFS oo la kulmay Wafdi ka socda EUCAP

Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan Aadan oo ay weheliyaan wasiir ku-xigeenka wasaaradda Mudane Cali Ifiye Cali iyo wasiiru dowlaha wasaaradda mudane Maxamed Bashiir Cali ayaa xarunta wasaaradda ku qaabilay wafti ka socda howlgalka midowga yurub ee EUCAP.

Waftiga waxaa hogaaminayey Christopher Reynolds oo ah madaxa howgalka ee Soomaaliya isaga oo ka warbixiyey shaqada ay qabtaan ee ku saabsan kordhinta xirfadaha iyo tababarrada ee la xiriira ilaalinta xeebaha, kalluumeyiga iyo habka jallaabashada casriga ah.

Christopher, ayaa sidoo kale wasaaradda u sharaxay sida ugu haboon ee ay isku kaashan karaan iyaga oo kaa faa’iideysanaya waaya-aragnimadooda ku saabsan waaxda kalluumeysiga iyo ilaalinta badda, waxaana uu sheegay in diyaar u yihiin sidii ay wasaaradda uga taageeri lahaayeen sidii ay u hagaajin lahaayeen hababka casriga ah ee maamulka kalluumeysiga kuwaas oo kaalin ka qaadan kara suuqgeygta caalamiga ah ee kalluunka Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraad ka badda mudane Axmed Xasan Aadan ayaa waftiga EUCAP uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen xarunta wasaaradda isaga oo xusay in ay ka wasaarad ahaan diyaar u yihiin sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha muhiim ka ah ee ay u hayaan dalka, gaar ahaan dhinacayda kordhinta xirfadaha kalluumeysiga iyo ilaalinta xeebaha.

Wasiirka ayaa sheegay in doonayaan in ay kala shaqeeyaan sidii fursado loogu abuuri lahaa dhalinyarada kuwaas 75 boqolkiiba ka ah bulshada Soomaaliyeed, waxaana u intaa ku daray in sidoo kale doonayaan in kala shaqeeyaan wasaaradda farsamooyin ka muhiim ka ah ee ku saabsan ka gaashaamashada kalluumeysiga sharci darada ah ee ay dowlaha shisheeye ka sameeyaan Soomaaliya.

Kulankan waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda, la taliyaha gaarka ah ee wasiirka iyo xubno kale oo qeyb ka ahaa waftiga ka socday howlgalka EUCAP.

Taliyaha ciidanka daraawiishta Galmudug oo gaaray deegaanka Miircawleed

Taliyaha ciidamada daraawiishta Galmudug Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa gaaray deegaanka Miircawleed ee duleedka waqooyi magaalada Galinsoor, halkaasi oo laga hirgalinayo Ceel Biyood bulshada loogu adeegi doono

Taliyaha iyo Saraakiisha uu hoggaaminayo ayaa deegaanka u tagay si uu u bogaadiyo ciidan ka tirsan Daraawiishta Galmudug oo halkaas ku sugan.

Sidoo kale, ciidanka daraawiishta ayaa deegaanka kusoo bandhigay 3-ruux iyo gaadiid ay ku sideen walxaha maanka dooriya, oo ay ku doonayaan in ay si dhuumaaleysi ah ku geliyaan qaar ka mid ah deegaanada Galmudug.

Taliyaha ciidamada daraawiishta Galmudug Maxamed Nuur Cali ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay tilaabo ka qaadi doonaan shaqsiyaad caadiyeystay inay deegaanada Galmudug soo galiyaan maandooriyaha bulshada iyo deegaanka lagu waxyeelaynaayo.

Taliyaha ciidamada daraawiishta Galmudug Maxamed Nuur Cali Gadaar ayaa gaaray deegaanka Miircawleed ee duleedka waqooyi magaalada Galinsoor, halkaasi oo laga hirgalinayo Ceel Biyood bulshada loogu adeegi doono

Taliyaha iyo Saraakiisha uu hoggaaminayo ayaa deegaanka u tagay si uu u bogaadiyo ciidan ka tirsan Daraawiishta Galmudug oo halkaas ku sugan.

Sidoo kale, ciidanka daraawiishta ayaa deegaanka kusoo bandhigay 3-ruux iyo gaadiid ay ku sideen walxaha maanka dooriya, oo ay ku doonayaan in ay si dhuumaaleysi ah ku geliyaan qaar ka mid ah deegaanada Galmudug.

