
Dowladda Soomaliya oo war kasoo saartay hawlgal Ciidanka Xoogga ka fuliyeen Buuraha Camal

Taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed oo xaqiijyay 75- kamid ah maleeshiyada Alshabaab lagu dilay Howlgalka Yasooman
Waxaa sii korortay tirada dhimashada maleeshiyaadka Alshabaab ee lagu laayay deegaanka Yasooman Ee Gobalka Hiiraan.
Taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raage ayaa u xaqiijyay wakaaladda Wararka SONNA In 75 kamid ah maleeshiyada Alshabaab lagu dilay Howlgalka Yasooman sidoo kalana lagu qabqabtay tiro maxaabiis ah oo katirsan maleeshiyaadka Alshabaab
Howlgalka ayaa wali socda iyadoo ciidamada Xoogga Dalka ay ku sii siqayaan deegaano horleh oo Alshabaab ay horay ugu sugnaayeen.
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la xariira dib u heshiisiinta la qaatay odeyaasha dhaqanka ee Galmudug
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta xukuumada federaalka Soomaaliua Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta kula wadatashi la xariira dib u heshiisiinta la qaatay odeyaasha dhaqanka ee Galmudug
kualanka oo hada socda ayaa diirada lagu saarayaa kaalinta odayaasha dhaqan ee dib u heshiisiinta,xasilinta deegaannada laga xoreeyey Alshabaab iyo ka feejignaanta dhagartooda is kahor keenista beelaha.
ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka aya degaanno badan oo katirsan Mudug iyo Galgaduud waxa ay ka wadaan howlgallo cadaw looga xoreynay degannad ay ganacnta ku hayaan.
Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliya oo faah-faahin ka bixiyay howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda gobolada dalka
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ka jawaabay hadalkii dhagarqabe Cali Dheere, ka soo yeeray kadib dharbaaxada iyo jabka ay ciidanka xoogga iyo dadka degaanka ay u geeysteen argagixisada Al-Shabaab
Taliyaha oo la hadlay warbaabinta Qaranka aya sheegay in hadalka horjoogaha kooxda Al-Shabaab uu yahay ‘Cataaw’ ay ka keenatay guul darada argagixisada ay kala kulantay geesiyaasha ciidamada qaranka ee dagaalka kula jira.
waxa uu sheegay taliyaha sidoo kale in jabka argagixisada ay hormuud u yihiin shacabka Soomaaliyeed oo muda dheer ay soo dhibayeen khawaarijta Al-shabaab,diyaarna ay u yihin in ay iska dulqadaan.
Jeneraal Biixi ayaa dhanka kale ka faah faahin ka bixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee argagixisada lagu jabiyay ee ka dhacay gobolada Hiiraan iyo Galgaduud,waxa uu taliyu carabka ku dhuftay howlgalkii degaanka Abooreey ee gobolka Hiiraan oo jab xooggan loogu geeysatay argagixisad ay ku arkeen arina cajiib ah.
“Aboorey waxaa ka dhacday qiso cajiib ah oo u baahan in umadda loo bandhigo, meydadkii ay Al-Shabaab deegaankaas uga carareen waxaa ku jirtay seddax nin oo madaxa ay ka goosteen, waa arrin cajiib ah, nin madaxa ka goynaya ninkii garabkiisa ka dagaalamayey, si walba oo loo dilo, laakiin saan tuhmeyno waa kuwo ayaga horjoogayaal u ahaa,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.
Midawga Yurub oo lacagaha ka jaraya dal xubin ka ah
Hay’adda fulinta Midowga Yurub ayaa ku baaqday in la dhimo 7.5 bilyan oo Yuuro oo lagu maalgeliyo Hungary, sababo la xiriira walaac laga qabo musuqmaasuqa iyo dib u dhaca dimuqraadiyadda.
Guddoomiyaha Miisaaniyadda Midowga Yurub, Johannes Hahn ayaa yiri: “Hungary waxay haysataa ilaa Noofambar 19 si ay wax uga qabato walaacyada”.
“Hadalkeena wuxuu ku saabsan yaahy jebinta sharciga oo wax u dhimaya isticmaalka iyo maareynta lacagaha EU,” ayuu Hahn ka sheegay Brussels. “Midowga Yurub ma bixin karo lacag aan si buuxda looga ilaalin doonin is-dabamarin”.
Soojeedintan oo imaanaysa markii ugu horreysay ayaa qayb ka ah siyaasado cusub oo loogu talagalay ilaalinta sharciga ee 27-ka waddan ee Midowga Yurub.
In ka badan 45 dhagar qabe oo argagixisada laga dilay
Howlgal culus oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka oo ka socda deegaanka Yasooman oo hoos taga degmada Buula-burde ayaa lagu dilay ilaa iyo hadda in ka badan 45 dhagar qabeyaal ah oo ka tirsan Al-Shabaab. Howlgalkaan oo wali socda ayay dowladda Soomaaliya war ka soo saari doontaa marka uu soo dhammaado.
Dhanka kale Ciidamada Xoogga Dalka ayaa toogtay sagaal dhagar qabeyaal ah oo ka tirsan Al-shabaab ka dib hawlgal ka dhacay deegaanka Warmaxan ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaas oo ay isku dayayeen in ay si dhuumaalaysi ah isaga abaabulaan.
