Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo kormeeray deegaanaddii laga xorreeyay argagixisada Al-shabaab ee gobolka Hiiraan

Beled weyne- Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya  Cabduqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo taliyaha Ciidanka xoogga Dalka  Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kormeeray degaanadi dhawaan laga xoreeyay maleeshiyaadka argagixisada Al-shabaab ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa tagay deegaanka Yasooman ee gobolka Hiiraan halkaasi oo dhawaan maleeshiyaadka nabadiidka Al-shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay, waxaa ayna socod ku soo mareen guud ahaan deegaanka iyagoo dhiirigelin u sameeyay geesiyaasha ciidanka xoogga dalka ee baacsanaya nabadiidka.

Ciidanka qaabka sida  oo kaashanaya  shacabka deegaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay nabadiika kala wareegay deegaano badan islamarkaasna ka dilay dhagar qabayaal gaaray 200.