Taliyaha ciidamada daraawiishta Galmudug Maxamed Nuur Cali ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay tilaabo ka qaadi doonaan shaqsiyaad caadiyeystay inay deegaanada Galmudug soo galiyaan maandooriyaha bulshada iyo deegaanka lagu waxyeelaynaayo.

 

Argagixisada Al-Shabaab oo gubay guryo shacab ay deganaayeen oo ku yaalla deegaanka Ceel-Jiqoow ee gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in argagaxisada ay gubeen guryo dad shacab ah deganaayeen oo ku yaala deegaanka Ceel-Jiqoow oo u dhaw degmada Maxaas ee gobolkaas.

Sida uu ku soo waramayo wariyaha warbaahinta Qaranka ee gobolka Hiiraan Ibraahim Geedi, maleeshiyada Al-shabaab ayaa sidoo kale, qaraxyo ku xiray ceel biyoodkii ku yaalay deegaanka Ceel-Jiqoow oo dadka iyo xoolaha ka biya cabi jireen sida ay sheegeen qaar kamid ah bulshada deegaanka.

Hiiraan waxaa ka socda howlgal kala duwan oo ay wadaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee hubka qaatay kuwaasi oo Shabaab dagaalo adag kula jira.

Howlgalka ciidamada xoogga dalka iyo kacdoonka bulshada gobolada dhexe waxaa uu suuro geliyay in awood ahaan la wiiqo Shabaab ayna ku jabaan dagaalada socda.

 

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo qabtay kulan looga hadlayay ka hortaga dambiyada ka dhanka ah deegaanka+Sawirro

Shir looga hadlayay ka hortaga dambiyada ka dhanka ah deegaanka ayaa lagu qabtay xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada XFS, Adam aw Xirsi iyo sido kale masuuliyiin ka socotay labada xafiis.

Waxaa xoogga lagu saaray shirkaan gaarka ah sidii la isaga kaashan lahaa dambiyada ka dhanka deegaanka iyo sidii looga hortagi lahaa isla markaana la xisaabtan adag looga gali lahaa.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud iyo wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Adam Ow Xirsi ayaa labada dhinac kula kula dardaarmay in wadajir xoogga loo saaro dambiyada ka dhaca deegaanka.

   

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo la kulmay Agaasimaha Guud ee ururka Shaqada ee Jaamacadda Carabta

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil. Biixi Iimaan Cige iyo wafti u hoggaaminayo ayaa gelinkii hore ee maanta gaaray magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar , halkaa wuxuu uga qeybgali doonaa shirka 48aad ee Shaqada waddamada Jaamacadda Carabta.

Wasiirka ayaa markii uu gaaray Qaahira , wuxuu la kulmay Agaasimaha Guud ee ururka Shaqaalaha Jaamacadda Carabta , Mudane Fayez Almutairi, oo ku soo dhaweeyay ka qeybgalka shirka.

Shir-weynaha 48aad ee Shaqada oo ay martigelinayso Dawladda Masar oo lagu wado inuu berri furmo ayaa sannadkan diiradda saari doona arrimaha dhaqaalaha iyo horumarinta bulashada, hababka cusub ee shaqada iyo Ilaalinta bulshada, iyadoo ay ka qeybgali doonaan wasiirrada Shaqada , ururrada Shaqada iyo marti kale oo ka socota 21 waddan ee Jaamacadda Carabta.

Dhamme C/qaadir Axmed Cali” Argagixisada Awood uma Harin, Mar kale kuma soo Khaldami doonaan Ciidanka Xoogga”

Argagixisada Al-Shabaab ayaa looga adkaaday dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka Hiiraan, waxaana xoog looga saaray degaano dhowr ah oo muddo shacabka ay ku dhibaateyn jireen.

Maleeshiyada oo jab xooggan lagu gaarsiiyay dagaaladaas ayaa looga bur buriyay saldhigyo ay dadka ku baadi jireen kuna dhuumaleysanayeen.

Dhamme C/qaadir Axmed Cali oo ka tirsan Guutada 17-aad Gor-gor Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kana mid ah saraakiisha hoggaamineysa dagaalada Al-shabaab looga xoreeyay deegaanada Abooreey, Tardo, Sagaalgeed, Geedsamo,Inameey oo dhammaan hoos yimaada degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan ayaa tilmaamay in la wiiqay awooda argagixisada.

