Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo qabtay kulan looga hadlayay ka hortaga dambiyada ka dhanka ah deegaanka+Sawirro

Shir looga hadlayay ka hortaga dambiyada ka dhanka ah deegaanka ayaa lagu qabtay xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud iyo Wasiiru dowlaha wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada XFS, Adam aw Xirsi iyo sido kale masuuliyiin ka socotay labada xafiis.

Waxaa xoogga lagu saaray shirkaan gaarka ah sidii la isaga kaashan lahaa dambiyada ka dhanka deegaanka iyo sidii looga hortagi lahaa isla markaana la xisaabtan adag looga gali lahaa.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Suleymaan Maxamed Maxamuud iyo wasiiru-dowlaha wasaaradda arrimaha deegaanka iyo Isbadalka Cimilada Adam Ow Xirsi ayaa labada dhinac kula kula dardaarmay in wadajir xoogga loo saaro dambiyada ka dhaca deegaanka.