Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay dhiggiisa Sacuudiga ballaarinta iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa maanta oo Talaado ah kulan doceed kula qaatay Xarunta Qaramada Midoobey ee New York Dhiggiisa Sacuudiga, Amiir Faisal bin Farhan bin Abdullah, oo ay ka wada qeybgalayaan shirka 77aad ee Jimciyadda quruumaha ka dhexeysa.

Labada Wasiir ayaa kulankooda kaga hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada xoolaha, kalluumeysiga, kordhinta isdhaafsiga ganacsiga, cunto yarida, abaaraha iyo howlaha Golaha Dowladaha dhaca Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Labada wasiir ayaa caddeeyay qoto-dheerida xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal iyo labada dad ee walaalaha ah.

 

Wasiirrada Warfaafinta Iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Oo Booqday Safaaradda Soomaaliya Ee Masar

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Mudane Biixi Iimaan Cige oo shirar kala duwan u yimid Masar ayaa soo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Masar , waxaana kusoo dhaweeyay Safiirka J.F.S ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar, Diblomaasiyiinta iyo Hawl wadeenadda Safaaradda.

Safiir ayaa si faahfaahsan Wasiirada uga warbixiyay xogta iyo adeegyadda ay safaaradda bixiso, isagoo u soo bandhigay Hanaanka daahfurnaanta leh ee Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar loogu adeego.

 

Labadda Wasiir ayaa si wadajir ah ugu bogaadiyay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar waxqabadka iyo horumarka cajiibka ah ee ka socda Safaaradda, iyagoo ku amaanay inu Safiirka si daahfuran Umadda Soomaaliyeed uga faa’ideeyo deeqaha Waxbarasho ee dowladda Masar ay siiso Soomaaliya maadaama Safaaradda Masar ay tahay midda kaliya ee baraheedda bulshada kuso bandhigta deeqaha Waxbarasho isla markaana ku bixisa si siman oo cadaalad ah.

 

       

Ra’iisul wasaare Xamse oo kormeeray xarumaha wasaaradda maaliyadda iyo Bangiga Dhexe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa kormeeray xarumaha Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo xisaabiyaha Guud, isaga oo u kuurgalay howllaha shaqo ee ka socda hey’adahaan muhiimka u ah nidaamka Maaliyadda dalka.

Mudane Xamse ayaa kala hadlay madaxda Hay’adaha Maaliyadda dalka ee uu booqday dardar-gelinta hagaajinta maamulka maaliyadda, ilaalinta hantida dadwaynaha, qorshaha cafinta daymaha dalka lagu leeyahay, kordhinta dakhliga, daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka

Ra’iisul Wasaaraha oo warbixin ka dhageystay Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Xisaabiyaha Guud Marwo Faadumo Cusmaan Faarax, waxa uuna ku boorriyay masuuliyiinta sii Xoojinta wadashaqaynta dhexdooda ah iyo waajibaadka ay qaranka ugu idman yihiin.

 

                    

Ku-simaha Madaxwaynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ciidamadda dowladda ku amaanay guulaha ay ka gaareen dagaalka nabad diidka ah ee Al-Shabaab

Ku simaha Madaxwaynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ku bogaadiyey dagaalka ka dhanka al-shabaab iyo guulaha isdaba jooga ah ay ka gaareeen.

Baaqa Ku-simaha Madaxwaynaha ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ee Ku aadan dagaalka lagula jiro firxadka nabad diidka ah ee Al-Shabaab.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo kormeeray deegaanaddii laga xorreeyay argagixisada Al-shabaab ee gobolka Hiiraan

Beled weyne- Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya  Cabduqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo taliyaha Ciidanka xoogga Dalka  Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeeray degaanadi dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa tagay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan halkaasi oo dhawaan maleeshiyaadka nabadiidka Al-shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay, waxaa ayna socod ku soo mareen guud ahaan deegaanka iyagoo dhiirigelin u sameeyay geesiyaasha ciidanka xoogga dalka ee baacsanaya nabadiidka.

Ciidanka qaabka sida  oo kaashanaya  shacabka deegaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay nabadiika kala wareegay deegaano badan islamarkaasna ka dilay dhagar qabayaal gaaray 200.

          

Wasiirka gaashaandhigga oo bogaadiyay howlgallada ay ciidanka xoogga iyo shacab iskaashana ka wadaan gobollo ka mid ah dalka

Wasiirka Gaashaandhiga XFS ayaa ciidanka xoogga dalka iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab.