Howlgalka deegaanka Warmaxan inta uu socday waxaa dhaawac uu ka soo gaaray Saddex ka mid ah ciidamada geesiyaasha ah ee Qaranka.
Inta ay socdaan howlgalada ka dhanka ah Argagixisada waxaa lagu dilay in ka badan 200 oo ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaan laga saaray maleeshiyaadka ku dhowaad 30-deegaan oo ay dadka Soomaaliyeed ku gumaadi jireen.
Wafdi seddex geesood ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirka shaqada dowladaha Carabta
Magaalada Qaahira waxaa ka furmay fadhiga 48aad ee shirka shaqada carabta kaasoo ay kasoo qeyb galeen dhamaan dalalka ku bahoobay ururka Jaamacada Carabta oo ay ku jirto dalka Soomaaliya. Kulankan ayaa ah sanadle looga hadlo arrimaha shaqada iyo shaqaalaha dalalka carabta.
Wafdiga seddax geesoodka ah ee ka socda dalka Soomaaliya ee ka kooban dowladda federaalka, xiriirka ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU iyo rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Xildhibaan Biixi Iimaan Cige.
Kulankan oo maanta furmay waxaa diirada lagu saaraya dhaqaalaha dhijitaalka gaar ahaan xaaladaha cusub ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha ku shaqeeya dhijitaalka. Wasiir Biixi Iimaan Cige ayaa soo bandhigay sida ay Soomaaliya ugu sii horumarayso dhinaca dhaqaalaha dhijitalka kaasoo horumar wayn Soomaaliya ka samaynayso, iyada oo la saacidaysa farsamada digital ka ah dariskeeda sida barnaamijyada lagu abuuro adeegyada lacagaha digital ka ah .
Wasiir Biixi Iimaan Cige oo uu safarka ku wehliyo Agaasimaha Guud ee wasaarada shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdullahi Maxamed Cali ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay siyaasad mideysan oo ay ka yeeshaan wadamada carabta taasoo si buuxda uga hadleysa ku shaqeynta dhaqaalaha dhijitalka ayadoo isla markaana la dhowrayo xuquuqda shaqaalaha ayadoon looga faa’ideysaneynin u guurida dhijitalka ama adeegsiga teknoolajiyada.
Isticmaalka iyo u guurista dhaqaalaha dhijitalka ayaa waxaa la filayaa inuu fududeeyo adeegyada dadwaynaha iyo ganacsiga taas oo horseedi karta koboc dhaqaale, ayuu ku daray Wasiir Biixi Iimaan Cige oo intaas sii raaciyay in loo baahan yahay in dhaqaalaha dhijitalka loo isticmaalo shaqo abuuris baahsan si loola dagaalamo shaqo la’aanta.
Xoghyaha Guud ee Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU Cumar Faaruuq Cusmaan oo is na ka mid ah wafdiga seddex geesoodka ee Soomaaliya uga qeyb galaya shirka shaqada carabta ayaa hoosta ka xariiqay in ay tahay lama huraan u baahan in la wajaho isticmaalka dhaqaalaha dhijitaalka ayadoo aan waxba loo dhibeynin xaalada shaqo ee shaqaalaha.
Cumar Faaruuq Cusmaan waxaa uu balse sheegay in loo baahan yahay in la dhowro xuquuqda shaqaalaha uu saameeyay u guurista dhaqaalaha dhijitaalka, ayagoo laga ilaalinayo in aysan noqon shaqo la’aan ama loo abuuro ilo dhaqaale.
Wafdiga Soomaaliya waxaa kusoo dhaweeyay magaalada Qaahira safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar oo isla markaana ah madaxa ergada joogtada ee Soomaaliya u qaabilsan Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar.
Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa xooga saaraya sidii Soomaaliya ay shirkan ugu gaari laheyd natiijooyin wax ku ool ah, isaga oo u diyaariyay Wasiirka iyo wafdigiisa inay wadahadalo la galaan wufuuda kale ee ka socota dalalka carabta.
Ra’iisul wasaaraha XFS oo warbixin ka dhagaystay madaxda wasaaradda Beeraha
Raiisul Wasaaraha JFS Mudane Hamza Abdi Barre, oo warbixin ka dhagaystay Wasiiradda Wasaaradaha Beeraha heer Federaal iyo mid Dowladd gobolleed, ayaa boggaadiyay dadaalka iyo wadashaqaynta Wasaaradda Beeraha Federaalka iyo Wasaaraddaha kale ee dowlad gobolleedyada, kuwaas oo dhowrkii maalmood ee u dambeeyay kulamo ku lahaa magaalada Muqdisho.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha XFS oo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ka dhagaystay warbixin la xiriirta halka ay marayaan hawlaha gurmadka qaran ee abaaraha
Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xirsi Jaamac Gaani, oo kulan la qaatay Agaasinka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Xarunta Qaran ee Hawgallada Gurmadka Degdegga ah iyo xubno ka mid ah Guddiga Abaaraha ayaa ka dhageystay warbixin la xiriirta halka ay marayaan hawlaha gurmadka qaran ee abaaraha iyo deegannada wax la gaarsiiyey intii ay howlaha gurmadku socdeen.
Wasiirka Caddaaladda iyo Dastuurka oo la kulmay masuuliyiin ka socotay UNICEF
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arimaha Dastuurka XFS mudane Xasan Macallin Maxamuud iyo Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda ayaa maanta la kulmay Madax ka socotay Hay’adda UNICEF.










