Ra’iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Fei Shengchao oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada dowladda Shiinaha ee dhinacyada Gurmadka Abaaraha iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee dib-u-dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha kaalmada ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, xilligan ay dalka ka jiraan abaaraha ku dhuftay qeybo badan oo kamid ah waddanka, una baahan in wadajir loogu istaago gurmad kooda.

Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Fei Shengchao ayaa dhankiisa tilmaamay in dowladdiisu ay kaalinta uga aaddan ka qaadan doonto gurmadka abaaraha – isaga oo intaa raaciyay in dhawrka maalmood ee soo socda dekedda Muqdisho uu ku soo xiran doono markab sida cunto gargaar oo ay dowladda Shiinaha ugu deeqday Soomaaliya.

Wasiir Fiqi oo beesha caalamka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay taageeraan umadda ay abaarta heyso

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiiinta Soomaaliya,  Axmed Macallin Fiqi ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in ay taageeraan umadda ay abaarta heyso.

“Waxaan ugu baaqeynaa dadka ay abaaraha heyso, ganacsatada waan is aragnay, jawaab ayaan ka sugeynaa”.

Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay shir ku saabsan “ xoojinta xiriirka wadashaqeynta bulshada rayidka ah bahda ganacsatada Soomaaliyeed ee ku aaddan geedi socodka nabad dhiska iyo dib u heshiisiinta” oo uu goordhow ka furay Muqdisho.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa ka hadlay ahmiyadda kalsooni dhisidda ee u dhaxeysa dowladda federaalka ah, dowlaha xubnaha ka ah iyo guud ahaan bulshada waxaa uuna yiri “Waxaa jira kalsooni darro ka dhalatay dagaalladii sokeeye dalka ka dhacay, si taas wax looga qabto xukuumadda dan qaran tiirkeeda 3-aad waa kalsooni dhisid, waxaa halkudheg u ah  SOOMAALI HESHIIS, DUNIDA HESHIIS LA AH, shirkan maanta aan fadhinno waa astaan Soomaali heshiis ah, heshiiskeeda ay Soomaali wado”.

Dhanka kale wasiir Axmed Fiqi waxaa uu ku baaqay joojinta dhammaan colaadaha ay abuureen arrimaha daaqsiinka, cimilada iyo qaabab kale ku yimaada waxaa uuna ka yiri “Waxaan ka shaqeyneynaa hindiso la xiriira joojinta colaadaha deegaanka iyo daaqa ku saabsan, lagana shaqeeyo nabad dhis iyo dib u heshiin laga shaqeeyo”.

Ciidanka Xoogga oo weerar ku qaaday xubno ka tirsan Argagixisadda oo isku urursanayey deegaanka Sinadhaqo

Ciidanka Xoogga dalka ayaa weerar culus ku qaaday xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab oo isku Urursanayey deeganka Sinadhaqo oo hoostaga magaalada Dhuusamareeb.

Ciidanka ayaa weeraray ceelka Sinadhaqo oo ay kooxdu isku aruursaneeysay, waxaana hadda socda howl gal ballaaran oo ay iska kaashanayaan Ciidanka xoogga dalka iyo dadka deegaanka.

Waxaa la xaqiijiyay in uu jiro qasaaro xooggan oo kooxda Al-shabaab lagu gaarsiiyay weerarka maanta lagu qaaday.

Hawlgallada lagu cidhib tirayo kooxda Argagixisadda ah ee Al-shabaab ayaa ka socda Gobollada Galgaduud, Mudug iyo Hiiraan, iyadoo dagaalladii ugu dambeeyey jab xooggan loogu geystay kooxaha nabad-diidka.

Ciidanka Xoogga oo kaashanaya kuwa Deegaanka ayaa la wareegay tuulada Booco ee Gobolka Hiiraan

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan iyo ciidan uu hoggaaminayo ayaa goordhow la wareegay gacan ku heynta deegaanka Booco oo qiyaastii 50-KM koonfur kaga beegan magaalada Beledweyne.

Ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka iyo Ciidanka xoogga dalka dowladda Soomaaliyeed ayaa howlgal ka wada tuulada Booco iyo degaannada ku xeeran.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay inaysan la kulmin wax dagaal ah, ayna sii wadi doonaan howlgalka.

Waa markii ugu horreeysay oo Al-Shabaab laga saaro deegaanka Booco tan iyo markii ay la wareegeen muddo ka badan 13-sanno.