“Argagixisada Awood uma Harin, mar kale kuma soo Khaldami doonaan Ciidanka Xoogga,” ayuu yiri Dhamme C/qaadir Axmed Cali

Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ku sugan deegaanka Abooreey oo laga Xoreeyey Argagxisada ayaa ka hadlay Khasaaraha la gaarsiiyey cadowga iyo Guusha usoo hoyatay Shacabka.

“ Waxaan u mahadcelinayaa ciidanka xoogga iyo dadka degaanka oo iska dulqaaday argagixisada,howlgalkiiasina cadowga wuu ku jabay,” ayuu yiri Xildhibaan Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ku sugan furimaha hore ee dagaalka.

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ee hormuudka u ah dagaalka dalka looga xoreyynayo argagixisada Al shabaab ayaa soo bandhigay, meydadka argagaxisada iyo sido kale hubkii laga furtay.

Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa shacabka ayaa ku dadaaleysa sidii maleeshiyada Al-shabaab looga ciribtiri lahaa deegaanada fara ku tiriska ah ay ku harsan yihiin, waxayna horjoogayaasha iyo maleeshiyadooda ay hadda bilaabeen in ay kala firxadaan ka dib markii ay joogto noqdeen weerarada lagu bartilmaameedsanayo.

Madaxweynaha JFS oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Maraykanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka, isaga oo la wadaagay fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka, xoojinta amniga, shaqo abuurka dhallinyarada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay saameyn wanaagsan ku leeyihiin horumarka dalka, waxa uuna ka rajeeyey in ay xoojiyaan maalgashiga dalka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay tilmaamay in diblumaasiyadda Soomaaliya ay mudnaanta siineyso hagaajinta xiriirka dalkeennu uu la leeyahay caalamka, si aan iskaashi buuxa ugu helno duruufaha dib dhigay dadka Soomaaliyeed.
Dhankaooda, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin dalka xilal ka soo qabtay, ayaa Madaxweynaha u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay in ay dhaqaalahooda iyo cilmigoodaba ku soo celiyaan dalka, doorna uga qaataan dhismaha dowladnimada Soomaaliya, dib u heshiisiinta iyo gurmadka dadka ku dhibaateysan abaaraha ka jira deegaanno badan oo ka mid ah gobollada dalka.
          

Dowladda Federaalka oo cambaareysay falkii arxan-darrada ahaa ee argagixisadu ku dileen qaar ka mid ah nabaddoonada gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxa ay cambaareyneysaa falkii arxan-darrada ahaa ee kooxda dhagarqabayaasha argigixisada ah ee Al-shabaab ay xalay abbaaro 10-kii fiidnnimo ku beegsadeen kuna dileen qaar ka mid ah nabaddoonada Beesha Baadicadde oo kala ah:

(1) Nabadoon Yuusuf Fiidow  iyo wiilkiisa Ibraahim Yuusuf Fiidow.

(2)  Nabadoon Mukhtaar Xaaji

(3)  Nabadoon Xasan Xuseen Lugayare

Sidoo kalena, waxaa lagu dhaawacay Nabaddoon Axmed Xasan.

Falkan oo ahaa shirqool iyo dhagar ay kooxda aragagixasadu u dhigeen odoyaasha dhaqanka oo u socday in ay soo daayaan shacab beesha ah oo u afduubnaa kooxda Al-shabaab ayaa loo galiyey miino wadadii ay ku safrayeen deeegaanka Aaqobeey oo ku yaalla inta u dhaxeysa Baladweyne iyo Buulaburde ee galbeedka Hiiraan, Nabaddoonnada waxaa ay horay u diideen in ay geeyaan lacago iyo dhalinyaro ay  Al-shabaab askareeyaan.

Wasaaraddu waxaa ay u tacsiyeynaysaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaskii ay nabadoonnadu ka baxeen,  waxayna ku baaqaysaa in meel looga soo wada jeesto cadowgaas aan diin iyo dhaqanba xushmeyneyn, lana garab istaago kacdoonada ka dhanka ah argagixisada ee la isaga xoraynayo gaboodfallada kooxda Shabaab.