“Marka hore Ilaahey baa mahad u sugnaatey marka labaadna CXDS, Shacabka deegaanka iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed.

Ciidanka xoogga dalka iyo shacab oo iskaashanaya ayaa maalmahanba howlgallo lagu ciribtirayo nabad-diidka Al-shabaab ka waday degaanno ka mida gobollada Mudug. Galgaduud iyo Hiiraan, iyagoo dagaalladaasina jab xooggan lagu gaarsiiyay cadawga.

Geeshkayahoow guuleysta.”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Maxamed Mursal Booroow

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan  Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo  ka tirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Mursal Boorow. Marxuumku muddo dheer ayuu u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

Ciidanka xoogga iyo dadka degaanka oo la wareegay goobo ay argagixisada ku dhuumaaleysanayeen

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya shacabka deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaanka Sina-dhaqo oo Dhuusamareeb dhanka koonfureed kaga beegan 35 KM.

Xubno ka tirsanaa argagixisada ayaa lagu dilay howlgalkii saakay ay  ciidanku ka fuliyeen degaanka Sina-dhaqo .

Ciidanka ayaa sidoo kale gaaray deegaanka Labadulle oo qiyaastii 15 u jira Sinidhaqo, waxayna ku sii raad joogaan firxadka argagixisada.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Baxdo

Wasiir kuxigeen Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya , Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Al-caddaala)  Xildhibaan ,Cabdisaabbir Nuur Shuuriye iyo guddoomiye kuxigenka amniga iyo siyaasadda gobolka Mudug, Cabdi Xuseen ayaa gaaray maanta degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga wasiirka ayaa degmada Baxdo kula kulmay Suldaanka ree Xaaji Saleeban , saraakiisha Ciidanka dowladda dhexe ee hoggaamiyaana kacdoonka ladoonayo in lagu xoreeyo degaannada Galmudug ay ka joogaan argagixisada Al-shabaab, Taliska NISA qeybta Galmudug iyo maamulka degmada Baxdo.

Gaashaanle sare, Warsame Diirshe Xusen iyo G/sare Xasan Jaamici ayaa uga warbixiyay Wasiirka iyo wafdigiisa wixii uqabsoomay intii ay joogeen degaannada ay ku diraarsan yihiin ciidamada shacabka ah ee isku abaabulay inay iska dul-qadaan kooxda nabad-diidka ah ee Al-shabaab.

Wasiir Al-caddaala iyo Xildhibaan Cabdi saabir ayaa lagu wadaa inay gaaraan dhammaan degaannada ay ku sugan yihiin ciidamada is-garabsanaya.

Kacdoon shacab ayaa kajira inta badan degaannada Galmudug kaas oo billowday markii ay kooxda Al-shabaab billaabeen inay baabi’iyaan tiirarka nolasha asaasiga u ahaa ee dadka reer miyiga ah, sida ceelasha, baraagaha, tuuoyinka iyo is-gaarsiinta.

Hirshabeelle oo qaybaha Bulshada ugu baaqday hawlgal ka dhan ah Argagixisadda Al-shabaab

Dowladda goboleedka Hirshabeelle ayaa bogaadisay guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray howlgalada baahsan ee ka socda deegaanada Hirshabeelle kuwaas oo lagu ciribtirayo kooxda argagixisada arxanka daran ee Al-shabaab.

Qeybaha kala duwan ee ciidamada qalabka sida oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa suuragaliyay in ay xoreeyaan deegaanno dhowr ah oo argagixisada Al-shabaab hore u maamulayeen.

Kooxaha Argagixisadda ayaa jab xoogan lagu gaarsiiyay dagaaladii lagula galay deegaanada, Yasooman, Nuur fanax, Buuraha qayaayaale, Garasyaani, Aboorey, Tardo, Sagal geed, Geedsamo, Inameey iyo Booco oo maanta laga saaray cadowga.

Dhinaca kale Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ugu baaqday qeybaha kala duwan ee bulshada in ay u istaagaan ka qeybgalka howlagalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo ku caan baxday daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed iyo dhaca hantida umadda.

dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa si dhow ula socoda xaaladaha nololeed ee ka jira deegaanada laga saaray cadowga waxa ayna ku dadaalaysaa sidii dadkaas loo gaarsiin lahaa gurmad deg deg ah.