Argagixisada Al-shabaab ayaa deegaanka Booco waxay u  aheyd fariisin muhiim maxaa uga furneyd Maxkamad ay dadka ku ciqaabaan, iyagoo sidoo kale ka mid ahayd goobaha ay kasoo abaabulaa qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo la kulmay la-taliyeyaasha xasillinta safaaradda Britain ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS Mudane , Axmed Macalin Fiqi ayaa la kulmay la-taliyeyaasha xasillinta ee ka socday safaaradda  UK ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa looga wada hadlay arrimaha xasillinta iyo hindisaha soo kabashada xilli hore (ERI) ee looga golleeyahay in lagu taageero dedaallada xoreynta iyo xasilinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa bogaadiyay kaalinta ay dowladda UK ka qaadatay arrimaha xasillinta iyo dib u heshiisiinta, isaga oo ballan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan hay’addaha fuliya mashaariicda ay dalka ka waddo dawlada UK.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaan Booroow

Guddoomiyaha Golaha Shacabaka ee BJFS Mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ka tacsiyadeeyay geerida allaha ha u naxriistee Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo xalay ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho,waxa uuna alla SWT uga baryay inuu naxriistiisa janno ka waraabiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

“Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun anigoo ku hadlaya magacayga,kan guddoonka iyo Xildhibaanada golaha shacabka BJFS waxaan kq tacsiyadeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid allaha ha u naxriistee walaalkeen Xildhibaan marxuum Maxamed Mursal Boorow illaahey naxriistiisa jano haka waraabiyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qoyska iyo ehelkiisana samir iyo iimaan haka siiyo” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Allaha ha u naxariistee  Marxuum Booroow uu ahaa halyeey waqtigiisa inta ugu badan ugu soo shaqeeyey dadkiisa iyo dalkiisa , Isla markaana door weyn kulahaa dowlad dhiska Soomaaliya.

Allaha ha u naxriistee marxuum Maxamed Mursal Boorow ayaa ka mid ahaa Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka 11-aad,sidoo kalena waxa uu xubin ka ahaa baarlamaankii tobanaad.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILLEEHI RAAJICUUN.

Wargeyska Dalka oo todobaadle ah ka daalaco ama kala dag link-ga hoose:-

https://drive.google.com/file/d/1C-KSdBRXZFdmXjIvg_4kgF5OGxCbGPTd/view?usp=sharing

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya oo ka qeyb galaya shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, H.E. Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa ka qayb-galay xafladda furitaanka kal-fadhiga 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, kaasoo lagu qabtay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Shirarka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah  oo ay ugu horreeyaan cunno yarida,  tamarta,  shaqo la’aanta, awood-siinta haweenka, isbeddelka cimilada iyo waxbarashada.

Wafdiga Soomaaliya ee ka qeyb galaya shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa kulamo aan caadi aheyn la qaadan doona qaar ka mid ah madaxda dowladaha gobolka  iyo wasiirada arrimaha dibadda iyo sidoo kale wakiilo ka socda hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka iyo ururadan si kor loogu qaado iskaashiga istiraatiijiyadeed.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo la Kulmay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Warfaafinta Masar.

    

Qaahira- Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo uu wehliyo Safiirka soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtadda ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Sare ee Warfaafinta Masar Mudane Karam Jabar.

Kulanka ayaa looga hadlay Habka looga hortagi karo argagixisada iyadoo la adeegsanayo warbaahinta si dhalinyaradda looga wacyigeliyo dhibaatadda xagjirka iyo xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen xagga tababarsiinta shaqaalaha dowladda, isla markaana ay isdhaafsadaan macluumaadka xagga wararka.

Guddoomiyaha Golaha Sare ee Warfaafinta Masar Mudane Karam Jabar ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay kulanka uu la qaatay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, isagoo xusay in labada dal Soomaaliya iyo Masar ay ka dhexeyso xiriir soo jireen ah.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac aya qaahira uga qeyb gali doonna Kal-fadhiga 52-aad ee Golaha Wasiirrada Warfaafinta Carabta oo Khamiista soo socota ka furmaya xarunta Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS oo guddoomisay kulan la xiriira horumarinta Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal ayaa maanta guddoomisay kulan howleed la xiriira horumarinta garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho.

Iyadoo ka duuleysa hiigsiga horumarin ee ku aaddan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo adeegyadiisa, waxaa ay Wasiirka warbixin ka dhageysatay Hay’adda Duulista Rayidka iyo saraakiisha hay’adaha amniga ee ka howlgalka garoonka ee Aadan Cadde.

“ Kulankan wuxuu hortabin u leeyahay hiigsiga horumarin ee garoonka , dhawaana wuxuu garoonkan noqon doonaa mid adeegyadiisa guud iyo amniga ay noqdaan kuwa casri ah oo sarreeya.” Wasiir Fardowsa ayaa sheegtay.

Kulanka oo ay qeyb ka ahaayeen Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maxamed Cali Cumar , Wasiir ku-xigeenka, Sulub Axmed Firin ayaa sidoo kale waxaa goobjoog u ahaa Maareeyaha cusub ee garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde , Mudane Maxamed Saciid Cabdullaahi , oo lagu soo dhaweeyay kulanka, ku-xigeenkiisa, Maareeyaha Hay’adda Duulinta Rayidka , ku-xigeennadiisa iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS, Cali Gacal Gaabow.

 

Xafiiska Warfaafinta iyo Xariirka dadwaynaha ee Wasaaradda Gaadiidka Soomaaliya.

Email: [email protected]